Algeria
ALGERIA sida dawliga
ah waxa loo yaqaanaa Jamuuriyada Aljeeriya , waa wadan ku yaala waqooyiga
afrika ee agagaarka xeebta Mediterranean-ka .
Algeria
waa dalka 10aad ee ugu wayn aduunka iyo kan koowaad ee ugu wayn afrika dalka algeria waa dal madax banaan Aljeeriya
waxa gumaysan jiray dalka Faransiiska"France" waxa ay xornimadoodii
qaateen 3 July 1962 kii. Algeria waa
xubin ka mid ah Ururka (OPEC) tan iyo 1969 kii , sidoo kale waxa ay xubin ka tahay ururo badan sida : (ururka
jamacada carabta , ururka iskaashiga islaamka , midawga afrika iyo ururka
qaramada midoobay ) .
Calanka wadanka : Algerie)
Taariikhda calanka Aljeeriya waxay ka soo bilaabantay halgankii xornimada looga
qaatay gumaystihii Faransiiska. Sannadkii 1954kii, Jabhadda Xoreynta Qaranka
(FLN) waxay qaadatay calan leh saddex midab oo isbarbar yaala waana cagaar,
caddaan iyo casaan, oo ka dhigan Islaamka, nabadda, iyo dhiigga daadanaya ee
halganka xorriyadda.
Si kastaba ha ahaatee, markii Aljeeriya xornimada qaadatay 1962, calan ka duwan ayaa la doortay. Calanka hadda jira oo uu naqshadeeyay Messali Hadj, waxa uu ka kooban yahay laba midab oo toosan oo cagaar iyo caddaan ah, dhexdana ku leh bil cas iyo xiddig. Cagaarku waxa uu ka dhigan yahay Islaamka iyo hantida beeralayda ee dalka, halka caddaankuna uu astaan u yahay nabadda. Bisha cas iyo xiddigta waa calaamado soo jireen ah oo Islaamka lagu garto, waxayna ka tarjumaysaa sida Aljeeriya ay uga go'an tahay Islaamka iyo aqoonsigeeda Carabta.
Calanka
Aljeeriya waa mid aan isbeddelin tan iyo markii la qaatay, waxaana uu sii wadaa
inuu matalo taariikhda qaranka, halgankii madaxbannaanida, iyo hiddaha dhaqanka
ee qaranka.
ü algeria juquraafi ahaan “Geography of algeria”: Aljeeriya
waxa xuduud la wadaaga Tunisia dhanka waqooyi bari, bari Libya, Niger iyo Mali
oo koonfur bari iyo koonfur galbeed siday u kala horreeyaan, iyo Mauritania iyo
Western Sahara koonfur galbeed. Morocco waxay dhacdaa waqooyi-galbeed ee
Algeria. Wadamadan jaarka ah ayaa kaalin mug leh ka qaata qaabaynta dhaq
dhaqaaqa gobolka ee Algeria iyo xidhiidhka xuduudaha.
ü diinta aljeeriya haystaan “algeria
religion” : 99%
Islaamka Sunniga ah (rasmiga ah) 1% (
Masiixiyiinta iyo Yuhuuda)
ü algeria language : Luuqadda
rasmiga ah ee Algeria waa Carabi iyo barbar .
Faransiiska
ayaa sidoo kale si weyn loogu hadlaa oo loo adeegsadaa dowladda, waxbarashada,
iyo warbaahinta.
ü Lacagta aljeeriya : lacagta laga isticmaalo dalka algeria waa DIINAAR.
ü Lacagta aljeeriya : Dhaqaalaha
Algeria waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay dhoofinta saliidda iyo gaasta
ü Cabirka dhulka algeria: Dalka
Aljeeriya waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 2,381,741km², taas oo
ka dhigaysa dalka ugu wayn Afrika iyo dalka 10-aad ee aduunka ugu wayn.
ü algeria population: Dadka hadda
ku nool Algeria waa 45,944,740 waxa tira koobkan la soo saaray January 2, 2024
malin salaaso ah .
ü Magaaloyinka algeria :
1.
Algeris - caasimadda iyo magaalada ugu weyn
Aljeeriya.
2. Oran
3. Constantine 4. Annaba
5. Batna 6. Tlemcen 7. Setif
8. Bejaia 9. Blida 10. Tizi Ouzou 11. Skikda 12. Chlef 13.Djelfa
14. Biskra 15. Mostaganem 16. Sidi Bel Abbès 17. Ouargla
18. Tébessa 19. Béchar
20. Tiaret.
0 Comments