Maah-maahyo ka bilowda xarafka "A"
1. " Aadme la aragyaaba, dhib la arag"
2. "Aan wada hadalno waa aan heshiino"
3. " Aar qoyey dacawo la mood"
4. "Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar"
5. " Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa"
6. " Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay"
7. " Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki"
8. " Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh"
9. " Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa"
10. "Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa".

0 Comments