Inaadd noqoto qof guulaysta nolosha macnaheedu waa in aad ku guulaysta dhammaan ama inta ugu badan hadfyadaada nolosha ilaa ad noqoto mid dhab ahaan ugu qanacsan noloshiisa sababta aanay dadka intooda badan aanay waligood guul u gaadhin waa iyaga oo fikrado qaldan ka aaminay guusha fikradahaasi oo ka hor istaagaaya inay qaadaan wadada saxda ah hadda halkan waxaan kuugu sheegi doonaa furayaasha lagu gaadho guusha kuwaasi oo qof kasta u ogalaanaaya in uu gaadho hadaf yadiisa oo uu noqdo mid guulo gaadha haddii uu raaco
"10 qodob oo aad ku gaadhi karto hadaf kasta oo aad leedahay";
1: Tirada isku daygaaga;
Caruurtu waxay bartaan sida shay ama walax si caadi ah loogu qabto kadib markay shaygaa u qabtaan siyaabaha qaldan oo dhan markasta oo uu ilmuhu walaxdaas u qabto si qaldan waxay ka dhacdaa gacmihiisa waxaanu wax cusub ka bartaa sida loo qabanayo walaxdaas kadib markuu isku dayo badan oo ku filan uu sameeyo ilmuhu wuxuu bartaa sida shaygaa si sax ah loogu qabanaayoTan waxaa lamid ah hab kastaa oo wax lagu barto iyo guul kasta oo la gaadho haddii aad rabtid in aad guul gaadhid waa in aad ku talo gashaa in aad marar badan guul daraysato ilaa aad ka helayso waxa kuu shaqaynaaya
2: Isbad badal samee;
Markaad guul daraysato isbad badal samee oo badal habkii hore iyo xeeladii hore ee aad raacaysay isku day hab cusub isku day inaad ogaato sababta aad u guuldaraysatay si aad u hagaajiso wixii kaa qaldamay isku daygaaga xiga mar kasta oo aad guul daraysato waxaad ogaan doontaa wax cusub oo kaa hor taagnaa inaad guulaysato kadib markaad tiro kugu filan guul daraysato majiri doono wax kaa hor istaagaaya dhabaahaga guusha
3:100% aamin in aad gaadhayso hadafyadaada;
Ninkii laambada hindisay ayaa waxa la waydiiyay sidii uu u awooday in uu lambada hindisideeda uu kun jeer isku dayo isaga oo markasta guull daraysanaya hadana aan rajo dhigayn oo ay dadka oo dhan kugu maadsanayaan ayaa waxa uu ku jawaabay markasta oo uu qof igu idhaahdo waad ku fashilmatay samaynta laambada waxaan ugu jawaabi jiray kumaan fashilmin balse waxaan ogaaday dariiqo kale oo aan lagu samayn karin laambada sidaa daraadeed ninkaasi wuxuu 100% aaminay in uu guulaysanaayo waxaanu fahmay in ay ka xigaan keliya waqti iyo isku day badani
4:Baro sababta ka dambaysa guuldaradaada;
Inta badan dadka aan guulaha gaadhin waxa ay dareemaan caawimaad la'aan taasina wax ugu wacan in aanay garanayn wax ay samayn la haayeen si ay uguulaystaan oo ay u gaaadhaan hadafyadooda kadibna dhawrka guul daro ee ugu horaaya ma guul darada koobaadba way niyad jabaan halkii ay ka baran lahaayeen sababta ka danbaysa guuldaradooda markasta oo aad guul daraysato baro wixii kaa qaldamay baro sida loo waydiiyo dadka khubarada ah waxa sabab u ah guul daradaada sidoo kale baro sida xal looga raadiyo internetka haddii aynu soo koobno waa inaad barataa sidii aad xal ugu heli lahayd waxa kaa hortaagan guusha haddii kale weligaa guul gaadhi maysid oo waxaad dareemi doontaa caawimaad la'aan iyo ciirsi la'aan
5:Noqo mid niyad ahaan iyo nafsi ahaanba u diyaarsan;
Dadku way ku dhaleecayndoonaan way kaa maadsan doonaan waanay ku niyad jabin doonaan waxay shaki gelin doonaan waxaad ka aamisantahay naftaada waanay ku liidi doonaan intaa waxa dheer waxa laga yaabaa in aad marar badan guul daraysato kahor intaadan guulaysan waxaanad waajihi doontaa caqabdo badan haddii aad rabto in aad guul gaadho waa in aad noqotaa mid caqabadahan oo dhan si niyad ah iyo nafsi ahba ugu diyaarsan oo adkaysi u leh si aanay u burburin rajadaada ama riyadaadu
6:Ogow waxa aad u qalanto hana ku qancin wax ka yar;
Dadka badan koodu waxa ay ku qancaan waxa aan u qalmin iyaga oo aamisan in aanay heli karin waxa ay dhabhaan u rabaan waxa kaliya ee kugu dhici karaa haddii aad ka tanaasusho waxa aad dhab ahaan u rabto waa in aad ku noolaan doonto farxad la'aan wacad ku mar in aanad ku qanci doonin wax ka yar waxa aad rabto waxaanad noqon doontaa qof guul gaadha nolosha
7:Ha rumaysan dadka ku niyad jabiya;
Diid in aad rumaysato dadka ku niyad jabiya marka aad ogaato qiimahaaga dhabta ah iyo waxa aad u qalantoInta ugu badan waxa aad arki doontaa in qofksataaba ku niyad jabinaayo maxaa yeelay dadku ma jecla in ay arkaan qof qabanaaya wax aanay weligood isku dayin in ay qabtaan inta badan ee aad rumaysan tahay naftaadu waxa ay badinaysaa in ay dadku ku niyad jabiyaan oo ay kuu sheegaan in aanad waxba gaadhi karin dadka ku niyad jabiya badan koodu nolosha waxba kama yaqaanaan haddii ay wax garanayaana iyaga ayaa nolosha guul ka gaadhi lahaa farxadna ku noolaan lahaa balse taa cagsigeeda ayay ku nool yihiin si aad guul ugaadho diid oo ha qaadanin hadalada dadka ku niyad jabiya
8: Aamin naftaada;
Haddii aanad rumaysnayn naftaada aad ayay kuugu adkaan doontaa in aad isku daygaaga sii wado isaga oo qof kastaaba ku niyad jabinaaya magaranaysaa sababta dadka badankoodu aanay guul u gaadhin sababta aanay dadka badan koodu u guulaysan waa iyaga oo aan isku dayba samayn haddii aad rumaysato saaxiibadaa qarabadaada iyo bulshada kugu xeeran oo aad hadaladooda qaadato waxaa laga yaabaa in ay ku niyad jabiyaan oo ay ku aaminsiiyaan in aan guul la gaadhi karin wadada guusha lagu gaadhaa waa mid adag waxa ka buuxa dhaliilo hadalo lagugu niyad jabin doono iyo waqtiyo adag dadka inta ugu badan ee aan aaminsanayn naftoodana waxaa niyad jabiya cadaadisyada iyo hadalada dadka haddii aad rabto in aad guul gaadho waa in aad aamintaa naftaada haddii aanad aaminin naftaada majiro qof ku aaminaaya
9:Geesi noqo ;
Dadka badankoodu maaha qaar guul gaadha taasina waa sababta aanay fikrad fiican u ahayn in dadkaasi dariiqa ay raacaan aad raacdo si aad nolosha guul u ga gaadho waxa aad u baahantahay in aad samayso wax aanay samayn dadka aan guulaysan oo aad ka duwanaato dadka badan kooda marka aad samayso wax aanay samayn dadka guul daraystaa waxa ay dadkaasi kuu sheegi doonaan in aad waalantahay in aanay fikradaadu sax ahayn laakiin dadka fikradahooda ku waalani waa kuwa ugu danbayn guulaysta
10:Sii wad isku daygaaga iyo barashada;
Waxa aad u adag in ay guushu kuu dhacdo isku daygaaga ugu horeeya markaad guul daraysato ha niyad jabin balse taa badalkeed dib u kac markasta oo aad qalad samayso qaladkaaga wax ka baro isku day labaadna samee maalin maalmaha ka mid ahna riyadaadu way kuu rumoobi doontaa
Sirta lagu helo waxa aad rabto
si aad ugaadhid waxa aad rabtid uma baahnid awood ka baxsan awooda baniaadamka balse waxa aad u baahan tahay in aad u fikirto si ka duwan sida dadka kalego'aanso in aad dib u kacdo markasta oo aad guuldaraysato go'aanso in aad isku daygaaga sii wado markasta oo aad fashilmato sidoo kale go'aanso in aad naftaada wax sii barto markasta oo ay aqooni kaa dhiman tahay adkaysi yeelo isku daygaagana sii wad xataa haddii aad kun jeer guul daraysato haddii uu qof ku diido ka dhig qofkaa mid mardhow ka shaleeya diidmadii uu ku diiday isku day in aad hesho dariiqo aad ku guulaysato haddii aanad heli karin dariiq aad ku guulaysatana adigu smayso mid noloshu waa goob dagaal ee u noolow sida dagaal yahan ka oo kale
Gunaanad
Ku dheg talooyin kan waxaad gaadhi doontaa riyadaada waxaanad hubaal gaadhi doontaa guul habeeno gudahooda ku dhici mayso waxaanay u baahantahay waqti u huritaan iyo shaqo badan balse dhamaadka waad gaadhi doontaa Guushu waxa ay qaadataa waqti waxaanay u baahan tahay samir waxa aad u yar in guushu si dhakhso ah ama habeeno gudaahood ku dhacdo taasina waa sababta ay u tahay in aad u diyaar garowdo socdaal dheer si aad guusha u gaadho kuma lihi guul kuma gaadhi kartid waqti gaaban balse inta badan guushu waxa ay qaadataa waqti dheer haddii aad u malayso oo aad is tidhaahdo guushu way kaa raagtay oo dibay kaaga dhacday ha werwerin sababta oo ah taasi waa wax iska caadi ah isku day in aad diyaarsato qorshe dheer oo badal qorshaashaadu haday ku suurto geli waayaan
0 Comments