Qaybtii 2aad Talooyin Iyo Xikmado Laga Dhaxlay Saynisyahankii Albert Einstein

 

11:farqiga u dhexeeya doqonimada iyo garaadka waa in garaadku leeyahay xad

12:Qofka daciifka ah wuu aar goostaa,kani awooda badanina wuu cafiyaa, laakin ka wax garadka ahi wuu iska indhotiraa

13:Waxa kaliya ee ka khatarsan jaahilnimada waa isla weyni iyo kibir

14:Dunida ma baabi'in doonaan kuwa sharka sameeya,Laakiin waxa baabi'in doono kuwa fiirinaaya iyga oo aan ka dhiidhin

15:Ha dhageysan kuwa jawaabta haya ee dhageyso kuwa su'aalaha haya

16:Hadalka kaftanka ahi xaqaa'iq badan ayuu xambaarsanyahay

17:Qof kastaa wuxuu mudan yahay in la ixtiraamo,laakiin taas badelkeeda dadku waxay uqaateen inaad daciif tahay oo aanad shakhsiyad lahayn

18:Ma jirto tijaabo cadaynaysa arigtada saxda ah laakiin hal tijaabo ayaa kuu cadayn karto arigtada khaladka ah

19:Nabada laguma heli karo xoog waxaa lagu heli karaa isfahan

20:Qofka dadka u il dheer wuxuu arkaa waxaan dadka u muuqan sidaa awgeed wuxuu dadka kala kulmaa mucaaradaad xoog leh"{Qofka dadka u il dheerbaa dadka u ayaan daran}"

21:Aqoonyahanku wuxuu xaliyaa dhibka ,laakiin in dheer garadku wuxuu ka hortagaa dhibka

22:mala-waalku waa shay qaaliya oo aad kasii daawan karto quruxda nolosha soo socota

23:isha keliya ee cilmiga laga helaa waa khibrada 

24:Kelinimadu waxa ay ahayd shay aad u xanuun badan waqtigii dhalinyarnimada,laakiin waa shay aad u macaan markaad weynaato

25:Malihi hibo gaar ah keliya waxaan ahay mid dedaal badan oo doonis badan

26:Haddii niyadaadu xumaato waxaa xumaada dhaqamadaada kaasoo fulaaya

27:Si fiican u fiiri dabiiciga dhirta,dhulka iyo xoolaha waxaad si qoto dheer u fahmi doontaa nolosha

28:Calaamada dhabta ah ee qofka caqliga badani ma aha aqoonta ee waa qof wax mala-waali kara

29:Nolosha wax kastaa halmar ma dhacaan ee waxay qaataan waqtiyo kala duwan,sidaa awgeed waa in aan qorshaynaa waqtigeena

30:Waxa macquulka ahi wuxuu ku geyn karaa meel xadidan sida A ilaa B ,laakiin haddii aad wax mala-awaali kartid wuxuu ku geyn karaa meel aan xad lahayn

Post a Comment

0 Comments