Diyaaradaha dagaalka ee Baykar Bayraktar TB3

 Isbedelada dalka turkiga ee dhanka hubka iyo awooda millatry



Agaasimaha shirkada soo saarta diyaaradaha dagaalka ee "Bayraktar TB3" ee dalka turkiga (baykaar ama saljuuq baraktaar) 
ayaa waxa uu shaaciyay 

goorta sida rasmigaa duulimaadka ay usamayn doonta diyaarada casriga ee dron ee lagu magacaabo(bayraqdaad TB3) 
diyaaradan waxa la sheegay in ay ka 

awood badan tahay diyaaradii dagaal ee "Bayraktar Tb2"Agaasimaha waxa uu sheegay in bandhiga "tachnofast" 
oo maanta ka bilaabanaya magaalada ismiir ee dalka turkiga

kadib diyaaradaasi ay samayn doonto tijaabo rasmi ah ay na shaqa geli doonto waxa kale oo uu shaaciyay in diyaaradan oo ay 

ka awood badan tahay diyaaradii hore "Bayraktar tb2"waxaanu sheegay in ay soo dalbadeen diyaaradii hore in kabadan 80 dal 
lagana iibiyay sidaasna ay ku soo galeen dhaqaale badan dalka turkiga diyaaradan waxa ay ka gantaalo qaad badan tahay kana 

xawaare dheer tahay oo ay ka awood badan tahay diraadii hore "Bayraktar tb2" oo wacdaro badan ka dhigtay caalamka si gaar ahaaneed diyaarada
 "Bayraktar Tb2" waxa lagu bartay dagaalkii "nagorno kala baaq" iyo markii turkiga ciidan tiro badan looga dilay gudaha dalka siiriya 

haalkaasi oo uu ku baabiiyay taangiyadii ay ciidamada mucaaradka ahi ee "BKK" ay u isticmaalayeen dagaalka ka dhankaa 
ciidamada turkiga
 ee ku sugan gudaha dalka turkiga


turkigu wuxuu aad ugaa carooday markii 33 askari looga dilay hal maalin gudaha dalka 
siiriya kadibna diyaaradahan ayuu kiciyay waxaanu ku baabiiyay taangiyo badan oo ay ciidamada kasoo horjeeday ay adeegsanayeen

agaasimaha shirkada baykaar waxa uu leeyahey in 2024 ay soo saari doonaan diyaarado ka casriyaysan diyaaradaha dagaal ee laysku
 

yidhaahdo "Bayraktar TB2 IYO TB3" sidoo kale waxa uu leeyahay in ay 82% waxay helaysaa dalabaad kala duwan

 waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay in ay doonayaan ina ay soo saaraan
 2024 4diyaaradood oo daroonis ah kana casrisan kuwii hore turkkiga ayaa
 umuuqda in uu doonaayo 
in uu gaadhdo isku filnaan dhanka ciidamada iyo hubka ah in uu gaadho

Post a Comment

0 Comments