Qisada xanuunka badan ee ka dambaysa erayada Xamuud xabiibi xamuud! nala ogow xaqiiqadeeda

 


Asalamu calykum saaxibayaal qisadeena maantu waxay ku saabsan
tahay halka ay ka yimaadeen erayada xamuud xabiibi xamuud
kahor intaanad akhriyin sheekada ku dhufo linkigaas ay ku qoran
tahay xamuud xabiibi  kadib sheekada akhriso hadii aanad linkigaa
ku dhufan sheekada ma fahmi doontid aynu sheekada gudagalno


waxaalaga yaabaa in clibkaas aad yaraantaadii maqli jirtay ama aad codkaas maqli jirtay waqti waxaa jirtay in muuqaalkaas yar ee aad daawatay ama codkaasi aad maqasheen
ay dadku ku xidhan jireen telephoneda inkastaa oo uu clibkaas yar uu ahaa luuqada carabiga hadana wuxuu ku faafay dhammaan daafaha caalamka isagoo oo soo gaadhay soomaalida
iyo xataa qabo kamid ah yurubta muqaalkaas dadku aad ayay u xiisaynayeen iyaga oo ka dhigan jiray madadaalo iyo wixii lamid ah laakiin clibkaasi  kumuu soobixin 
madadaalo halkan ayaad maanta kaga bogan doonta qisada xanuunka badan ee clibkaasi ku soo baxay hore ugu soco akhriska.



Qisadu waxa ay u dhaxaysaa laba wiil oo yar-yar oo saaxiibo ah waxaa lagu kala magacaabi jiray axmed iyo xamuud hadaba labadan wiil ee yar-yar waxay ahaayeen saaxibo 
waxayna isku barteen oo ay ku saaxiibeen labadooda qoys oo saaxiib ahaa labada wiil ee yar-yar waxay saaxiib ahaayeen tan iyo yaraantoodii oo xataa isku iskuul ayay 
galeen markii ay gaadheen xiligii iskuulka waxa uu axmed ahaa mid aad u jecel saaxiibkii xataa walaalihiisa ladhashay ayuu ka jeclaa dhanka kale xamuudna kamuu
yarayn siduu u jeclaa saaxiibkii axmed isku soo duuduubo  waxay ahaayeen laba saaxiib oo sida walaalaha oo kale ah.

hadaba waxaa jirtay in wiilkan yar ee lagu magacaabo xamuud uu hayay xanuun aad udaranaa oo aad u halis badnaa haddii la damco in laga daaweeyana ay ku kici lahayd qarash aad u badnaa
qoyska uu xamuud ka dhashayna waxay ahaayeen qoys ay xaaladooda dhaqaale iska yar hoosaysa oo maanay awoodayn in ay wiilkooda daweeyaan wiilkan yar ee xamuud waxa uu 
iska la noolaa xanuunkan oo mararka qaar ku soo kici jiray hadaba iyada oo ay xaaladu sidaas tahay ayaa waxaa dhacday maalin maalmaha kamid ah axmed saaxiibkii xamuud

maanu soo booqan subaxdii dambe ayaa waxa uu axmed go'aansaday in uu isagu soo booqdo saaxiibkii xamuud oo ay halkaas ku soo wada ciyaaraan waqtina kusoo wada qaataan
hase ahaatee nasiib daro axmed markii uu tagat gurigii xamuud waxaa lagu dhahay ma joogo xagee ayuu tagay dhakhtarka ayaa loo qaaday oo wuu xaniistay axmed ayaa naxay
oo yidhi dhakhtarka ii sheega waa xagee laakiin waa la dajiyay oo looma ogalaan maadaama uu ilmayar yahay waxaana uu kulaabtay gurigoodii isaga oo aad u murugaysan
hase ahaatee wiilkii yaraa ee axmed waxay kaga dhagtay saaxiibkay aan soo arko oo aan dhakhtarka kusoo booqdo wiilkii hoyadiis kamaayna yeelin oo waxay ku 

celcelinaysay dhakhtarka caruurta lagama ogala wax uu sidaa ahaadaba oo marka albaabka la soo garaacaba uu ku cararo waxaa dhacay gabalkii waana la seexday 
axmed markii uu subaxii soo toosay ayuu is diyaariya oo uu hooyadii ku yidhi ilowba ilow si kasta oo ay ahaato waxaa u tagayaa xamuud  ee kaalay ii gee runtii aad ayuu
ubaryay hooyadii waa ay layaabtay wiilkii yaraa wiilkii yaraa markuu arkay hoooyadii oo soo egysa wax jawaab ahna aan siinayn ayuu weydiiyay hooyo maxaa jira maxaa dhacay

hadii aynu xalay dib ugu noqono (axmed hooyadii waxaa loo soo sheegay in wiilkii yaraa ee xamuud uu dhakhtarka ku geeryooday) waxay hooyadu ka naxday geerida ku timid
wiilka yar iyo sida uu wiilkedi u jecel yahay uguna wer-weraayo waxay go'aan ku gaadhay in ay u sheegto oo ay ku tidhi hooyo xamuud wuu geeryooday ee ilaahay ha inaga
samirsiiyo hase ahaatee wiilkii yaraa wuu rumaysan waayay hadalkii hiiyadii wiilkii yaraa wuxuu hoyadii ku celiyay ilowba ilow hada ii gee xamuud hooyadii waxay isku dayday
in ay dajiso laakiin way awoodi weyday waxayna go,aansatahy in ay gayso geerida si uu ugu soo qanco waxay geysay wiilkii yaraa ee axmed ahaa gurigii markii ay saa u gaadheen

ayuu wiilkii yaraa bilaabay in uu ku dhawaaqo xaamuud xamuud isaga oo isleh u yeedh saaxiibkii reerkii wiilka yar ka baxay ee xamuud dhalay ayaa ka yaabay wiilkan yar siduu
u jecel yahay wiilkooda islaantii dhashay xamuud ayaa soo qabatay oo hab siisay oo ku tidhi hooyo xamuud wuu inaga baxay alle samir iyo iimaan hainaga siiyo ee is deji
laakiin wiilka yar ee axmed waxaa meesha ka dhacaya oo dhan uma muuqdaan waxa ay kaga dhagtay aaway saaxiibkay marii dambe ayaa waxaa go'aan lagu gaadhay in la kor geeyo

meydaka xamuud oo aan weli guriga laga qaadin si uu ugu soo qanco markii la kor geeyay saaxiibkii oo meyd ah axmed markii uu sidaas u arkay ayuu ku cararay
saaxiibkii xamuudoo uu markiiba marada wejiga ka rogay  waxaanu ku cel cleinaayay kalmadahan (حمود حمود حبيبي حمود حمود حمود قوم اقعد من النوم قوم اقعد من النوم يا احمد حمادي يا احمد حماد)oo ay macnaheedu tahay

 "xamuud xamuud xamuudkii aan jeclaayoow kac ana markayga iga kici hurdada"
yacni caruurtu markay yar yaryihiin ciyaaraha ay ciyaaraan ayaa ay ka mid tahay in marba mid wax hurda is dhigo ka kalena kiciyo sidii oo kale ayuu mooday oo wuxuu
rumaysan la'aa in uu saaxiibkii sidaas ku waayay  arintaasina waxay aad uga ilmaysiisay dhammaan dadkii meesh joogay waxaana ku noqotay dadkii meesha joogay naxdin
fal celinta wiilkan yar ee axmed iyo sida uu uxiisaynaayo saaxiibkiisa xamuud markii loo baqay xaaladiisa nafsiyadeed ayaa laga soo qabtay isaga oo weli ku celcelinaaya
kalmadihii waxaana go'aan lagu gaadhay in wiilka guriga loo qaado oo la dejiyo xaaladiisana laga warhayo iyo caafimaadkiisa.



haddaba qisada wiilkan yari waa ay faaftey eraydii uu ku celcelinaayayna waxaa laga sameeyay codkan aad maqlayseen dabcan codkani maaha codkiisa ee waxaa laga sameeyay
erayadiisii oo markaas laduubay laakiin waxay dadka badankoodu u qaateen maad iyo ciyaar ciyaar 
waxaan filayaa in aad hada fahantay in shaqsigii erayadan yidhi uu kusugnaa xaalad ka soo horjeeda sida aad adigu malayn jirtay ama maad kuula ahay d markaad maqashid

wixii faalo ah fadlan comentiga noogu reeb
mahadsnid

Post a Comment

0 Comments