Taariikhda salaaxu-diin al ayuubi

 


Salaaxudiin wuxuu sanadkii "523kii" hijriga uu ku dhashay magaalad tigreet ee dhacda gobolka ciraaq waxa uu ka soo jeedaa qoomiyada  loo yaqaano kurdida ee daga qaybo kamid ah ciraaq, siiriya , turkiga aabihii iyo hooyadii ayaa isku guursaday qiso aad cajiib u aha aabihii oo la odhan jiray Ayuub ayaa ka ahaa gudoomiya magaalada tigreet ee uu ku dhalan doono "salaaxudiin al ayuubi" 


Waxaana uu inta badan ku celcelin jiray in uu  ilaahay  siiyo gabadh alle ka cabsi badan oo u dhasha wiil uu alle  sabab uga dhigo in uu furto baytul maqdis waxaana maalin maalin maalmaha ka mid ah si kedis ah dhegihiisa ugu soo dhacay gabadh dhahaysa waxa aan rabaa in uu illaahay i siiyo nin alle ka cabsi badan  oo aan u dhalo wiil uu ilaahay sabab uga dhigo in uu furto "Baytul maqdis"


Waxa uu "ayuub"  dalbaday in isaga loo guuriyo gabadhaas waxaana sidaas ku dhismay guri ay hooyo iyo aabo ka yihiin labo waalid oo ka midaysan hal ra'ayi oo ah in ay barbaariyaan hogaamiye soo majeestaan ah oo furto magaalaada ay dhacdo qibladii koobaad ee muslimiinta taas oo ah "baytul maqdis"


Salaaxudiin yaraantiisiiba waxa uu ku suntanaa  hal adayg go'aan qaadasho iyo geesinimo aanay lahay dhalinta la da'ada ahayd waxa uu ahaa mid waqtigiisa aad u maareeya oo aan waqtigiisa ku dayicin waxa ay dhalinta lamidka ahi ay waqtigooda ku dayacaan waxaa dhacday in waqti waqtiya ka mid ah uu aabihii arkay isaga oo la ciyaaraaya carruur inta uu xanaaqay oo uu dhulka ku dhufta ayuu ku yidhi odhaahdan taariikhda gashay 

"Kuumaan dhalin in aad  waqtigaaga ciyaar ku lumisid ee waxa aan kuu dhalay in aad noqotid hogaamiye furta baytul maqdis" weedhani waxa ay ku qorantay maanka iyo maskaxda "salaaxudiin al-ayuubi"


Salaaxudiin waxa uu waqtigiisa oo dhan ki bixin jiray wax barida iyo tabobarida naftiisa isaga oo ku taamaaya in rumeeyo riyadii ay ku taami jireen hogaamiyayaal badan oo ka horeeyay isaga iyo riyadii aabii "ayuub" Taasi waxa ay ahayd baarbaarkii iyo yaraantiisii "salaaxudiin al-ayuubi"


Salaaxudiin markii uu 26 jirsaday xaalada dhulalka muslimiintu waxa ay ahay sida tan  " Dawladii cabaasiyiintu waxa ay ahayd mid aad u xun waanay kala qaybsanayd, Xeebaha bada dhexe laga soo bilaabo turkiga ilaa shaam  xuduudka sayna iyo masar waxa xukumi jiray oo xoog ku haystay saliibiyiintii yurub 


Dalka masar  waxa uu saldhig u ahaa dawladii faadimiyiinta waxaana ay ku suntanayd xiligaasi khilaafaad iyo boob aan dhamaad lahayn waxaan ay marwalba dagaalo ku dhexmari jireen kooxo u kala qaybsanaa mamaalik suudaaniyiin turki iyo marookaan waxaana uu ahaa maamulka iyo nidaamka masar mid aan sal fadhiya lahayn halka boqorka ama khaliifkuna uu ahaa magac uyaal kaliya masaajidada looga duceeyo go'aamada iyo qawaaniinta waxa

 maamuli jiray oo ka go'aan qaadan jiray wasiirada iyaga oo aan waxba ka weydiin madaxa ugu sareeya ama khaliifka dawlada" Taasi waxa ay ahayd sida uu ahaa xaalkii muslimiinta xiligaasi hadaba aynu milicsano hogaamintii iyo furashooyinkii salaaxudiin al-ayuubi .

Waxa magaalada dimishiq laga soo diray ciidamo uu horkacaayo hogaamiye la o dhan jiray "asadu-diin sherkas" oo uu caawiye u yahay salaaxu-diin al ayuubi oo uu adeer u ahaa hoogamiyaha ciidankan ee Asadu-diin sherkas salaaxu-diin xiligaasi waxa uu ahaa da'yar

Waxa ay u soo jeesteen dhinaca masar markii ay ogaadeen kiristankii ciidanka cusub ee kusoo wajahan masar waxa ay iskaga baxeen dalkii masar waxaanay asadu-diin sherkas iyo ciidamadiisii ay dib u hanteen dalka masar markii uu mudo joogayna waxa uu taladii iyo hogaamintii ku wareejiyay inankii uu adeerka u ahaa ee salaaxu-diin al-ayuubi. 


Markii uu salaaxu-diin la wareegay maamulkii masar waxa uu la kulmay sida caadada ayhayd xiligaasi Khilaafaad iyo caqabado badankoodu sababa in ay curtaan kacdoono lagaga soo horjeedo xukunkiisa ayuu ku bilaabmay salxaaxu-diin xukunkiisu laakiin salaaxu-diin ayaa awood u yeeshay in qaab xikmad iyo maamul ku dheehan tahay uu u dejiyo kacdoonadaasi.

Sanadkii 566kii hijriga ayaa waxa dhacday in uu geeryooday khaliifkii faadimiyiinta oo la odhan jiray "Caadid" Taas oo dhacday in uu salaaxu-diin uu ku amro wadaadii masaajidada khaliifkii cabaasiyiinta halka ay markii hore u ducayn jireen khaliifkii faadimiyiinta waxaana sidaasi ku soo af jarmay xukunkii faadimiyiinta wuxuuna awood u yeeshay salaaxu-diin in uu masar dib ugu celiyo maamulkii cabaasiyiinta oo ahayd dawladii ama


 khilaafadii xiligaasi maamuli jirta caalamkii islaamka oo dhan sida oo kale waxa uu tirtiray ku dhaqankii madhabkii shiiciyiinta waxaanu dhisay laba madaraso oo lagu barto madhabka suniga ah laakiin waxa dhacday in sandkii 569kii  in uu geeryooday nuuradiin maxamuud oo ahaa tababarihii iyo hogaamiyihii uu ka tusaale qaadan jiray salaaxu-diin al ayuubi sidoo kalena ka ahaa hogaamiye dhulkii shaam


Markii uu dhintay nuuradiin salaaxu-diin waxa uu u jeestay dhankaa iyo shaam si uu ula soo dagaalamo kacdoono ka curtay halkaasi oo lagu doonaayey in lagu kala qaybsado maamulkii uu ka tagay nuuradiin  markii uu tagay shaam waxa uu awood u yeeshay in ku soo daro maamul iyo magaalooyin hor leh oo ay kamid ahaayeen magaalooyinka dimishiq ,xalab iyo ximis wuxuuna sidaasi ku noqday salaaxu-diin al ayuubi suldaankii shaam iyo masar.


Kadibna waxa uu dib ugu soo rogaal celiyay masar si uu u sii dhamaystiro is bedeladii uu ka waday gudaha masar 


salaaxu-diin waxa uu ahaa mid ku suntanaa jacaylkiisa xad dhaafka ah ee uu u qabay dagaalada iyo weerarada hadan jacaylkiisaasi kama dhigin mid ku deg-dega dagaal la gelida kiristankii ama gaaladii ay deris wadaaga ahaayeen isaga oo markii hore xooga saaray in uu dhiso cudud ciidan oo aan loo  babac dhigi karin markii uu usoo jeestay la dagaalamidoodana waxa uu ahaa mid aan looga adkaan dagaalna 


marka laga reebo dagaal la odhan jiray "montiksaar" oo dhacay sanadkii 573kii hijriga dagaalkan ayay gaaladu adeegsadeen xeelad dagaal taas oo ka dhitay muslimiintu in ay moodaan kuwa adkaaday waxa aanay ahayd xeeladaasi in aanay  gaaladii muujin iska caabin xoogan bilowii dagaalkana ay iska dhigeen kuwa laga adkaaday

 iyaga oo ka cararay goobtii dagaalka markii ay dareemeen ciidamadii salaaxu-diin in ay guulaysteen ayaa waxa ay bilaabeen in ay gurtaan qaniimadii iyo agabkii ay ka yaaceen gaaladii intii ay ciidankii ku mashquulsanaayeen gurashada agabkan ayaa waxa

 dhinac walba ka soo hareereeyay ciidamo saddex geesood ah  taasi oo maalintaas sabab tay in muslimiinta loo gaysto dhirbaaxo iyo jab aad u fool-xun taasi oo ahayd halkii dagaal ee lagaga adkaaday salaaxu-diin al ayuubi laakiin tani kama aanay dhigin salaaxu-diin mid aan soo rogaal celin   intaasi wixii kadan beeyay wuxuu ahaa hogaamiye aan awood u babac dhigi kartaa aanay jirin Halka hadaf ee uu salaaxu-diin uu lahaana waxa ay ahayd xoraynta qudus oo mudo dheer ka maqnayd gacanta muslimiinta.


Intaa kadib Salaaxu-diin waxa uu maqlay in ay ka baxeen kurusaydhiskii ku sugnaa falstiin   balantii iyo heshiiskii ahaa dagaal joojinta duulaana ku yihiin dimishiq  Salaaxu-diin intaa kadib waxa uu bilaabay in uu isu diyaariyo dagaalka dhabta ah ee lalagalo saliibi yiintii iyo kiristankii reer yurub ee ku sugnaa dhulka barakaysan

 Gaar ahaan baytul maqdis waxa uu salaaxu-diin afka saaray falastiin isaga oo cagta sii mariyay ilaalooyinkii saliibiga ahaa laakiin hogaanka boqortooyada baytul maqdis waxa ay damacday in ay dhagar millateri u dhigto salaaxu-diin iyada oo ciidankeeda u dirtay magaalada xaarim ee waqooyiga xalab.


Salaaxu-diin hore ayuu u sii socday isaga oo galay magaalada casqalaan qalcadihii saliibiga ahaa ee ku teedsanaa xeebaha bada cad ayaa noqday tusbax go'ay sidii ay kolba mid ugu dhacaysay gacanta salaaxu-diin ilaa uu gaadhay daafaha baytul maqdis.


Xagaagii 1179 salaaxu-diin waxa uu dagaal qadhaadh lagalay boqor saliibi ah oo lagu magacaabi jiray "balad weynkii 4aad" agagaarka webiga urdun kadib dagaal lagu hoobtay salaaxu-diin waxa uu gaadhay guul-weyn.


Dagaalka dhabta ah ee ka dhanka ah salibiyiinta salaaxu-diin markii uu dhisay dawlad midaysay masar, shaam badankeed , naynawa , waqooyiga ciraaq, waxaanu soo afjaray cid kasta oo katar ku ah mashruuciisii xoraynta qudus markuu arkay in dawladiisu  ay ku gadaaman tahay boqortooyadii saliibiga ahayd ayuu ku dhawaaqay in ay tahay waqtiga dhabta ah ee dhulka shaam laga saari lahaa saliibiyiinta lana xorayn lahaa dhulka barakaysan ee qudus oo wax ka badan 90 sanno ku jiray gacanta saliibiyiinta kana maqnaa gacanta muslimiinta.


9kii jamaadul aakhir 579kii hijriyada oo ku beegan 29kii septembar 1183kii miilaadiga ayaa salaaxu-diin iyo ciidankiisu waxa ay ka gudbeen webiga "urudun" ujeedkuna waxa uu ahaa qabsashada baysaan kadibna waxa uu afka saaray galbeedka gaar ahaan dhufaysyada karag iyo shawbag dagaalkii xidiin waxa uu ahaa dagaaladii ugu caansanaa ee uu salaaxu-diin uu lagalo saliibiyiintii dhulkii barakaysnaa ee qudus dhabarkana kaga jabiyay.


5tii julay 1187 ayuu ciidanka saliibigu u jihaystay dhanka deegaanka xidiin laakiin salaaxu-diin ayaa uga sii horeeyay oo dul degay meelaha muhiimka ah ee biyaha laga cabo ciidanka "firinja" taas oo keentay dib u dhacooda ayagoo daalan ooman ayay soo gaadheen


 xidiin waxa ay ku soo tala galeen in ay ka cabaan biyaha xidiin laakiin way u suurtoobi wayday maadaama salaaxu-diin uu uga soo horeeyay xaalad oon oo adag ayaa soo wajahday ciidankii "fernja"  heer ay khamriga biyo ahaan u cabaan

Dagaalo saacado badan qaatay oo isbedel badan ayaa qarxay dagaal nin nin gacanta la iskula tagay ayaa qarxay dagaalkaasii intii uu socday waxa dhacday in dabar go'a  badani uu soo wajahay ciidankii saliibiga ahaa markii uu dagaalkaasi dhamaaday goobta xidiin waxa daadsanaa kumanaan mayd hogaankii iyo ragii ugu muhiimsanaa boqortooyadii saliibiga ahaa goobtii xidiin ayay ku dhinteen


 maxaabiistii dagaalkii xidiin lagu qabtay waxa ka mid ahaa boqorkii baytul maqdis ee saliibiga ahaa ee la odhan jiray "Gii alu siinaan" kadib guushaasi weyn salaaxu-diin toos umuu aadin baytul maqdis inkastoo uu soo afjaray ciidankii boqortooyada baytul maqdis laakiin dhanka xeebaha shaam ayuu guluf ku qaaday si loo cidhib-tiro wixii saliibi jooga halkaas Caka meesha loo yaqaano ayuu cagta mariyay bayruudna ragiisii ayuu u diray

dhamaan imaaradihii saliibiga gacanta ayuu mariyay marka laga reebo magaalooyinka "daraabuliska shaam" suur iyo qaybo kamid ah imaaraadiyaan daakiya.


Maalin khamiis ah oo ku beegan 11 rajab 583 hijriya 20kii septembar 1187 milaadi ah ayuu ka soo galay salaaxu-diin magaalada qudus dhanka isha salwaan wuxuuna amray ciidankiisa in ay magaalada go'adoomiyaan 

27 rajab habeen laylatul micraaj ah 583 hijriya ah oo ku beegan 2 october 1187 milaadi ah ayuu salaaxu-diin galay magaalada "qudus"  wuxuuna amray in masjidka la nadiifiyo darbiyada laga tirtiro calaamada kiristanka shaqaale gooni ah ayuu u magacaabay nadiifinta masjidka


Masjidku xaalad aad u adag ayuu ku sugnaa mudo aad u dheer ayuu ku jiray gacantii saliibiyiinta  furashadaasi weyn aad ayay ugu farxeen muslimiintii meel kasta oo ay ka joogaan caalamka waxana ay ahayd guul aad u weyn oo aan laga sheekayn karin


Furashada qudus amakaag iyo xaalad waali ah ayay ka dhalisay yurub taasi oo sababtay in ay yurub isku diyaariso dagaal ay la gasho salaaxu-diin bobka rooma ayaa soo saaray dagaalo culus oo ka dhan ah muslimiinta


cidii ugu horaysay ee aqbashay waxa ay ahayd boqorkii imbaraadooriyada romanka ee la odhan jiray (( fredrick barbarossa)) oo ka talin jiray dhulkan aynu maanta u naqaano germany barbaroosa waxa uu diyaariyay ciidan 100,000 gaadhaayo waxa uuna u jihaysatay dhinaca bariga ee muslimiinta isaga oo ka gudbay dhulka anadool waxa si lama filaan ah boqorkii barbaroosa oo faraskiisa saaran ayuu ku dhacay webi ku yaala deegaanka andaakiya  oo u dhaxaysa dhulka shaam iyo turkiga halkaas ayuu ku geeryooday waxa kala furfurmay ciidankiisii salaaxu-diin arinkaasi waxa uu u noqday guul aad u weyn oo ilaahay xagiisa ka timaaday


Geerida suldaanka salaaxu-diin 20/2/1193 oo ku beegan taariikhda hijriga  16kii bishii safar 589kii  ayaa suldaan salaaxu-diin waxa ku dhacay xanuun aad u daran kaas oo ku sababay hurdo la'aan xanuun kiisu wuu sii kordhaayay maalin kasta  dadaal kasta oo dhakhtarkiisii iyo kuwa kaleba ay u qabteen waxaba way ka qaban kar waayeen

maalin arbaca ah  27 safar 589 hijriga oo ku beegan taariikhda miilaadiga ah  4/march/1193kii ayuu salaaxu-diin al ayuubi uu geeryooday alle ha u naxariistee 


Geerida salaaxu-diin waxa ay gilgishay quluubtii muslimiinta taas oo ku noqotay murugo aad u weyn waxa lagu aasay halyeygii salaaxu-diin agagaarka masjidka umawitiinta ee dimishiq halkaas oo aha halkii lagu aasay nuradiin sanki agtiisa salaaxu-diin wax hanti ah kamuu tagin.




 Halkaas waxa inoo gu soo dhamaaday taariikhdii halyeygii weynaa ee muslimiinta ee salaaxu-diin ala ayuubi

hadii aad hlkan nala soo gaadhay commentiga nagu la wadaag ra'iyigaag iyo mawduucan sida uu kula aha












Post a Comment

0 Comments