lamaanihii arooskii Ciraaq oo kamid noqday dadkii ku dhintay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda
Lamaanihii arooskii ka dhacayay Ciraaq ayaa kamid noqday dadkii naftooda ku waayay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda, sida uu sheegay Ahmed Dubardani, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka dalkaas.
Mar uu wariyaasha la hadlayay, ayaa waxaa uu intaa ku daray, in ugu yaraan konton qof ay xaaladooda caafimaad aad u liidato.
Dadka uu soo gaaray dhaawaca ayaa badankood waxay ahaayeen haween iyo dhalinyaro.Dabkaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 150 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 200 oo qof
Goob joogayaal ayaa sheegay, in boqolaal qof ay halkaas ku damaashaadayeen markii uu dabku qabsaday abbaare 10:45
Gaadiidka gurmadka degdeg iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa waxaa goobta u diray mas’uuliyiinta Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Ilaa hadda ma cadda waxa sababay dabkan, balse warar hore ayaa sheegaya in dabku uu kacay kadib markii la shiday rashka oo waxyaabo marka dabaaldagyada la sameynayo la rido oo sida rasaasta oo kale u qarxa.
Farxadii iyo Arooskii ciraaq ee isu badelay murugada ayaa lagu qiyaasayaa dadka ku dhintay ku dhawaad 150
Dab ka kacay xaflad aroos oo ku taal waqooyiga Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Saraakiisha difaaca ayaa waxay sheegeen in rashka laga shiday dabaal-degga gudaha hoolka degmada Xamdaniyah. Goobta ayaa la sheegay in lagu dhisay walxo si fudud u guban kara.
Dabka ayaa ka kacay degmada Al-Hamdaniya ee waqooyiga gobolka Nineweh ee dalka Ciraaq goor dambe oo fiidnimadii Talaadada ah. Arooska iyo aroosada ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan dadka la ku dhintay dabkaasi.
Sawir ay soo bandhigtay wakaalada wararka Ciraaq ee Nina ayaa muujinayay, tobanaan ka tirsan shaqaalaha dab damiska oo la tacaalaya dabka, Sawiro ay soo qaadeen saxafiyiinta maxaliga ah oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya hoolka xafladdu ay ka socotay oo gabi ahaantiisba baa'bay.
Dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaallada ku yaalla gobolka Nineweh, sida uu inoo sheegay guddoomiyaha gobolka. Waxa uu sidoo kale sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca lagana yaabo in ay kororto.
Isbitaalka weyn ee Xamdaniya oo dhanka bari kaga beegan magaalada Mosul ee gobolkaasi ayaa waxaa gaaray tobanaan qof si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah.


0 Comments