Subax nimadii 28kii bishii 6aad sanadkii 1914kii waxaa soo gaadhay caasimada dalka boosniya ee saraayiifo tareen uu saarnaa dhaxal sugihii boqortooyada awstari ee la odhan jiray "faras ferdinal" iyo xaaskiisii oo iyadana la odhanaayey "soofiya" xiligaasi boosniya waxay ku hoos jirtay guumeystihii awstory
markii ay ka soo dageen tareenkii wax ay raaceen xayn gawaadhi ah oo loo diyaariyay waxayna bilaabeen in ay gawaadhidoodada ku dhex maraan dadyowgii isugu soo baxay soo dhawaynta dhaxal sugaha xiligan ay dhex marayeen dadka soo dhawaynaya waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo la odhan jiray "karfela koronsif" iyo 5 saaxiiibadii ah oo ku dhex jiray dadka wax soo dhawaynaaya ragan ayaa yoolkoodu ahaa in ay shirqoolaan dhaxal sugaha iyo xaaskiisa
iyaga oo isku kala qaybiyay wadadii ay marayeen gawaadhidii galbinaysay dhaxal sugaha isku daygoodii ugu horeeyay oo ay ku damceen in ay ku dilaan ayay ku guuldaraysteen taasoo keentay in dadkii meesha maraayey uu kala orod ku dhaco darawalkii waday gaadhiga uu saarnaa dhaxal sugaha oo naf la caari ah iskuna dayaaya in uu raadsado wado amni ah ayaa si kadis ah uga soo hor baxay "karfela koronsif"
kaasi oo markiiba u soo cararay dhankii gaadhiga dhaxal sugaha baaskoolad uu sitayna ku dilay dhaxal sugihii iyo xaaskiisa shirqoolkan ayaa sababay in uu qarxo mid kamida ah dagaaladii ugu wuxuushnimada badnaa taariikhda dagaal ay reer galbeedku ku sunteen in uu yahay dagaalkii koobaad ee aduunka kaas oo ay ka qayb galeen in ka badan 70milyan oo askari laguna dilay 40milyan oo qof dagaal socday 4 sano oo xidhiidh ah sababna u noqoday in uu badalo aduunka oo idil Waxa aynu u jeednaa dagaalkii 1aad ee aduunka.

Inkasta oo sababta tooska ah ee ka danbaysay curashada dagaalkan ay ahayd shirqoolida dhaxal sugaha hadan waxaa jiray sababo dhawr ah oo mudooyin sanooyin ah isa soo biirsanaayey kuwaas oo marba marka ka dan bayesay kor u sii qaadaayay curashada dagaal weyne lagu hoobto xifaaltan xoogan oo ka dhexeeyay dalalka yurub gaar ahaana dalalka (faransiiska, jermalka, iyo talyaaniga) oo ku tartamaayay gacan ku dhigista iyo guumaysiga qaarada africa ruushka iyo dawladii cusmaaniyiinta oo iyagana uu dhinaca kale uu loolan ka dhex taagnaa iyo sabobo kale oo dhawr ah ayaa soo dadajisay in
shirqoolkani uu isku bedelo dagaal lagu wada hoobto kadib markii la shirqoolay dhaxal sugihii awstari boqortooyadii awstari ayaa digniin kama danbays ah u dirtay seerbiya 23 bishii 7aad sanadkii 1914kii 10 qodob oo ay awstari u dirtay seerbiya ayay dul dhigtay amar ah in ay ku soo ogolaadaan 48 saac gudahood in kasta oo ay seerbiya ogalaatay badi qodobadii ay dul dhigtay boqortooyada awsatari hadana awstari kumay qancin arintan waxayna kasoo qaaday in seerbiya ay diiday dalabaadkeedii waxayna si rasmi ah 28kii bishii todobaada 1914kii ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah seerbiya
waxaana guuldaro ku soo idlaaday waan waan laga dhex waday labada dhinac ku dhawaaqida awstari ay ku dhawaaqday dagaalka ayaa bilow u noqday is gaaashaan buuraysi dhex maray dalalkii xulafada la ahaa labada dhinac ruushka ayaa isla markiiba shaaciyay in uu garabtaaganyahay seerbiya wuxuuna iclaamiyay dagaal ka dhan ah awstari wuxuuna ruushku dagaalkan xiligaasi ka dhex arkay maslaxad siyaasadeed oo uu gacanta ku dhigi karo marinbiyoodyadii muhiimka ahaa ee gacanta ugu jiray awstari.
dhinaca kale ruushka ayaa saluugsnaa jarmalka oo uu xiligaasi hishiis ciidan kala dhexeeyay dawladii cusmaaniyiinta waxaana ruushka iyo cusmaaniyiintu isku ahaayeen xiligaasi dab iyo baansiin wuxuuna kusoo biiritaanka ruushku uu ku soo biiray dagaalkan ka dhigay jarmalka mid isaguna dhinaciisa iclaamiya inuu ku biiray dagaalka 1dii bishii 8aad isla sanadkii 1914kii laba cisho ka dib jarmalka ayaa markale iclaamiyay in uu ladgaalamaayo faransiiska halka ingiriiska oo isaguna diidanaa isbalaadhinta ay samaynayeen jarmalka iyo ruushku uu isaguna dhiniciisa shaaciya 4tii bishii 8aad 1914kii in u si rasmi ah daraf uga yahay dagaalka boqortooyadii awstari oo ahayd tan bilowday dagaalka ayaa iyaduna dhinaceeda lixda bishii 8aad shaacisay in ay dagaal ku qaadayso ruusha Waxayna faransiiska iyo ingriisku shaaciyeen in iyaguna ay la dagaalamayaan boqortooyada awstari markii uu isku bedelay
dagaalkii ku bilowday labda dal mid ay ku soo biiran dalal dhawr ah ayaa loo kala qaybsamay laba qaybood ama laba gaashaan buur gaashaan buurta 1aad ayaa la odhan jiray (ciidamadii huwanta the allies) waxayna ka ayna ka koobnaayeen faransiiska ingiriika seerbiya montanegro iyo biljamka iyo gaashaan buurta 2aad oo iyadana la odhanaayey quwada dhexe the centeral power oo iyaguna ka koobnaa dalalka seerbiya hungry jarmalk iyo jabaan dalka jaban oo iyaduna ugu soo biirtay dagaalka in ay qabsato shiinaha kusoo biiritanka ay jabaan dagaalka ku soo biirtay ayaa shiinaha ka dhigay mid isaguna ku biira gaashaan buurtii koobaad ee la odhan jiray huwanta si ay isaga dhiciyaan jaban .
dawladii cusmaaniyiintaa oo iyaduna xiligaa hogaanka u haysay muslimiinta ayaan iyadu dhinacna ku biirin oo bilowgii dagaalka ka ahayd dhexdhexaad laakiin 3/11 isla sanadkii 1914kii waxay ku qasbanaatay in ay ku biirto gaashaanbuurtii la o dhanaayey awooda dhexe madaama dalal kamid ah gashaan buurtii huwanta uu damac ka soo galay qaar kamid ah dhulalkii ay xukumaysay dawladii cusmaaniyiintu waxayna ahayd is xulafaysiga labada gaashaan buurood kuwo marba marka ka dambaysay sii kordhaaya waxayna dalalka ku kala biiraaye labada dhinac kawada sinaayeen laba damac oo ah dalal uu damac kaga jiro in ay qabsadaan dhulal hor leh iyo dalal baadi goob ugu jiray in ay madax banaani helaan oo ay guumaystaha iska dul qaadaan dagaalkan ayaa waxa uu socday 4sanno oo xidhiidh ah wuxuuna markiisii hore ku bilowday is qabqabsi ka dhexeeyay dalalka
reer galbeedka ka hor intuusan isku bedelin dagaal caalami ah oo badi dalalka aduunku kawada qayb qataan gaar ahaan yurub eeshiya iyo maraykanka waxaa lagu tilmaama in ku dhawaad 70 dal ay ka qayb qaateen dagaalkan waxayna dadka ku nool 70 kan dal u dhigmayeen kala badh dadka ku nool aduunka 10 dal oo kamid ah 70kan dal ayaa ahaa dalal xor ah halka inta kalena ay ahaayeen dalal guumeysi ku hoos jiray 20 dal oo keliya ayaa ka noqday dagaalkan dhexdhexaad waxaan ka qayb qaatay ku dhawaad 70 milyan oo askari halka 40 milyan oo askari ay ku dhinteen dagaal waxa uu dagaalku ahaa mid laba dhic leh dhinac kobaad ayaa ahaa mid loo yaqaanay dulaan

oo labada dhincba waxa ay ahaayeen kuwa is weerara oo dhulal iska qabsada halka marxaladii labaadna loo yaqaanay marxaladii dhufaysyada marxaladan ayaa ku suntanayd marxalad uu dhinac walba qotay dhufaysyo ciidamada jabhadaha ku kala sugan ayaa ku kala gabanaayey dhufaysayadaasi waxaan marxaladan la adeegsaday hubaba casri ah oo markaasi uun la farsmeeyay sida diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo duulaankii koobaad ee dagaalka ayaa ku bilowday daanta galbeed 20 bishii 8aad sanadkii 1914kii wuxuuna jarmalka oo qaaday dagaalkaasi uu awood u yeeshay un uu qabsado caasimadii biljamka ee boroksel iyo sidoo kale daanta koonfureed ee faransiiska laakiin guusha jarmalku ma noqon mid
siiraagta oo 6 bishii 9aad ayuu faransiisku ka adkaaday jarmalka dagaal loogu magac daray dagaalkii maar wuxuuna dagaalkaasi sabab u noqday inay joogsanto is balaadhintii uu smaynaayey jarmalku wuxuuna jarmalku isku bedelay mid dhufayso samaysta halka markii hore uu duulaan ahaa isaga oo dhufaysayadiisa ka samaystay xuduuda dalka iswesarland sanadkii 1915kii jarmalka iyo gaashaanbuurtiisii awooda dhexe ayaa guula dhawr ah ka gaadhey gaashaanbuurtii la odhanjiray huwanta iyaga oo dagaalkii la odhanaaye gorlestaarmuu ku gaadhsiiyay ciidamadii ruushka guuldaro aanu ka soo waaqan waxa ay ka qabsadeen dalka bolan iyo sidoo kale qaybo badan oo kamid ah netwaaniya waxayna isku dayeen in ay jaraan isgaadhiisntii ciidamadii taliska ee ruushku uu lalahaa
ciidamadiisa furimaha dagaalka iyo saldhigyada si ay si gebi ahaanba ugu soo afjaraan in kasta oo uu ruushku guulo dhawr ah ka gaadhay jarmalka hadana khasaarihii baaxada weynaa ee ka soo gaadhay dagaalkaasi oo qiyaas ahaan looga qabsaday 325000kun oo maxbuus ayaa ka dhigtay ciidamdii ruushka kuwo aan si dhakhso ah u soo kaban waxayna arin tani keentay i jarmalku uu ruushka ka qabsado dhulkii laysku o dhonaayey balkaaniska waxayna ciidamada jarmalka iyo awstari ka talaabeen webiga daanoon si ay fool ka fool ula dagaalamaan ciidamadii seerbiya oo ay u gaysteen khasaare aad u
balaadhan dhinaca kale saldanadii cusmaaniyiinta ayaa door muhiim ah ku lahayd dagaalka gaar ahaan gaashaanbuurtii ay ka mid ahayd ee awooda dhexeWaxaan ugu wacnaa in ay gacanta ku haysay mid ka mid ahaa marin biyoodyada ugu istiraatiijisanaa dagaalka sida marin biyoodka dardaniil iyo marin biyoodka baasfoorka iyada oo ka xirtay saadkii ruushka uga imaanayay faransiiska iyo ingiriiska arintan ayaa keentay in gaashaanbuurtii huwantu ay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah cusmaaniyiinta si ay gacanta ugu dhigaan marin biyoodkan waxna 18/3aad ku soo qaadeen dagaal laakiin dagaalkan
ayaa noqday mid guul daraysta waxayna gaashaanbuurtii huwantu la kulmeen jab aad u daran oo ka dhigay kuwa dib ugurta dhamaadka sanadkii 1915kii dagaaladan ayaa sii xooogaystay intii lagu jiray sanadkii 1916kii waxaana sanadkan dhacay dagaalo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen dagaalkii la odhanaayey farduun oo socday 7bilood oo xidhiidh ah waxaana sanadkaasii markii ugu horaysay taariikhda dagaalada soo baxay hub cusuboo ahaa taangiyada dagaalka waxaana jarmalka ka soo gaadhay dagaalkan khasaare aad u weyn oo sabab u noqday in la baabiiyo badi ciidankeedii tababarnaa
taasi oo ka dhigtay mid si gebi ahaana ugu tiirsnaata ciidamadii dhalinyarada ahaa ee aan khibrada badan u lahayn dagaalada bishii sagaalaad sanadkii 1916kii waxaa dhacday in ingriisku uu qabsaday magaalada barakaysan ee qudus oo xiligaasi muslimiinta gacanta ugu jirtay waxaana sidaasi oo kale ay qabsadeen magaalooyinka dimishiq, ximis iyo xalab oo ka mid ah dalka suuriya sanadkii 1916kii sidoo kale wuxuu ku suntanaa in maraykanku uu si rasmi ah ugu soo biiraay dagaalka maraykanka oo xiligaasi ku dhaqmayey siyaasad ku dhisnay in uu dhexdhexaad ka noqdo khilaafaadka dalalka yurub una ogalaan in dalalka yurub saamayn ku yeehsaan siyaasadooda ayaa hadana waajahayey cadaadis xoogan oo uga imaanayey yuhuuda oo iyaguna dhinacood balan qaad ka haystay wasiirka arimaha dibada ee ingiriiska ee "Sir Edward Gray, 3rd Baronet"oo u balan qaaday in uu siinayo falastiin haddii ay ku garab istaagaan dagaalka
sidoo kale maraykanka ayaa ka cabsi qabay in uu gaashaan buuraysi dhex maro dalalka maksiko iyo jarmalka si ay maksiko ula soo noqoto dhulkii uu ka haystay maraykanku halka jarmalkuna uu burburiyay maraakiib dhawr ah oo uu lahaa maraykanku arimahan isbiirsaday ayaa ka dhigtay gongareeskii maraykanka mid ogalaada in ciidamadiisu si rasmi ah ugu biiraan dagaalka maraykanaka oo markiiba la jirsaday gaashaanbuurtii huwanta ayaa
dagaalkii u yeelay micno kale maxaa yeelay dagaalka oo inbadan socday dhamaan dalalkii dagaalamayayna ay ka soo gaadheen khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba iyo ciidamadii soo hadhay oo ku daalay dagaalka mooralkooduna jabsanyahay ayay ciidankii maraykanku soo galeen dagaalkas sidoo kale maraykanka ayaa xiligaasi haystay hub aad u horumarsan Taasi oo kor u siiqaaday awoodii gaashaanbuurtii huwanta
kadib dagaalo dhawr ah oo guulo iyo khasaareba lahaa waxaa dhacday in bishii sagaalaad sanadkii 1918kii ay ciidamada maraykanaka iyo faransiisku qaadeen weerarkoodii ugu danbeeyay iyaga oo ku qabsaday jabhadii handambeerk sidoo kale dagaalkan isbuucuun kadib waxay maraykanka iyo faransiisku galeen dagaal kale oo la odhan jiray blackmonth waxayna ku qasbeen ciidamdii jarmalka in ay dib ugu gurtaan xuduudii biljamka sidoo kale kanada iyo ingiriiskaa ayaa iyaguna dhinacooda dagaal kale ka qaaday dagaaladan baaxada
waa weyn ayaa keentay in gaashaan buurtii la odhanayey awooda dhexe ay si rasmi ah u burburto wuxuuna ahaa dalka bulgaariya dalkii ugu horeeyay qalinak ku duuga xabad joojin 29kii bishii 9aad sanadkii 1918kii waxayna ahaayeen dalakii gaashaanbuurta awooda dhexe
kuwo mid mid isku dhiibay ilaa laga soo gaadhay 11/bishii 11 sanadkii 1918kii oo ay tareen dhexdii dalka jarmalka iyo gaashaanbuurtii huwantu ku saxeexeen heshiis xabad joojin ah waxaana sidaasi ku soo idlaaday dagaal geysta khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba oo aad u baaxad weynaa waxa ku dhintay dagaalkaasi 8.5milyon askari
dhaawaca ayaa isaguna kor u dhaafay 20milyan halka lagu dilay ku dhawaad 13milyon oo dad rayid ah waxaana la qafaashay ku dhawaad 29milyan oo qof oo isugu jira ciidan iyo shacab wuxuuna ahaa ciidanka seerbiya ciidankii ugu khasaaraha badnaa dagaalkawuxuuna dalkaasi ku waayey dagaalka 4meeloodoow saddex meelood ciidankooda sidoo kale 20milyan oo qof ayuu dagaalkani sabab u noqday in ay guumaysi hoos galaan waxaana ku qaxay ku dhawaad 10 milyan oo qof oo ahaa dadkii deganaa qaarada yurub
Dhamaadka taariikhda dagaalkii 1aad ee aduunka halkan waa ifiye oo aad kala socoto qoraalo ku cajabinaaya sida aqoon korodhsi,xikmado,taariikho iyo services onlin ah ku xidhnoow ifiye waanay ku qancinaysaa xidhnaantaada aad ifiye ku xidhan tahay soo dhawoow marlaabaad akhriste
0 Comments