![]() |
Maansaddii SIRTA NOLOSHA
"""Saaxiibkayow heedhe,"""
Safar baan ka imi dheere,
Marka hore salaan diirrran,
Marka xiga samow heedhe,
Ha ka nixin si-dalagtayda,
Sacab fara-madhnaantayda,
Suugaanta yaabkeeda,
Salka iyo fadhaa keena,
Marka xiga sugnaanteeda,
Socodkiyo falkaa sheega,
Xeerkeedu waa saase,
Saaxiibkayow heedhe,
Anba saaka qaybteeda,
Sirsirraan ka joogaaye,
Xadhiggiyo bal eeg suunka,
Iyo sabarka gaadiidey,
Iyo salabka ii qaaran,
Iyo suudha guudkayga,
Hilaygiyo waxaan saabka,
U gilgiley Samaw haanta,
Subag inay ku dhiiqdaaye,
Saasay ku badisaaye,
Sannad weliba xeeshiiye,
Kol hadday silloonaato,
Samaheedu waa dhiige,
Sumuc talada loo dhiibye,
Sida sida sidaas weeye,
Si la yeeli jirey weeye.
🌟🌟🌟
Marka xiga Samaw heedhe,
Talo sibiq dhaqaaqeeda,
Soof-daran habawgeeda,
Sal-fudaydka hooggiisa,
Bal sallaankan fuul laalan,
Iyo sagabtan heensaysan,
Dhulka saas u jeedaali,
Sidan iyo sidaas fiiri,
Sidan iyo gadaal dheeho,
Raqda solan lafaa soogan,
Bal su’aal u celi meydkan,
Sababtuu u go’ay raadi,
Bal dhegeyso saylaanka,
Iyo salowga beer-qaadka,
Iyo sebiga yeedhiisa,
Waxaad aragtay oo saasa,
Waxaad maqashayoo saasa,
Maxaad odhan lahayd Suudi?
Samalaho furfuriddooda,
Godka seer-ma weydaanka,
Marka ay sabbuux gaadho,
Si kalaan u dhigi taase,
Saaxiibkay Waayaale,
🌟🌟🌟
Suurtuu dhalaay heedhe,
Heedhee Sahraay heedhe,
Waxaan adiga kuu saantay,
Dadka kaaga soo soocay,
Sahra kuugu yeedh-yeedhay,
Siduu aabbahaa heedhe,
Samo ii faraan heedhe,
Kuu siinayaa heedhe,
Sooyaalka taariikhda,
Iyadaan salguurayne,
🌟🌟🌟
Murtidaan Sahraay heedhe,
Sadar kuugu qorayaaye,
Heedhee Sahraay heedhe,
Curad suubbaneey heedhe,
Summadii Rashiid yeelo,
Iyo weynidii Saado,
Iyo sawracii Hooyo,
Sinjigii hablaa Geeska,
Subaxdii indhaa kuulo,
Tintu saqafta yay waayin,
Iyo diibka loo saaro,
Subko oo xayaabayso,
Korka siigo yey taaban,
Ku illaali saabuunta,
Dharku siifad yuu yeelan,
Suyac iyo bar gaasheysan,
Ku ilaali saahoodka,
Garashadu Sahraay ruuxa,
Sed u gaara weeyaan,
Hadduu saamigaas yeeshay,
Qurux ma leh saluuggeedu,
Dadku siigga dida ma’aha,
Sogob iyo ri’weyn ma’aha,
Sumal iyo laxdiis ma’aha,
Rati iyo sabeen ma’aha,
Falka iyo sugnaantiisa,
Socodkiyo abbaaartiisa,
Dhaqan sida xishoodkiisa,
Dabar iyo silsilad haysa,
Iyo suun ma dhaafaan ah,
Wuxuu soofka xoolaaba,
Kaga soocan yahay weeye,
Waxan uga socdaa heedhe,
Naftu seeto yey waayin,
Hana falin sidaad doonto,
Hadalkana sar weedhiisa,
Una saaf qofkii waaya,
Ha ka tegin sarbeebtiisa,
Hana gelin sursuur oodan,
Hana lumin sargoyntiisa,
Hana liqin sangaabtiisa,
Ha ku saxan badheedhkiisa,
Runta sogordoh haw yeelin,
Ha suldaarin dooddiisa,
Sisibaa wadaaggiisa,
Sababee abbaartaada,
Hana badin su’aashiisa,
Sarrifkiyo tilmaantiisa,
Saddex erey halkii dooni,
Soddon yaanay kaa qaadan,
Siddi-qabaxi yay raacin,
Sare haw dhig-dhigin Luuqda,
Gacantana ha saydh-saydhin,
Hana odhan wax sawliila,
🌟🌟🌟
Heedhee Sahraay heedhe,
Sarta hilibka dheehaaga,
Samaydaada dhererkaaga,
Sarajooga muuqaaga,
Sanqaroorka jaahaaga,
Dahab iyo xariir saran,
Uma baahna saantaadu,
Hadda silis ha xidhan ma’aha,
Luquntana ha sudhin mahaa,
Waxan uga socdaa heedhe,
Marka aad sunuud hayso,
Waxa suuq mug-weyn Yaa,
llaHa la simin kitaab weeye,
Hurdo iyo Sahraay jiifka,
Marka hore sariir raadi,
Salli iyo furaash dayday,
Saddexdaba hadaad weydo,
Lama seexan kari waayo,
Hadda saantu qodox ma’aha,
Suugaantu gogol weeye,
Ninku qaday Sahraay tiisa,
Hadduu seed liqliqiddeeda,
Ku saruurad goyn waayo,
Subag iyo baruur doono,
Sidu jecelyahaa been ah,
Dhadhan iyo sibraar kayda,
Sidig caanaheedaa leh,
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman,
Wax la cuno sabiib baa ah,
Nin samaystay baa faan leh,
Waxaad haysataa saasa ah,
Ka sokow intaan sheegay,
Hadda soortu dacar ma’aha,
Dharku Saadhi qudha ma’aha,
Saylooni garan ma’aha,
Iyo sabarandaa giiran,
Mana aha surwaal biid ah,
Haddaan saarku kuu diidin,
Saddex-qaydu ceeb ma’aha,
🌟🌟🌟
Heedhee Sahraay heedhe,
Sar daruuran oo maasa,
Mar Abu Sarmaantiiya,
Dhacle baarka loo seesay,
Boqor wada xiyaakhaysan,
Sildiyaal jiljila dhiibsan,
Tusbax dhawr sagaal laaba,
Iyo qool sunaar Dheehan,
Subeciyad xiddiyo laaf leh,
Adigoo siddeeddaas Hal,
Iyo timaha oo soohan,
Ku darsaday sifaa guudka,
Garashiyo sarriig sheegtay,
Ma qofkaa sitaa jooga,
Hadda salamadhlow gaabi,
Ha ku jabin saqlaa waalan,
Sallow ololka hoy jooji,
Ha saloolan xayndaabka,
Ha ku bixin saloognaanta,
Ha sarriiran waayeelka,
Sakatiga ka daa beesha,
Saha iyo af kala qaadka,
Ha ka nixin hiddaa Suuban,
Gabdhayahow sidee waaye,
Ilbaxnimadu saas ma’aha,
Hadba suf karkaro ma’aha,
Sararaha bannee ma’aha,
Qorqor suunniyaa ma’aha,
Dhabanada sibbaaq ma’aha,
Sanka oo la mudo ma’aha,
Sakhrad iyo xashiish maaha,
Sawir iyo riyaaq ma’aha,
Filin iyo sarcaad maaha,
Saxan reer galbeed ma’aha,
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro ma’aha,
Salsalaw cid kale ma’aha,
Qof silloon ku dayo maaha,
Wax sawaaban noqo maaha,
Sinta iyo lafaha duudka,
Saddex goor jejebi maaha,
Dhaqankaaga saydh ma’aha,
Soomaali diid ma’aha,
Sidaad doonto yeel ma’aha,
Dhulka oon ku sidi waayin,
Samadoo la koro ma’aha,
Xilliyada wax saareenka,
Iyo saacadaa reebban,
Sabbadiyo rugtay joogtey,
Gabadh timi ma saalloona,
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W),
Salka dhiga guryaa seexda,
Sunsun falan siddaha feyda,
Sati fudud salaan sheega,
Indha suhub af geed saarrey,
Hadba surin ka sheekeeya,
Sidan iyo sibaas yeelay,
Ereyada saluuuggoo dhan,
Kuma lihid Sahraay meella,
Sunbo iyo maraadaa leh,
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh,
Sagan daaqa jiitaa leh,
Inta marinka seegtaa leh,
Waxba aan sugeyn baa leh,
Inta sharafta saydhaa leh,
Suuraafta maqan baa leh,
Xadhig lama sitaan baa leh,
Saca Faarsa nacay baa leh,
Barni sumal xadkeedaa leh,
Heedhe Sahraay heedhe,
Suugaantu iib ma’aha,
Erey iyo sunnee ma’aha,
Hugun iyo sitaad ma’aha,
Siddi iyo I daya ma’aha,
Sadho iyo xajiin ma’aha,
Laba saaq ku gado maaha,,
Waxan seylad gelin weeye,
Sahdi iyo dareen weeye,
Bulsho saaasaheed weeye,
Samaheeda mudan weeye,
Sawdkeeda diga weeye,
Sacabkeeda kulul weeye,
Marna baadi sooc weeye,
Sahan iyo tilmaan weeye,
Dhaxal soo jireen weeye,
Wax ku saabsan meel weeye,
So’da iyo ka guro dhuuxa,
🌟🌟🌟
Heedhee Sahraay heedhe,
Sirta noloshu xoog ma’aha,
Dhagar iyo suryee mahaa,
Surma seegto dedan maaha,
Sibqi iyo hunguri maaha,
Sacab iyo ka leef ma’aha,
Sukhrad iyo fal xumo ma’aha,
Hadba seeb u rogo ma’aha,
Salfo iyo ku faan ma’aha,
Damac iyo sandaho maaha,
Derejiyo saldano ma’aha,
Saro io dhalaal ma’aha,
Sidan iyo sidaas ma’aha,
Hadda sadadu lacag ma’aha,
Heedhee Sahraay heedhe,
Bulsho saami loo tuurta,
Shan siyood wax loo yeelay,
Samir inay xigtaan ma’aha,
Surka inay dhigtaan maaha,
Sas inay didaan ma’aha,
Inay suudalaan ma’aha,
Sardho inay galaan ma’aha,
Sixir inay dirtaan ma’aha,
Inay kala saftaan maaha,
Nin I sugayayow heedhe,
Anigoo ku sugey heedhe,
Maxaad ii sugtaa heedhe?
🌟🌟🌟
Lasoco qaybta danbe dhawaan insha allah

0 Comments