wax yaabaha nooca dhiiga aad leedahay uu ka sheegayo shakhsiyadaad
Nooca dhiiga aad leedahay waxa uu wax badan ka sheegaa shakhsiyadaada nooca ay tahay cilmi baadhayaal u dhashay dalka jabaanayaa waxay tobanaan sano badhitaan ku sameeynayeen noocyada dhiiga waaxan ogaadeen xidhiidh cajiib ah oo ka dhexeeya dhiiga qofka iyo shakhsiyadiisa
dhiiga bin aadamku wuxuu u kala baxaa 4nooc oo kala ah:A, B, AB, O . hadaba hada waxaynu guda geli doonaa nooca dhiig kasta iyo shakhsiyada uu ka turjumaayo
Nooca dhiiga (O) iyo shakhsiyada uu ka turjumaayo:
nooca dhiiga "o" inkasta oo uu yahay nooca dhiiga kaneecadu ay aadka u jeceshahay
dadka dhiigan leh waa dad bulshaawiyiin ah maskax furan isla markaana fahankoodu uu aad u sareeyo waxaa sidoo kale lagu macneeyaa in ayihiin dad dhiiran oo deeqsiyiin ah oo naxariis iyo jacayl badan dadka dhiiga o leh waxay leeyihiin talin hogaamineed oo aad u fiican waxaanay noqdaan hogaamiyayaal fiican waa dad adkaysi leh isla markaana hore ula qabsada isbedelada noloshooda ku dhaca dhibaatooyinka ay dadkan leeyihiin waxaa kamid ah waa dad isla weyn oo kibir badan isla markaana masayr badan
nooca dhiiga A
nooca dhiiga A iyo shakhsiyadaha uu ka turjumo dadka nooca dhiiga "A" leh waxaa lagu macneeyaa in ayihiin dad dareenkoodu aad u soo jeedo waa dad qiiro iyo shucuur badan isla markaana xariifiin ah waa dad aad u samir badan daacad ah waana dad nabad jecel mana jecla in ay qofna dagaal lagalaan laakiin waa dad xaasaasi ah oo hadlada yar yar ayaa laga yaabaa in ay u geystaan dhaawac xun oo
aanay u dulqaadan karin dadka dhiiga "A" lihi waa dad aan jeclayn in ay ku xadgudbaan sharciyada iyo qaanuunka bulshada u yaala dadkani waa dad waqti ku bixiya go,aanada ay qaadanayaan waa dad nidaam jecel oo dhan kasta oo noloshooda ah ka nidaamsan balse waxaa ku adag in ay mar keliya hawlo badan wada qabtaan waxay jecel yihiin in ay wax kastaa nidaam sanaadaan nadiifna ahaadaan halkii saxda ku ahaydna ay yaalaan
dadka dhiiga "A" dhibaatada ay leeyihiin ayaa ah in ayihiin dad istersku uu aad ugu badan yahay waxaana jirkooda ku badan hoormoonka isterska dhaliya sidoo kale dadkani waa dad aad ugu fiican saaxiibtinimada oo samaysata saaxiibo daacad ah waa dad aan jeclayn in ay u muujiyaan shucuurtooda iyo dareenkooda dadka kale waxaana ay u muujiyaan oo keliya qofka ay nefis ku ag dareemayaan
Nooca dhiiga "B"
Nooca dhiiga "B" iyo shakhsiyadaha uu ka turjumo dadka nooca dhiiga "B" leh waa lagu tiriyaa in ay yihiin dad hal abuurkoodu aad u sareeyo oo hal-abuur cajiib ah leh balse waa dad aan ku fiicnayn in ay amrada qaataan dadka dhiigan "B" waxay diirada saaraan oo ay dhan walba ka eegaan iyaga oo juhdi badan kubixinaaya waxa ay markaa ay rabaan in ay qabtaan ama ay gacanta ku hayaan waxay leeyihiin damac iyo rabitaan aad u xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku noqdaan kuwa ugu horeeya waxa ay
markaa qabanayaan balse si lamid ah dadka dhiiga "A" waa dad aan ku fiicnayn in ay hawlo badan hal mar wada qabtaan dadka leh nooca dhiiga "B" waa dad aad u fikir badan isla mar kaana dadka kale u naxariis badan waxaanay samaysataan saaxiibo fiican
balse dadkani waxa ay leeyihiin dabeecado ay ku xun yihiin oo ay dadka kalena ay aad u dhibsadaan dabeecadahaa xun ee ay leeyihiin waxaa kamid ah in ay yihiin danaystayaal iyo in aanay mararka qaar dadka kale la shaqayn inkasta oo dadka leh dhiiga "B" ay leeyihiin dhinayco badan oo ay aad ugu fiican yihiin hadana dadka kale waxa ay diirada saaraan oo muuqda meelah ay dadkaasi ku xun yihiin taasina waxa ay ku sababtaa dadka noocan dhiiga "B" lehi in ay keli noqdaan
Nooca dhiiga "AB"
Nooca dhiiga "AB" iyo shakhsiyadaha uu ka turjumaayo Dadka leh dhiiga "AB" wax ay leeyihiin isku jirka shakhsiyadaha "A" iyo"B " si lamid ah sida uu dhiigoodu "A" iyo "B" uga kooban yahay dadka dhiigan "AB" leh waxa lagu macneeyaa in ay yihiin dad ay adag tahay in la fahmo waxaana ay leeyihiin laba shakhsiyadood oo kala duwan oo tay doonaan
markay doonaan kuula soo baxaaya Tusaale ahaan : mararka qaar waa dad qajilaad badan hadana mararka qaar waa dad qajilaada iyo xishoodkaba meel dhigta oo u muuqda qaar markay bulshada dhex joogaan aad iskugu kalsoon oo saaxiib tinimo leh dadka dhiigan leh
waxa ay isku dayaan in aanay shakhsiyadooda dhabta ah la wadaagin dadka aanay garanayn ama ku cusub markay dadkaas bartaana shakhsiyad kale ayay ula soo baxaan oo aan tii horeba ahayn sidaas ayaana loogu qancaa in ay yihiin dad laba shakhsiyadood leh
waa dad ay adag tahay in aad fikradahooda wax kabadasho ilaa in aad aqoon dhaaraada u leedahay mooyee waa dad jecel in ay wax kaantaroolaan mana jecla in ay dadka kale ku tiirsanaadaan rabitaankooduna waadad uu xoogan yahay sidoo kale dadka leh dhiiga "AB"
waa dad dhiigoodu uu aduunka aad ugu yar yahay waa dad soo jiidasho leh oo siyar oo fudud saaxiibo u smaysta hadii dad koox ahi ay meel wada socdaan islamarkaan uu mid kamid ah "AB" uu yahay kooxdaas laga ma yaabo in ay daqiiqado yar oo caajis aha ay dareemaan
dhibka ay leeyihiin dadka leh dhiiga"AB" waa in ay daciif ku yihiin sida loola tacaalo sterska dhinaca kale dadkan wax ay aad uga xoogan yihiin qaybta maskaxda ee wax gorfaysa iyo qaybta ka fikirta wax yaabaha macquulka ah
0 Comments