Maah-maahyo saddex lay ah

 

1:saddex iska ogow;

  Caajis

  Camal-xumo

  Cirwaynaan


2:saddex jilaalkaa kuugu dila;

   Biyo laba guul ah

   Gaadiid la'aan iyo

   Guri xaaluf ah


3:Saddex kaama tagaan;

    Nasiib

    Nabsi iyo

    Nasab

4:Saddex kolkaan bartay baan ka gaboobay;

    Dab ololintii

    Awr caraabinteed iyo

    Caruur aamusintood


5:Saddex kuuma tuuraan;

     Cadwgaaga

     Qof xun iyo

     wedka


6:Saddex laguma galo;

    Ban aan fariis lahayn

    Barqo aan caano lahayn

    Beleed aan boqor lahayn.


7:saddex ilaahay ayaa kugu naca;

   salaad la'aan 

   soon la'aan

   sako la'aan


8:saddex gartaada looma dhiibto;

    Naas-jiid

    lug-jiid iyo

    dhuun-jiid


9:Saddex dibbay kuu dhigaan;

     sirow la saaxiibkii

     sabool gabadhii guurso

     sabad ceel deg


10:saddex deriskaa kugu naca;

     Been badan

     Baryo badan

     Bugto badan


11:Saddex lalama dego ;

    Fulay daandaansi badan

    Doqon fiiro taqaan iyo

    Bakhayl damac yaqaan


12:saddex lalama saaxiibo;

     Rabbi ma yaqaane

     Run ma yaqaane iyo

     Rag ma yaqaane

13:Saddex lama arag;

     Balaayo laba qad ah

     Bakayle talaabsanaaya iyo

     Badhi ciyi ah


14:Saddex lama arag ;

     Daray ubax leh

     Dambar gorayo iyo 

     Dameer af-madow


15:Saddex saddex ayaa loola dersaa;

      Doqoniimo, fulaynimo, iyo fool-xumo

      Doqoniimo deeq baa loola dersaa

      Fulaynimo dhaar ayaa loola dersaa 

      Fool-xumana qurrux ayaa loola dersaa.

16:saddex saddex ayay ku bartaa;

      Baahidu ducay ku bartaa

      Beentuna faanbey ku bartaa

      Baryaduna fadhibay ku bartaa


17:Saddex saddex kama dharagto ;

    ili daymo kama dharagto

    Dhulna biyo kama dhargo

    Dhegna war kama dharagto


18:Saddex saddex lagu waaniyay midna aan naf laga sugin;

    Ciroole dantiisa lagu waaniyay

    Caalim alle ka cabsi lagu waaniyay

    Cadrad xishood lagu waaniyay


19:Saddex taah ma dayso;

   Nin tiiraanyo qaba

   Nin qabow taabtay iyo

   Nin taws qaba


20:Saddex tolkaaba kugu naca;

       Deeq la'aan

       Dood la'aan

       Dirir la'aan


21:Saddex urur baa leh;

    Ciidan

    Caqli iyo 

    Calaf

22:Saddex waa ku hodaan;

     Hadh arooryo

     Hogol xagaa iyo 

     Hilaac basari


23:Saddex waa laga tagaa;


    Tigaad oomane ah

    Taliye eexday

    Taabid caasi garoobey


24:Saddex waa lagu jabaa;

   Jaarkaaga oo kugu xumaada

   Jikaar waalid iyo

   Jacayl aan laguu ogayn


25:Saddex waa lagu tarmaa ;

     Hoo waalid,

     Hagar la'aan tol,

     Faro-ku hayn cibaado


26:Saddex waa laysku nacaa;

     Baryo badan

     Bukto badan

     Baahi badan



27:Saddex waa loo dhintaa;

     Dareen darro

     Lexjeclo iyo

     Is cajabin


28:Saddex waxyaabood waa waad- ka koris;

       Orod-dheeri

       Dabaal-aqoon iyo

       Gababsho-aqoon


29:Saddex waa xarago;

     Hanti haddii aad leedahay,

      Qabiil wanaagsan haddii aad leedahay,

     Cirid madow hadaad leedahay


30:Doqoni saddex bay la weyn tahay ;

     wax cun

     wax dhac

     wax dil


31:Ilaahay saddex saddex isma raacsho;

    Qurux

    Ragganimo iyo

    Geesinimo


32:Raggu waa saddex;

    Orod-maal

    Ayaan-maal

    Af-ku-maal 


33:Saddex waxaa ugu xun saddex;

    Nin maqan oon la tebin

    Nin jooga oon la tirsan

    Nin tegaya oo aan la celin


34:Saddex alle kulama kulmiyo haduu kula kulmiyana saddex kaagama dhigo;

    Bakhayl alle kulama kulmiyo, haduu kula kulmiyana sheekalow alle kaagama dhigo

    Raalliyo alle kulama kulmiyo, haduu kula kulmiyana madhasho kaagama dhigo

    Maal alle kulama kulmiyo, haduu kula kulmiyana mid ku fidneeya kaagama dhigo    


35:Saddex baa boqortinimo kaa qaada;

    Gar leexsan

    Gudoon jilicsan 

    Gacan laaban


36:Saddex beesha laga waayo ma wanaagsanaato;

     Wiil dirira

      Wadaad duceeya

     Waayeel taliya


37:Saddex waa laga tagaa;

   Tub aan ceel lahayn 

    Taran aan wiilal lahayn

   Talo aan caadil lahayn


38:Saddex waa laga ducaystaa;

    Talo aan tawfiiq lahayn

    Taws aan ka bogsi lahayn

    Tigaad aan biyo lahayn


39:Saddex waa xarago aduunyo;

    Hanti badani 

    qabiil wanaagsani iyo 

     codkarnimo


40:Inkaarta ddadku waa saddex ;

    Af- ku -leeble

    Il- ku - leeble iyo

    Uur- ku -leeble

41:Saddex baa laga dhaxlaa;

    Magacisii

    Maalkiisa iyo

    Murtidiisa


42:Taladu waa saddex;

    Mar ay kula gudboon tahay

    Mar aad garan weydo iyo 

    Mar aad gaadhi weydo


43:Saddex waa lagu xamdiyaa;

    Caafimaad qab,

    Cimri dherer iyo

    Quud xalaala


44:Saddex weligaa ha isku deyin;

     Labaatan la oradkii

     Afartan jir la lagdankii

     Lixdan jir la gartankii


45:Saddex baddaa laga helaa;

   Markab

   Doon iyo

   Kalluun.


Post a Comment

0 Comments