maah-maahyo ka bilowda xarfka (N"50")
1:nina ma oga itaalka nolosha
2:naag been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa
3:nina maankiisa ma saluugo
4:naag rerkay 20 jir ku dhistay 60 jir bay ku dumisaa nina reerkuu 20 jir ku dumiyay 60 jir buu ku dhisaa
5:ninkaad wax ku qarsan lahayd wax lagama qarsado
6:nina korkiisa biyo kama hagrado
7:nabadbaa naaso la nuugo leh
8:nabad waa lagu tarmaa colaadna waa lagu tirmaa
9:nabad ayaa lagu ledaa
10:nabadi waa geel xeradii iyo rag gogoshii
11:nabar doog ahi ma hadho
12:nabar aad iska jirtay naxdin ma leh
13:nacas waran sitaa waran buu is moodaa
14:nacayb ishaa laga gartaa
15:naf walba naftaadaa laga matalaa
16:nafeey nin ku doonay kuwaa
17:naftu geed ma sudhna
18:naftii gabe naf kale wax mataro
19:ninkii geellihi guri kuma nagaado
20:ninkii laga magan galo ayaa nabad gala
21:ninkii labaatan jir ku seexdaa lixdan jirkuu ordaa
22:ninkii ku dhaamaa saaxiib laga dhigtaa
23:ninkii keligii wax dila jiirbaa sheega
24:labadii wax dishana midkood ayaa sheega
25:ninkii duni joogow maxaa aragti kuu laaban
26:ninkii seexdaa sicii dibi dhalay
27:nin waalan haduu qoslo ninkii miyirka qabana waa qoslaa
28:ninkii hooyadiis hadh seexiyaa ayadii waxtara
29:ninkaad kabaha ka tolonayso kabihiisaa la eegaa
30:nolosha gabar haku weheliso geerina wiil hakaa haro
31:ninkaad barashadiisa rabto jid la mar
32:jabad la dag ama jidiin la quudo
33:ninkaad maalin ku baran weydo bil kuma baratid
34:ninkii ukun xadaa ratina waa u badheehdaa
35:ninba intuu cunuu ciidamiyaa
36:ninba xooluhuu dhaqduu caanahooda dhamaa
37:nin xil qaaday eed qaad
38:nin xoog lihi cay diid
39:nin weyni wedkii waa yaqaan
40:nin wax kuu sheegay adna kaa sheeg
41:nin weliba wuxuu yahay ayuu ku moodaa
42:nin weliba tuu caashaqaa waa u cambaro-luul
43:nin waalan walaalkiis ayaa u miirqaba
44:nin shimbiro gaadyaa wadhaf ma tuuro
45:nin sebraa sad leh
46:nin rag ahi walaalow wuxuu ku dhaamo la waa
47:nin rag ah hadal waa loo sarbeebaa, doqona waa loo saafaa
48:nin rag ahi waa kufaa hadana waa kacaa
49:nin naagi wado iyo awr awr wadaaba kaama baydhaan
50:naftu orod bay kugu aamintaa.
maah-maahyo ka bilowda xarfka (o"10")
1:Oday tali tiisana haku watee
2:oday gar loo xil saaray waa carrab ilko dhex-yaal
3:oday waa abees,oday waa fir raac wiilna waa fool raac
4:oday waa ladanahay ka maqli maysid nin bayac mushtar ahna waan faa'iday ka maqli maysid
5:oodo dhacmeed siday ukala sareeyaan baa lookala guraa
6:oodo iswada qabsaday maroodina waa qariyaa
7:oodi jiidid iyo qaadis waa isgu mid
8:oohin iyo aroos amaah weeye
9:ooduhu siday ukala sareeyaan ayay isku xoqaan
10:orod waxaad ku heli weyday fadhi laguma helo
maah-maahyo ka bilowda xarfka (Q"20")
1:qori iyo qiiqii waa laysla tuuraa
2:quud aan jirin qoryo looma gurto
3:qaate iyo qarshe waa isku mid
4:qaani ma qurunto nin qaata inay weydo mooyee
5:qabri iyo ninkii loo wado lama kala qariyo
6:qalbi dad waa qoryo isu iftiimaya
7:qaybiyaa qada
8:qofaadan qaniini karin ilkahaaga lama tuso
9:qoori xero kima wada heshiiso
10:qosolku waa cadayga afka
11:qosolba hiilo waa galaa
12:qufac iyo qosol ma qarsoomaan
13:qudhaanjo uruurtay mulac way jiidaa
14:qunyar socde qodaxi ma mudo
15:qosol aan qaayo lahayn qiimo dari buu muujiyaa
16:qara baan kulmina laakiin dadi waa kuwii kulma
17:qawl nin weyn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday
18:qaylo waa cidkeen
19:qudh go'aday iyo roob galbeed galay midna ma soo laabto
20:Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn.

0 Comments