Qaybtii 2aad ee dagaalkii caynu-jaaluud iyo baabi'ii tataarka

Waxa ay inooga bilbmaysaa qaybta 2aad boqor "jinkiis "oo waraaqad hanjabaad xambaarsan u soo diraaya boqor sayfadiin al qudus lasoco qaybta 2aad haddii aanad qaybtii hore soo akhrisana soo akhriso fadlan si aad ula socon karto qaybta 2aad

{Dhambaalkii holaako iyo curashadii colaada} holaako oo ka cadhaysan weli inay hadhsantahay
 umad islaamaa oo lafaheeda dhuux ku jiro ayaa warqad hanjaabaad iyo kibir xambaarsan udiray sayfa-diib-al-qudus isaga oo ku amray in uu isa soo dhiibo waxaanay
 warqadaasi u qornayd sidan "{ka socota boqorkii boqorada bari iyo galbeedba khaankii weynaa waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahi fidiyay dhulka kor uqaadayna 

samada wuu ogyahay boqor qudus ee ka soo jeeda jinsiga mamaalikta kuwaas oo ka baxsaday seefahayaga una baxsaday dhulka ayhada joogaan"masar" kuna nimcaysanaaya nimcooyinkeeda
dilayana qof kasta oo boqortooyadooda hoos imaada wuu ogyahay boqor qudus iyo dhammaan amiirada boqortooyadiisu inaan nahay ciidankii alle ee uu usoo diray dhulkiisa
waxaan ka abuuranay cadhadiisa wuxuuna nagu saliday kuwa ay cadhadiisu ku dhacday dhulka idinku hareeraysan baana cibro qaadasho idiinku filan nagu soo wareejiya 

xukunkiina intaanay marudu idinka faydmin aydina qoomamayn anagu manihin kuwa naxariista umana tudhno ka noo baahi sheegta waadna maqasheen sidii aanu u qabsanay 
boqortooyooyinkii deriskiina ahaa ugana sifaynay dhulkii faasdaka una dilnay dadka badankiisii waxaa idiin sugnaatay inaad acarartaan anagana waxa noo sugnaatay inaan idin caydhsano
lakiin xageed u cararaysaan se dhulkee idin magan kelinaaya fardahayagu waa kuwo aad u dheereeya gamuunyadayaduna  waa kuwo caradoodu aad u dhuuban tahay warama hayaguna waa


hilaaca oo kale wadnayaashayadu waxa ay u adagyihiin sida buuraha oo kale ciidamadayadu waxa ay u badan yihiin sida ciida oo kale qalcad iyo ciidan xoog nagu caabin karaana majiraan
baryadiina aad alle tuugaysaana nagama kiin caabin karto maxaa yeelay waxaad balaysateen xaaraantii waxaad jabiseen balanihii waxaanad caado ka dhigateen caasinimo


iyo dhego adayg ku bushaaraysata hoog iyo jab maanta ayaa laydinku abaal-marinayaa cadaabkii idin dulaynaaye is weynayntii aad isku weynayseen dhulka gardaro ahaan iyo 
faasiqiintii aad ahaydeen awgeed qofkii dalbada dagaalkayayga wuu hoogay wuuna qoomamaynayaa kii magan gelyadayada dalbadana wuu liibaanay wuuna magan gelayaa haddii
aad yeeshaan dhambaalkayaga amarkayagana aad qaadataan waxaad yeelanaysaan waxaan leenahay dhib iyo dheefna waan wadaagaynaa haddii aad diidaana waxaa idiin sugnaaday
halaag waxaad aaminteen inaan nahay gaalo anaguna waxaan aaminay inaad tihiin faajiriin waxaa nagu kiin saliday kii go'aaminayay aqdaarta maamulayeyna kownkan


kiina sharafta leh wuxuu agtayada ka yahay qof  hooseeya tiradiina badina agtayada aad bay uga yartahay haku daahinina jawaabta soona dedega intaanan gaashaanka xambaaran
waanan idiin dignay hadii aan dhambaal idiin soo dirnay waanan idin kicinay intii aan idiin imaan lahayn idinka oo hurdo ku jira  oogaada inaad tihiin kuwa keliya ee noo haray
salaan korkiin iyo korkayagaba ha ahaato}"

dhambaalkani aadka u dheeraa xambaarsanaana erayo handadaad iyo hanjabaad ubadnaa sidoo kalena uu holaaako ku xusayay aayado quraan ah oo uu u soo daliishanayay 
ayuu usoo dhiibay afar dagaal yahan oo kamid ahaa dagaal yahanadiisa waxayna u keeneen qudus suldaan qudus markii uu akhriyay dhambaalkii kedis kumay noqon
oo horeba wey usugayeen maalinta uu tataarku albaabada qudus soo garaaci lahaa mooraalka dadkiisa iyo baqdintii uu ku beeray tataarku xiligaas quluubtii muslimiinta


ayuu qudus si uu ugu dhiirigeliyo muslimiinta dagaalka xiligaasi wuxuu amray in qoorta laga jaro dhammaan ergadii weday dhambaalka inkasta oo ay mamnuuc ahayd diin ahaan
in eragada ladilo hadana qudus ma helin wado kale oo uu dadka dagaalka ugu dhiiringelin karo dilkii ergadaasina waxa uu dhambaal qayaxan u ahaa in ay dagaal diyaar u yihiin
taas oo kicisay caradii tataarka oo aan weligood arag cid ku dhiirata in ay waxyeelo ugeysato dagaalyahanadooda ciidankii tataarka oo uu hogaaminaayey "kaatinoha" oo
ahaa abaanduulihii dhanka dagaalka u qaabilsanaa holaako iyo ciidankii muslimiinta oo ay si wada jir ah u hogaaminayaayn "al-qudus iyo rokmatiin-baybaris"oo ahaa 


abaanduulihii ciidanka muslimiinta waxa ay maalin"{jimce ah 25 ramadaan 658 hijriga}" kuna beegnayad"{september/3/1256 milaadiga}" isku haleeleen labadii ciidan goobta loo yaqaan 
"{caynu-jaaluut}" oo ah dooxo ay ku hareeraysan yihiin buuro oo ku taala deegaanka "napulis" ee dhulka falastiin labada ciidanba aad ayay u tira badnaayeen oo waxay 
ku dhawaayeen tobanaan kun
Lasoco Qaybta 3aad oo ah qaybtii ugu danbeysay 


Post a Comment

0 Comments