Qaybtii 2aad Maah-maahyo Xarafka (A)



Maah-maahyo ka bilowda xarafka "A"           part two👇

11.Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.

12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.

13. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.

14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.

15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.

16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.

17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.

18. Adhi magantii ma barriiyo.

19. Adhi shidho laga daayo.

20. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.

21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.

22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.

23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.

24. Af aamusani marti ma sedo.

25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.

26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.

27. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).

28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.

29.Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.

30.Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 

 

Post a Comment

0 Comments