Godkii ugu dheeraa ee laga qodo dhulka iyo argagixii ay la kulmeen dadkii qodayay!


 meeshan daboolan waxa ku yaala godkii ugu dheeraa abid ee uu adamuhu qodo, yoolka laga lahaana waxa uu ahaa inla soo ogaado waxa ku jira gunta hoose ee dhulkan aynu 

ku noolnahay.

Laakiin markii la qoday ku dhawaad 12km waxa dhacday dhacdo badashay waxkasta kana dhigtay godkan mid si gabi ahaanba afka looga xiro, hal mar markii ay 12km gaadheen 

heerkulka ayaa 180° gaadhay.

halka dhawaq iyo qaylo aan lagaranayn meesha ay ka imaanayaan  godkan halmar laga maqlay. Waxaan xiligaa qabsaday warbahinta codkan oo lasheegay in laga duubay godkan.

Argagaxa ku dhacay dadkii qodayay iyo sababo kale oo dhawr ah ayaa keentay in uu si gabi ahaanaa u istaago ilaa mantana la waayo cid hoos u dhaafta cabirkan . 

hadabayay ahaayeen dadka qoday godkan? xagee laga qoday? maxayse la kulmeen?

dhamaan waydiimahan ayaynu  ku  lafo  guri  doonaa  maqaalkeena maanta. 

Inta aynaan ka hadlin godkan iyo sababtii loo qodayba aynu fahan kaqaadano dhulku sida uu u sameeysan dhulkan aynu saaranahay ayaa ka kooban dabaqado loo yaqaano 

lakabyo ku dhawaad 3 lakab ayuu ka loobanyahay, waxa ayna kala yihiin lakabka ugu sareeya oo loo yaqaano "qolofta dhulka", lakabka dhexe oo isagana loo yaqaano eray

cilmiyeed sooaali ku noqonaya "Lakabka Gogosh" waana lakabka ugu wayn ee uu dhulku ka kooban yahay, halka lakabka seddexaad ee ugu hooseeya isagana loo yaqaano 

"Xudunta Dhulka"  waxa la sheegaa in lakabkan uu ka kooban yahay dab iyo macdano la isku dhalaaliyay, herkul kiisuna uu aad u sareeyo gaarana ilaa 6000 oo digrii.

intii u dhaxaysay 1960-1970kii waxa uu loolan adag ka dhexeeyay dalka maraykanka iyo midawgii sofiyeedka, loolanka ayaa waxa ka curtay tartan ah labada dhinac kan ugu

Horgaadha gunta ugu hoosaysa dhulka si loo ogaado waxa ku jira iyo in laga heli karo macdano laga faa'idaysan karo.

Sanadkii 1961kii maraykanka ayaa daahfuray mashruuc  uu ugu magac daray mohole qorshaha ayaa ahaa in la sameeyo god uu dhararkiisu dhaafaayo lakabka ugu sareeya dhulka 

ee aynu ku sheegnay in loo yaqaano "Qolofta dhulka" waxaana godkan laga qoday badwaynta BASIFIGA meel xoogaa u jirta dalka maksiko, lakiin mudo yar kadib mashruucan 

ayaa guul daraystay, sababtuna waxa ay ahayd in uu maraykanku waayay dhaqaale ku filan oo uu ku socodsiiyo maadaama masaariifta qoditaanka masaafada intan leeg ay 

ahayd mid aad u sareysa soofiyeedka oo ka faa'idaysanaya guul darad soogaadhay maraykanka  ayaa u qalab qaatay  inuu xaqiijiyo yoolkan waxuun bishii 5 sanadkii 1970kii

bilaabay hawlgalkan loogu magac daray xiligaasi "Birta Kola" goobta laga qodaayay godkan ayaa ahayd jasiirad la moodka loo yaqaano Kola ee u dhaw Russia  5tii sano ee ugu 

horaysay qoditaankan waxa la qoday dharar gaadhaya kudhawaad  7km  waa uu socday qoditaankani waxa la soo gaadhau sanadkii 1989kii oo ku beegan 9sano malintii la bilaabay 

qoditaanka godkan midawga sovietka ayaa go'aansaday  in uu si gabi ahaanba ah u joojiyo hawlgalkii qoditaan ee godkan. wuxuuna gaaray 12km qarashka ku baxayna waxa lagu qiyaasay ku dawaad boqol milyan oo doller '100,000,000' xiligaas ma jirin sababo rasmi ah oo uu shegay sofiyeedku"soviet"

maxaayeelay loolankii kala dhexeeyay maraykanka  ayaa labada dhinacba ka dhigay ku ilaaliya sir ahaanshiyaha hawlgaladood iyo natiijooyinka ka dhasha. 

xiligaasna warbaahinta gaar ahaan warbaahinta reer galbeedka ayaa faafiyay baaritaano iyo warbixino ku aadanaa in loo joojiyay qodida  godkan sababo ay u waynaayeen in

shaqaalihii qodaayay ay maqleen dhawaq iyo qayli argagaxleh oo ka soo yeeraayay godkan guntiisa hoose wargeeysyada reer galbeedka  ayaa xiligaas safxadaha hore ku daabicijiray

warbixino ay cinwaan uga dhigeen "sofiyeedka  oo gaaray albaabada jaxiimada!" iyo oraahyo la mid ah.



sidoo kale waxa jiray muuqaal lafaafiyay oo lagu sheegay in laga duubay  codka iyo ka yeedhayay godkan  Hayada HUMAN RIGHTS WATCH ayaa warbixin ay baahisay  oo ay la

yeelatay midkamid ah khuburadii sofiyeedka  ee qodaayay godkan kasoo xigatay inay jireen codad iyo qaylo ay maqleen markii ay wadeen qodida godkan,taasoo dorwayn

ka ciyaartay istaagida mashruucan  sidoo kale markasta oo hoos loo sii dago waxa  si waali ah u kordhayay heerkulka dhulka Khubaradii ku hawlanaa fulinta

mashruucan ayaa qiyaasaayay in heerkulku  uu gaari karo 100 digrii marka ay marayaan 12km, laakiin arinta filan waaga ku noqotay ayaa ahayd in heerkulku uu kor u 

dhaafay 180° taasoo kor u qaaday qarashkii ku baxaayay mashruuca maadaama ay mashiinadu u dulqaadan karin heerkulka intan le'eg .

ugu danbeen 1989kii ayaa godkan sirasmi ah afka looga daboolay daboolkan ka muuqda sawirka waxaana korka looga xardhay cabirka uu leegyahay ee ah 12km.

ilaa hada majirto cid fasiraad u heshay qaylada iyo dhawaqa la sheegayay inuu ka soo yeedhayey godkan kohor inta aan la daboolin, Quraanka ayuu illaahay inoogu sheegay 

in uu dhulku ka koobanyahay 7 dabaqadood ama 7 dhul oo isasaaran naartuna ay ku taalo dhulka ugu hooseya, hadaba malaga yaabaa in dhawaqa iyo qayladaasi ay tahay mid ka 

imaanaaya cadaabka . shiinaha ayaa bartamaha sanadkan bilaabay qorshe cusub oo ay ku doonayaan in ay ku qodaan god u dhaw godka kola, gaadhayana 11km yoolka

shiinaha ayaa ah inuu daraasad ku sameeyo lakabyada dhulka iyo sidoo kaleba inay jiraan  macdano laga heli karo gunta ugu hoosaysa dhulka ,mashinada uu adeegsanayo ayaa ah

kuwo aad u horumarsan oo ku soo koobaya wakhtiga uu soconayo mashruucani 18 bilood oo kaliya halka uu mashruucii sofiyeedku uu qaatay 9 sano oo xiriir ah .

hadaba aragtidaada daawade ma dhici kartaa inuu aadamuhu uu dhaafo dhararkan dhacdana in uu mar uun la qodo godad ka dhaadheer godka kola ee uu dhararkiisu gaaraayo 12km,

Nagula wadaag jawaabtaada qaybta Commentga hadii ay xogtani ku cajabisay fadlan la wadaag asxaabtaada, hadii aad nagu cusub tahayna nagu soo biir oo ka mid noqo bahwaynta

nagu xira. MAHADSANIIDIIN.

BY : Samiya Craxmaan Maxamed     : halkanina waa ifiye oo aad uga barateen mawduucyo idin cajab galiya.


Post a Comment

0 Comments