Waxa ay qaybtii 2aad inoogu taagnayd markii labadii ciidan ku kulmeen goobta loo yaqaan caynu-jaaluut lasoco qaybtan oo ah qaybtii ugu danbaysay
ciidankastana wuxuu qabay kalsooni aad u weyn ciidanka tataarku waxayba layaabanayeen in iyaga oo musliimnta jabkii la ogaa u geysatay
ay weli jiraan ciidamo islaam ah oo weli is hortaagi kara dhanka muslimiinta waxa aad iyo aad u kacsanaa dareenkooda oo waxay indhahoodu sii eegayeen sidii dadkoodi iyo dalkoodii loo baabi'iyay
waxayna u hamuun qabeen dhiiga cadawga waxayna rajo weyn ku qabeen in ilaahay guusha siin doono qudus ka hor intaanu u soo an babaxin dagaalka tataarka wuxuu dib u habayn ku sameeyay
ciidankiisii isaga oo u qaybiyay dhawr qaybood qayb walbana waxa uu ka dhigay 400 oo askari wuxuuna siiyay dirays gaar ah iyo sumad u gaar ah wuxuuna hogaamiye uga
dhigay koox walba mid kamid ah hogaamiyayaashiisii si uu tartan uga dhex curiyo kooxahaasi sidoo kalena uu cabsi ku beero quluubtii tataarka sidoo kale wuxuu sameeyay
koox durbaano tumaysay kuwaasi oo lagu tababaray ciidanka in amar walba oo lasiinaayo durbaanyahanadaasi qaab cayiman ay durbaanka ugaraacayaan "tusaale marka la leeyahay kooxda midigtu hore ha usocoto uu durbaan ugaara leeyahay oo lagaraacaayo"
taasi oo meesha ka saartay in uu tataarku garto talaabooyinka ay qaadayaan ciidamada muslimiintu intii ay ku sugnaa yeen goobta dagaalka sidoo kale qudus wuxuu dajiyey
xeelad dagaal oo lagu tiriyo mid aad cajiib u ahayd xiligaasi noqotayna xeelad ay adeegsadeen hogaamiyayaal badan oo ka danbeeya xiligiisii sida "{sulaymaan al qaanuuni"
taasi oo ahayd inciidamada loo qaybiyo laba kooxood kooxda koobaad oo ka koobnayd fardoolaydii ugu dagaalyahansanayd ciidanka waxa laga dhigay kuwa weerarka ugu
horeeya qaadaya halka ciidanka intiisii kale lagu qariyay meel ka danbaysay ishii "caynu-jaaluut"oo ahayd il biyood hal dhinac ka furan ciidanka weerarka hore qaaday waxaa
hogaaminaayay abaanduulihii"{baybolis}" tataarkii markii ay arkeen yaraanta ciidanka "baybolis" waxay markiiba weerar ku qaadeen ciidankii muslimiinta dagaal mudo dheer
socday oo laysla mari waayey kadib ayay ciidankii muslimiintu sameeyeen dib-ugurasho xeelad dagaal iyaga oo aan baqo muujinayn si aad ahna u dagaalmaya balse tataarku waxay u qaateen
in muslimiintu tabar beleen waxayna aad usoo xoojiyeen weerarkoodii iyaga oo ciidankoodi oo dhana weerarka isugu keenay markaasi ayuu qudus wuxuu amar siiyay ciidan kiisii kaydka ahaa oo uu ku amray
inay dagaalka galaan halmar ayay ciidankii muslimiintu dhabarka iyo geesha ka soo xireen ciidankii cadwga ciidankii hore ee dib ugurashada ku jirayna dib ayay usoo
rogaal celiyeen waxaana bilaabmay dagaalkii dhabta ahaa waxaana go'adoon la geliyay ciidamadii tataarka oo dhamaan jihooyinkii oo dhan ay ka xidheen ciidamadii muslimiintu
markii uu mudo socday dagaalkuna waxaa ku soo biiray suldaan qudus oo markii hore dalgaalka kor ka hagayey wuxuuna soo galay saaxad dagaalka isaga oo ku celcelinaya
erayadii dhaxalgalka noqday ee "{}"erayadan ayaa geliyay quluubtii ciidamadii muslimiinta dhiiranaan hor leh iyaga oo sidoo kale kalsooni dhaaraad ah qaaday markii ay
arkeen boqorkii oo ka gees dagaalmaaya ciidamadiisa mudo yar uun kadibana waxaa la dilay taliyihii ciidanka tataarka"kaatinoha"oo ahaa hogaamiye aan wekigii laga
adkaan ciidamadii tataarku markii ay arkeen madixii "kaatinoha"waxaa ku beerantay quluubtooda cabsi hor leh waxaanay ka rajo dhigeen in ay guul ka gaadhi karaan iyaga oo
oo bilaabay naf lacaari iyo in a banaystaan wado ay kula carari karaan naftooda waxaana halkaas kasoo gaartay tataarka jabkii ugu weynaa abid inkastoo ay boqortooyadodii
ay 2qarni oo danbe kasii talinysay dhulaka shiinaha qaybo kamid ah eeshiya iyo inta badan yurubta bari oo ruushku ku jiray haddana waxa ay noqotay maalintii ugu horay say
ee ay dunidu maqasho waxaa laga adkaaday tataarka waxa kale oo ay tani gebi ahaanba hoosta ka xariiqday dhamaadka haysashada dadkii islaamka ahaa waxaana laga furtay
xoolihii ay dhulaka muslimiinta ka bililiqaysteen waxaana laga sii daayay dadkii ay qafaasheen waxaana halkaa ku soo laabantay safaxda midka midahaa afooyinkii ugu
xumaa ee muslimiinta soo mara abid
Dhammaad

0 Comments