10 Talaabo oo aad si fiican ugu maarayn karto waqtigaaga (Time managment)



Ma taqaanaa waxa ay tahay hantida ugu qaalisan ee aad leedahay? Waa waqtigaaga   Bal wax-yar ka fikirr haddii aad waqtigaaga si nidaamsan u isticmaasho waxaad awoodi doontaa in aad hesho hanti kasta oo aad rabto  haddii aad lacag rabto waxaad u baahan tahay in aad waqtigaaga si fiican u isticmaasho haddii aad caanimo rabto waxaad u baahantahay in aad waqtigaaga si fiican u isticmaasho
Maadaama uu waqtigu ku fadhiyo qiime aad u weyn waxaanu halkan kaga hadlaynaa sida aad waqtigaaga uga faa'idaysan karto 

"10 Talaabo oo aad si fiican ugu maarayn karto waqtigaaga"
 
1:Samayso liis hawl maalmeed;

Mid ka mid ah sababaha ay dadku u caajisaan ama u wahsadaan isla  markaana ay waqtigooda u lumiyaan Waxaa ka mid ah in ayna garanayn wax ay qabtaan ama aan garanayn hawsha muhiimka u ah in ay bilaabaan markaad sii go,aan sato ee aad sii qoroto hawlaha ay tahay in aad qabato waxa aad u yaraanaysa in aad wahsato ama aad caajisto sidaa daraadeed subaxii markaad soo toosto qoro liiska hawlaaha aad maalintaa qabanayso

2:Hawlahaaga mudnaan u kala samee;

Hawlaha aad maalinta aad rabto in aad qabto waa in aad go'aamisaa muhiimada ay midkastaaba yeelanayso  Shaqada barashada xirfadaha cusub wax akhriska jimicsiga waqti laqaadashada asxaabta mid kastaba waa in aad u samaysaa mudnaan haddii laba ka mid ah hawlahaagaas aad ku muranto qabashadooda waa in aad qabataa mida mudnaanta weyn leh oo aanad qaban ta mudnaanta yar leh


3:Kala badal hawlahaaga;

Kala badal hawlahaaga haddii ay mid kuu suurto geli weydo tusaale: haddii aad cashar akhrinaysay  ama qoraal  aad qoraysay oo ay korontadu si kedis ah kaaga tagto ha sugin inta ay kuuso noqonayso adiga oo aan waxba qabanayn ee hawl kale kusii badalo oo qabo inta ay korontadu kuusoo laabanayso iyo waxyaabihii kale ee lamid ah sidaas oo kale isugu badal oo waqtigaaga cidla ha ku lumin

4: Hore u kac subaxdii;

Hurdadu waa waxa ugu badan ee waqtigaaga kaa cuni kara haddii aad seexato 8saac wax kabadan waxaad ubaahan tahay in aad hurdadaada dib u eegto oo aad wax ka qabato si aad u badbaadsato qayb kamid ah waqtigaas kaa lumaaya markaad subaxii xili dambe soo kacdo waxaad tahay qof aan ku dhiiri gashanayn in uu hawlihiisa qabto waxaana laga yaabaa in aad xataa wahsi ku qaadato maalintaada oo dhan in aad seexato 7 ama 8 saacadood oo hurda ahi aad ayay kuugu filan tahay ee ha seexan wax ka badan intaa haddii aad rabto in aad waqtigaaga ka faa'idaysato 

5: U hur waqti xadidan hawl kasta;

Markaad rabto in aad hawl qabato  u samee hawshaa waqti xadidan oo aad ku dhamayso taasi waxay kuu fududaynaysaa in aanad hawshaa ka caajisin ama aanad ka jeesan oo aad diirada saarto waqti gaar ahna  aad ku dhamayso

6: hal hawl oo muhiim ah diirada saar;

Ka fogow hawl-qabadka badan: Wax-qabadka badan wuxuu keeni karaa hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo khaladaadka oo kordha. Taa beddelkeeda, diiradda saar hawl hal mar ah oo u qoondee wakhti go'an oo loogu talagalay hawlo gaar ah oo hawlo badan hal-mar ha isku wada qaadin hadii kale isku dhex yaac ayaad ka qaadaysaa .

7:La soco horumarkaaga;

Si joogto ah ula soco horumarkaaga jadwalkaaga qorshaysan. Dib u eeg meelaha aad dib udhaca ka samaynayso ama waqti lumiska  Kadibna si dhakhso ah wax uga badal 

8:Deji ujeedooyin cad;

Si cad u qeex yoolalkaaga iyo ujeedooyinkaaga. Marka aad si cad u fahamto waxa aad rabto inaad gaadho, way kuu fududaanaysaa inaad kala hor mariso hawlahaaga oo aad waqti u qoondayso si ku habboon.

9:U kala qaybso hawlaha tillaabooyin yaryar;

Hawlaha waaweyni waxay noqon karaan kuwo culus, taas oo adkeynaysa in si hufan aad u maareeyso wakhtiga. U kala qaybi tallaabooyin yaryar oo aad u maarayn karto. Tani waxay kuu ogolaaneysaa inaad diirada saarto hal talaabo markiiba waxayna kaa caawineysaa inaad si sax ah u qiyaasto waqtiga.

10:Ciribtir ama yaree caqabadaha kaa hor istaagaaya maaraynta waqtigaaga;

Aqoonso carqaladaha caadiga ah ee xannibaya wax soo saarkaaga oo hel siyaabo aad ku tirtirto ama u yarayso. Tan waxa ku jiri kara  isticmaalka internetka wax aan faa'ido kuu lahayn, la sheekaysiga dadka waqti badan  wax aan macno kuu samaynayn iyo wixii la mid ah.


"(Qiso kooban oo ku saabsan waqtiga)";

NIn ayaa wuxuu muxaadaro u jeediyay arday badan kadibna wuxuu ku yidhi ka warama ardayeey haddii mid idinka mid ah uu helo 86,400 oo dollar kadibna uu mid idinka mid ah uu ka xado 10$ oo ka mid ah lacagtiisaa ma waxaad u istaagaysaa in aad ka daba tagto 10$ ee lagaa xaday adiga oo gacanta ku haya 86,390 kun oo dollar  mise waad ka tagaysaa oo  hawlahaaga kale ayaad iska sii wadanaysaa ardaydii oo dhami waxay ku jawaabeen haa waan kadaba  tagayna kadibna waxaan ilaa shanaynaa 86,390 kun ee isoo hadhay waxa uu ugu jawaabay sheekhii idinku dhaamantiinba waxaad luminaysaan lacagta idiin soo hadhay hadaad sidaa samaysaan intaad 10$ daba ordaysaan

Ujeedada qisada 86,400 $ waxa ay u taagan tahay tirada ilbidhiqsiyada maalin kaliya adigana waxaad ku bedalaysaa eray qof kugu yidhi oo kaa xanaajiyay 10 sec oo waqtigaaga ka mid ah ama maalintaada oo dhan in aad ka fikirtid xaaladaas  adiga oo u ogalaanaaya naftaadu in ay ku daycado 86,390 ilbidhiqsi oo maalintaada ka mid ah xaalad 10 ilbidhqsi gudahooda kugu dhaaftay haw u ogalaan xaalad hal mar ku soo martay in ay daashadaan tamartaada iyo fikirkaaga oo aad is la mar ahaantaana aad niyad jabiso go'aan qaadashada maalintaada maxaa yeelay waqtigu waa lacag



Mahad celin dhamaad

Waad ku mahadsantahay saaxiib akhriskaaga quruxda badan iyo sida aad ahmiyada u siinyso akhrinta pagekan waxaad nagala socon doontaa qoraalo noloshaada anfaacaaya sida articlekan oo kale iyo kuwa badan oo kale oo ku xiiso geliya fadlan subscribe saar pageka si ay kuu saagaadhaan wixii danbe ee aan soo gelino 
sidaa iyo nabad gelyo hakuu fiicnaado waqtigaagu goor kasta iyo goob kasta oo aad joogtid "Thanks for reading" ku soo dhawoow ifiye.com



 

Post a Comment

0 Comments