Abwaan maxamed ibraahim warsame "{hadraawi}"
maansadii anuubaa hooyadaa ah
waxay curatay 26kii apriil 1998
Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushubaa
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal
✷✷✷
Xaq iyo u hal-buuxintiisa
Haboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku arooridooda
Siduu uga hawl yaraysato
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashooy dhashayda
Kadaa gacan-haadiskaaga
✷✷✷
Barbaar hanaqaad ku leexday
Duciyo habaar qaadan waayay
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoonee
Hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumarbaa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan
✷✷✷
Inaan hadlo maan jeclaysan
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan ilaawin
Hogeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hu'giisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaadaybaa leh
✷✷✷
Markaan cidla hiil ka waayay
Naftayda halaan halkeeda
Waxaan huri waayo sheego
✷✷✷
Haantii lulataay dhageyso
Hoobaanta agtaada taala
Hadhiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan
✷✷✷
Qofaad halab saaridiisa
Daryeelka horseedidiisa
Dedaalada heensihiisa
Habeena ka seexan weyday
KU meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu baneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaada
Sidaad ugu heellanayd
✷✷✷
Harraad iyo waa kalkiisa
Hilaac baxayoow dhageyso
Siday talo kaaga hoostay
✷✷✷
Calooshu intay ku hoysay
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horaadka intaad jaqaysay
Dhabtaydu intay ku haysay
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobeeya hobeeyada
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
✷✷✷
Hawraaraha kugu amaanay
Intaan hubin kuu xamraay
Dartaa aan u hogaansanaadey
Hadhuubada aan ku siiyay
Habniin adigoo ku diiday
Intaan hambo kuu daboolay
Hamuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab beel ku seexday
✷✷✷
Intaan hurdo kuu ilaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hilowga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
✷✷✷
Aniyo hirashaa is weynay
Hiigsiga noloshaa adkaaday
Aduun iyo haybsigiisa
Hangool li'idaan ku daayay
Waxaan ku hagaagi waayay
Dhankaad ku hagaagsanayde
✷✷✷
Adoo ka hanweyn xagayga
Qof kuugu han weyn dantiisa
Cidaad ku haleysay mooyi!
✷✷✷
Halyeynimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusyne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay
Intaan hebla kuugu faanay
Hilaado fog bey lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da'a weyne
Adiyo habigaaga mooyi!
✷✷✷
Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanaadaan ka doortay
Xagayga hibaan ku saaray
Anigu ku habbaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yaqiinso
✷✷✷
Hawaala aduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
hoosiyo sare tii ku raacda
Anuubaa hooydaaya.
DHAMMAAD

0 Comments