1:ceebtaada cidkale lagu lama galgasho
2:canjeero siday ukala sarayso ayaa loo kala cunaa
3:canqaw isku dhufte isagaa u dhutiya
4:caqli kaa maqan maskax walaal ayaad ka heshaa
5:cimri iyo carro ayaa cirro soo saara
😎😎😎
6:carrab lo'aad caws looma tilmaamo
7:ceel aadan ka biyo gaarayn lama qodo
8:cindi naageed iyo cir roobaad midna lama malayn karo
9:cirbaa hagar leh ee dhul hagar maleh
10:cir hilaacay hoostiisu biyo maleh
😎😎😎
11:carruur hadaad kuftid way kugu qoslaan ,haday kufaana way ooyaan
12:cimri dheer baa cajab leh
13:cimrigaaga oo dheeraada geel dhalayana wuu ku tusaa
14:cirbad maalin luntay habeen lama helo
15:cirbad dun la'aan wax ma tosho
😎😎😎
16:cirku wuxuu keeno dhulku ma qaadi waayo
17:col yar iyo col badanba ilaahay baa is baday
18:col diriray is ma daymin
19:col hortiibaa la hub badsadaa
20:col intuu guul-guul kaaga gooyo galid kaagama gooyo
😎😎😎
21:col iyo cidi isma oga
22:col iyo dhaanba xaga laga eegayo ayay ka yimaadaan
23:col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan
24:col ku galay cabsi kugu reeb
25:ciil naago kaa raacay iyo ciil nirig kaa raacay midna lagama bogsado
😎😎😎
26:colaad sokeeye sidee wax kuu gaareen iyo sidee tahay baa ugu danbaysa
27:colaad waxa ugu daran cadaawo qaraabo
28:colaadi yar-yaraysi maleh
29:colka kan ugu hor dhutiya uguma hor dhinto
30:colka waraf malagu dayay
😎😎😎
31:cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho
32:cudur ciro kulama sugo
33:cudur waa finfiniinkii geerida
34:cuno qarsade cayil ma qarsado
35:cuntadii aanad lahayn waa lagu daaca qurmaa
😎😎😎
36:cunto buuran meesha ay gashaana buuran
37:curad cawo lahaa ama cawri lahaa
38:curad baaqday ciil ma dhaafo
39:cibaado la'aan cadaabtaa lagu galaa
40:caradu dadka qaarkii caaq bay ka dhigtaa
😎😎😎
41:ciil yaxaas loo qabo ayaa webi loo uleeyaa
42:ciyaari waa gelin danbe
43:caano daatay barkood waa la caymiyaa
44:caano iyo biyo layskuma daro
45:caano waan jeclaaye markay dameero galeen ayaan nacay
😎😎😎
46:caano yar iyo ciidan yarba kolkii lawaayaa lagartaa
47:cadaabi meel qabow maleh
48:cadar xagaa ceel kaama furto
49:cadceed soo baxday calaacali ma qariso
50:cadaw meel dheer laga ma raadsho
😎😎😎
51:cadawgu naftiisa ayuu cadaw uyahay
52:cadaw caano macaanbaa cusbo loogu daraa
53:cadawga isaga noolow,ama cadawga u noolow
54:cadawgaa dhuux sakaaro ayaa loogu subkaa
55:cagtaada iyo calooshaada midna lama caasiyo
😍😍😎
56:cagtii joogsan weyda marbay ceeb la kulantaa
57:calaacal rag waa ceebtii
58:calaf waa intii calool gasha
59:calaf kuma seegee si xun ha u raadin
60:calafkaa cid waa kuu geeyaa laakiinse kulama heshiisiiyo
😍😍😎
61:calool-bugta iyo weji furfuran laysku waa
62:calool cirweyn waa dheregtaa laakiin il cirweyn baan dhergin
63:calool dheregsani calool baahan kama naxdo
64:calool dheregtay caqli ma leh
65:calool maran iyo hurdo macaan laysku waa
😍😍😎
66:calool ragi waa webi xagaa
67:canaani intaan dhagax iyo dheri ahayn ugama darto
68:canaani caruur ma koriso
69:canaani reer ma dhaqdo
70:candho laa curatay
😍😍😎
71:cayri caymo ma diido
72:candhoolay geela waa ku boqol
73:ceel nina waa qodaa boqolna waa ka cabtaa
74:cago jiid cadaysay
75:cantuugo weyn laguma dhergo ee cindi alle ayaa lagu dhergaa
😍😍😎
76:caqli gaalo iyo indho qudhaanjo midna lama arko
77:cilmigu waa caqli la biirshay
78:caqligii fayow jidh fayow buu ku jiraa
79:cimri tagay ceeb laguma sagootiyo
80:carab intay kaa shar badantahay ayay hana kaa khayr badantahay
😍😍😎
81:can dhuufaysi waa eray si kale loo yiri
82:ciil sokeeye kaagalay carabkaagaa lagu baxshaa ciil shihseeye kaagalayna cuduudaadaa lagu baxshaa
83:carraabo fadhibaa quusiyay
84:carrab-cunsur waa la dhawraa
85:ciir dhanaankaa lagu xushaa
😍😍😎
86:carrabkaaga waa faraskaaga haddii aad sii dayso waa kaa tagayaa
87:cilmi aan ku baree caqli lakaashado ma leedahay
88:caruur lama tuso waxaadan siin doonin
89:caruur aad is cayaar bartay addoon bay ku moodaan
90:caruurnimo waa ciil laga weynaaday
😍😍😎
91:casaan quruxi kama maqnaa
92:carrab iyo cadaab kaama naxaan
93:caws jiilaal qayb-qayb ayuu u bidaa
94:cay xun ninkeedaa iska leh
95:ciyaar lagama gaboobo
😍😍😎
96:cayr ceelna uma qodna cidna uma maqna
97:ceesaan ninkii weeydiinteeda kugu dhiba wadideedaa lagu dhibaa
98:ceel nin galay oo aan kaaga waramin waa dub iyo qolfoof
99:ceel geelka cabay calaamo leh
100:ceel ninkii galaybaa laga weraystaa.
DHAMMAAD

0 Comments