Qaybtii 3aad maah-maahyo ka bilowda xarafka B


 






1:Beer aadan falan badar kama sugtid

2:balaaayo waa tii kac guurso dhahda

3:belaayo horteeda lama maro

4:bisin alle nin bilaabay balaayo uma timaado

5:beeni raad maleh


6:beentu marka hore malab marka danbe dacar

7:birbaa bir goysa

8:bir adag dabaa lagu fiiriyaa

9:balaayo inta ay kaa maqantahay qayrkaa ayay ku maqan tahay

10:bartii yaqaan bari uma korodho


11:baruur kaliyaa baruuryo qudhmisa

12:baryo badan iyo baahi badan waa laysk nacaa

13:bakayle intuu le egayahay ka muuq-dheer

14:baadi dawadeeda waa la hel

15:baahi nin kuu daran bay kuu geysaa


16:baadiyi nimaan lahayn bay agjoogtaa

17:boogtaan hoos loo dhayin ma bogsato

18:bakayle intuu geed ku jiro ayuu geed kale raadshaa

19:bakhayl waa dameer dahab saaran

20:bad beer lagama tabcado


21:baddu waa isku dhadhan

22:balan gal waa eed gal

23:bahal ceerin ma daayo,nina caadadii ma daayo

24:bawdo rag maalinba midbaa qaawan

25:badbaado aan bahdaa kula qabin waa bar kugu taaal


26:beelo ciloobey warsan iskama geyaan

27:baso waa baso si walba oo loo subko

28:been fakatay runi ma gaadho

29:been iyo war badan habeen bay wada dhasheen

30:been waa ku qadaysiisaa laakiin kuma cashay


31:been waa lagu cabaa laakiin laguma rakaato

32:beenaale markhaatigiisu fogeeyaa

33:biyo waa nolol

34:beenlow nin fog iyo nin dhintay buu markhaati ka dhigtaa

35:beenlow waxaa sira xasuus xumi


36:beentaada hore runtaada danbay dishaa

37:beentu lug kaliyay leedahay haddii laqabtana way dhacdaa

38:beer lawada leeyahay kan ugu tabarta yar baa u hadha

39:beer ma fahse baahi ayaa u taal

40:beertaada oo baxday intaad ka heshid bahdaada kama heshid


41:belaayo habeen qad ah iyo bakayle talaabsanaaya midna lama arag

42:balaayo ka hortag mooyee kadaba tag maleh

43:bil saddex ah gurigaagay kaa kaxaysaa guri kalena kuma geyso

44:biyo aan cirka daahir ku ahayn dhulka daahir kuma noqdaan

45:biyo badan badhbaa calaw ah hadal badana badhbaa been ah


46:biyo badeed beer ma waraabiyaan

47:biyo dhul lagu arag lagamana dhawro

48:biyo socda ayaa biyo fadhiya kiciya

49:biyo intayna ku soo gaarinbaa layska moosaa

50:biyo meel godan bay iskugu tagaan


51:biyo sacabadaadaa lagaga dhargaa

52:balan habeen jarmaado arooryuu leeyahay

53:banaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado

54:barasho horteed hay nicin

55:baqashu ma dhasho wax dhalana ma doonto


56:baqashii fardo la daaqda lidkeeda bay is moodaa

57:barasho u yeelo geedkaad cuskan doonto

58:baareey guur oo sixnigaaga la guur 

59:badhi mag ma leh

60:balaayo madax la qabtay leedahay ,minjo la qabto maleh


61:bannaanka arkayow maxaa buur ku saaray

62:bari waaga mooye wax san ka ma yimaadaan

63:bartii yaqaan ,bari uma korodho

64:baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa

65:baryo iyo is daluuc layskuma daro


66:beer waxdhalow ba

67:bilaysinku bir ka adag

68 been fakatay runi ma gaadho

69: bidaari sibiq bay kugu gashaa

70:bisayl iyo qaydhiin waxa u dhexeeyaa waa yacyacood


71:biya sar tagay waa la sugayaa

72:belaayo buulkaaga ayaa laga galaa

73:ban waraabiyo galaa baqataba baraa la helaa

74:bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho

75:baruuro sabool badhaadhaa leh

76:basari buulkeeda bayaayo weeye

77:baayac-mushtar bilowgiisa bur iyo bajiye weeye


Post a Comment

0 Comments