1:waxaad sheegtaa waxaan wixii loogu talagalay kuu qabanayn ilaa aad indhaha faraha ka geliso?
j:waa maqaska.
2:waxaad sheegtaa wax ilaahay u wexyooday oo aan ahayn jini iyo insi cir iyo dhul?
j:waa shinida ( ÙˆَØ£َÙˆْØَÙ‰ رَبُّÙƒَ Ø¥ِÙ„َÙ‰ النَّØْÙ„ِ ).
3:sheeg qofkii ugu horeeyay ee sooma?
j:nabi aadam (cs).
4:waxaad sheegtaa wax lagaa qaadaayo intaan lagu siin ka hor?
j:waa sawirka.
5:sheeg wax sii weynaada markaa wax laga qaado?
j:waa godka.
6:sheeg wax afar farood leh iyo suul hadana aan noolayn?
j:waa golofiska.
7:waxaad sheegtaa kalmad dictionariga ku jirta oo qalad ah?
j:waa kalmada qalad
8:waxaad sheegtaa wax shalay aan joogi,maantana dhalanaya,berina dhimanaaya?
j:waa maanta(yacni maalintaad hada joogto)
9:waxaad sheegtaa wax muraayada ka dhexbixi kara isagoon jabin?
j:waa iftiinka.
10:waxaad sheegta wax wejigiisa 7 dalool ku yaalo?
j:waa dadka iyo xoolaha.
11:waxaad sheegtaa wax meehsaada kaa dhaqaajinaaya isagoon dhaqaaqin?
j:waa dariiqa.
12:waxaad sheegtaa waxaan soconayn ilaa madax laga garaaco?
j:waa musbaarka.
13:goorma la waajibiyay soonka bisha ramadaan?
j:waa sanadkii labaad ee hijriga.
14:waxaad sheegtaa waxaad arki kartid laakiin aan isagu ku arki karin?
j:waa qofka indhoolaha ah.
15:waxaad sheegtaa wax markaad soo ganayso madow ,markaad isticmaalaysana gaduudan, markaad tuuraysana sibidhi ah?
j:waa dhuxusha.
16:waxaad sheegtaa buurta uu ilaahay ku dhaartay qur'aanka dhexdiisa?
j:waa buurta duur.
17:waxaad sheegtaa wax aad wado oo isna ku wada?
j:waa kabaha.
18:waxaad sheegta wax asalkiisu biyaha ka yimi haday taabtaana dhinta?
j:waa barafka.
19:waxaad sheegtaa qof lugihiisu dhulka joogaan madaxiisuna buuraha u dhawyahay?
j:waa sarkaalka ciidamada.
20:waxaad sheegtaa wax markaad karkariso adke isku badala?
j:waa ukunta.
21:waxaad sheegtaa wax korkaaga ku yaal oo aadan taaban karin?
j:waa cirka.
22:waxaad sheegtaa xubin markay wasakhowdo cadaata?
j:waa carabka.
23:waxaad sheegtaa albaab aan la furi karin?
j:waa albaab furan.
24:waxaad sheegtaa jumlad carabi ah oo 24 xaraf ka kooban oo aan wax dhibic ah lahayn?
j:waa(لا إله إلا الله Ù…ØÙ…د رسول الله).
25:waxaad sheegtaa wax asna qaawan dadkana astura?
j:irbada dharka lagu tolo.
26:waxaad sheegtaa wax waxkasta arko indhona aan lahayn?
j:waa muraayada.
27:waxaad sheegtaa wax ay dadka jecel yihiin una xiisaan markay helaana ka cararaan?
j:waa roobka.
28:waxaad sheegtaa shayga socda hadana wax lugu ah aan lahayn?
j: waa saacada.
29:waxaad sheegtaa walax bil haafkeed u eeg?
j:waa haafkeeda kale.
30:waxaad sheegtaa wax lugo la'aan socda indho la'aana ooya?
j:waa daruuraha.
31:waxaad sheegtaa nibiriga intee ukun ayuu dhigaa sanadkii?
j:wuxuu dhalaa wax u eeg ee ukun ma dhalo.
32:waxaad sheegtaa wax gudihiisa iyo banaankiisaba cuna?
j:waa shumaca.
33:waxaad sheegtaa magaalo aan mayd ka dhiman?
j: meydku maba dhinto
34:waxaad sheegtaa laba wax oo aadan quraacda cuni karin?
j:waa qadada iyo cashada.
35:waxaad sheegtaa wax aad adigu laadahay lagaagana isticmaal badan yahay?
j:waa magacaaga
36:sidee suurto gal ku tahay in uu dibada ubaxo qofku isaga oo uu roob da'ayo timihiisuna aanay qoyin koofiya iyo waxa lamid ahna aanu wadan?
j: marka hore timaba maleh.
37:waxaad sheegtaa magaca somali markii hore muxuu ahaa?
j:waa soo maal (yacni xoolaha soo maal).
38:waxaad sheegtaa geedkii aduunkna ugu horeeyay halkuu ka baxay?
j:waxa uu ka soo baxay dhulka.
39:waxaad sheegtaa nabigii baxshay magaca muslim?
j:magaca muslim nabiga bixiyay waa nabi ibraahim.
40:sheeg wax markii wax lagu daro yaraada marka wax laga qaadana weynaada?
j:waa godka.
Dhammaad

0 Comments