dagaalkii caynu-jaaluud iyo baabi'ii tataarka
maalmaha guushu way badan laakiin maalmaha guushu kala weyn kala wanaag badana maalinkan aynu ka hadlayno hadda waa maalintii alle "swt" uu guusha siiyay muslimiinta
jabiyayna cadawgii tataarka ee aadka udarnaa maalinkan maaha maalin lagu soo koobi karo kalmado kooban waa maalin taariikh badan laga qoray maantana kuliyadaha millatryga
taariikhda iyo kuwa siyaasadaba lagu barto xeeladihii cajiibka badnaa ee ciidanka muslimiintu adeegsadeen maalinkaas maqaalkeena maanta akhristayaal waxa aynu kaga
hadlaynaa dagaalkii aadka umucjisada badnaa ee bilowga u ahaa dhammaadkii tataarka ee "caynu-jaaluut" Ku soo dhawoow akhriste taariikh iyo aqoon korodhsi cusub
Qarnigii 7aad ee hijriga kuna beegnaa qarnigii 13 ee milaadiga waxay dunidu ku waaberiisatay niman la odhan jiray tataar ama mangooliyaanka kana soo jeeday qabiil
reer guuraa ah oo dagi jiray galbeedka bari ee eeshiya kuna hadli jiray luuqada turkiga ayaa duulaan ugu soo anbabaxay dunida waxa ay ahaayeen niman tiro ahaan aad
ubadan oo aysan jirin cid tiro isaga caabin kartaa heer ay gaareen dadkii xilaagaa jiray inay aaminan in ay yihiin nimankani "ya'ajuuj iyo ma'juujkii" quraanka lagu
sheegay ee soo bixi rabay aakhiru samaanka ama dhammaadka aduunka waxay ay ahaayeen sidoo kale niman aad udagaalyahansan oo anaay jirin cid dagaal isaga caabin kartaa
waxay ahaayeen niman aad uqalabaysan oo wata fardo doonyo iyo qalab dagaal oo aanay jirin cid xiligaa haysatay tataarka waxa madax u ahaa ninkii lagu magacaabi jiray
"jaankiis khaan"oo waqtigaa loo yaqaanay khaankii weynaa ninkani waxa uu ku taamaayay in uu samaysto boqortooyo weyn oo caalamka bari iyo galbeed koonfur iyo waqooyiba
guumeysata cadawgii mangooliyaanka ahaa wuxuu kusoo hogaamiyay dhulkii muslimiinta nin shiicada raafidada ahaa wasiirna ka ahaa dawladii cabaasiyiinta oo lagu magacaabi
jiray 'mucal qadi' oo xukun raadis ahaa tataarka oo uu hor kacayo 'holaako khaan ' oo ahaa wiil uu awoow u ahaa 'jinkiis khan' waxa ay soo weerareen dhulkii islaamka
'656 hijriga' waxaana ay qbsadrrn magaalooyinkii kuyaalay ciraaq iyo shaam ugu horayna waxay tataarku lawareegeen maagaalada baqdaad waxayna kuxasuuqeen dad muslimiin ah
oo tiradooda lagu qiyaasay kudhawaad 2milyan oo qof oo aan kala sooc lahayn rag dumar ciroole iyo caruurba dadkaa waxa ku jiray khaliifkii ugu dan beeyay dawladii
cabaasiyiinta 'almuctasim bilaah'
baqdaad xiligaa waxa ay ahayd hoyga xadaarada dunida waxa ay ahayd meesha dhaqaalaha iyo ganacsiga aduunka ugu badani yaal
waxa ay ahay caasimada wax barashada caalamka oo dhan waxa looga imaan jiray dhamaan dunida oodhan si wax looga barto waxay caan ku ahayd culuumta diinta iyo kuwa
maadiga ahba sida caafimaadka xisaabta turjumaanimada luuqadaha falsafada iyo suugaantaba qadar alle waxa waxaasi oo dhan cagta mariyay ciidamadii tataarka waxa ay
webiga ku dareen kutubtii yaalay maktabadaha iyo macaahida baqdaad waxa kale oo ay cadawgu kharibeen beerihii dhismayaashii iyo dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha
sidoo kale waxa ay dhulka dhigeen masaajidii waa weynaa ee ay caanka ku ahayd baqdaad, xalan, dimishiq, falastiin iyo magaalooyinkii kale ee muslimiinta oo ahaa xiligaasi
magaalooyinkii ugu bilicda iyo xadaarada badnaa dunida ay cagta sii mariyeen tataarku markii ay burburiyeen magaalooyinkii ugu waaweynaa ee ay lahaayeen muslimiintu dileena
malaayiin muslimiin ah oo haween iyo caruur ubadnaa intii nolasha ku hartayna ay uqaybsameen mid baxsad ah iyo mid ay nolosha ku qafaasheen musliimtiina ay rajabeeleen aamineen
in waxa dhacayaa ay tahay calaamad kamid ah caalmadaha qiyaamaha ayuu ilaahay umadii dhibaatadaasi weyn ay haysatay ka soo dhex saaray halyey mideeyey umadii kala irdheysnayd dibna
ugu beeray rajo quluubtii rajada beeshay maxamed ibnu "maxamuud oo lagu magacaabo sayafadiin al qudus" waxa uu ahaa salaadiintii xukuntay masar suldaankii ugu waqtiga
yaraa waxa uu talada dalkaasi qabtay sannadii "1259" miilaadiga isga oo baneeyay jagada dalkaas sannadii ku xigay oo shirqool lagu dilay sayfadiin waxa uu mudadaasi
yar ee uu xilka hayey ka dhigay dalkii masar dal iska caabiyay mid ka mid ahaa weeraradii ugu cuslaa ee tataarku ku soo qaado dal muslin xiligaasi
sayfa-diin al qudus markii uu talada qabtayba waxa uu hawl ka bilaabay sidii uu ula tashan lahaa culimada iyo waxgaradka taasoo keentay in la helo umad ka mideysan
dhan kasta udub dhexaad na ay u yihiin culumada diintu
Laso qaybta xigta dhawaan insh'allah


0 Comments