Qaybtii 5aad maah-maahyo ka bilowda xarafka D

 


1:dhagax biyo kuma qadhqadho

2:dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa

3:dhawrsato dariiqay isku nacdaa

4:dawaco meesha hilib uga baratay macaluul ugu bakhtidaa

5:daruur kastaa ma da'ado


6:deg-deg laga roon

7:deriskaaga mar ku diin, mar ku dayo, marna ka darnow

8:dardaaran cawaysin ka lah arooryuu leeyahay

9:damac badne dariiquu ku dhintaa

10:deeqdu wax laysasiiyo maahane waa sida laysu siiyo


11:deeqsibaa loo duceeyaa

12:dhagax intaad ku fadhido asaguna waa kugu fadhiyaa 

13:dhurwaa kan ciya iyo kan aamusa ka ciyaa roon

14:dad iyo dameeroba nin leh ayay u daaqayaan

15:dedaalaa waa gaaraa


16:derin haddii laguu fidsho docbaa lagaga fadhiistaa

17:deris kaa xumaaday todoba geed ayaa laga guuraa

18:deriskaa dentiisa ayuu ku baraa

19:dadkii hilib cayriinkiisa isku qabsaday ku ma doodaan maraqiisaa

20:deriskaa waa ilaalo aan laguu dirsan


21:deriskaa kuma cadeeyo kumana madoobeeyo ee sidaad tahay ayuu kugu sheegaa

22:deyn deyn kugud waa dhiig dhiig ku dhaq

23:deyn bixiye dirir ma gefo

24:deyntii gacantu bixisay lugtaad ku raadisaa

25:dayr iyo dumar midna deeqdoodu kaama haro


26:dayax 15 ah ku waday ama kaa waday

27:daka gaajaysan waxa halis u ah hogaamiye cir weyn

28:dayro hore deeq kama dhacdo

29:dhaan ll kala haboon

30:dhadhan biyo meel oon leh ayaa lagu bartaa


31:dodaa uga ma darto doodiisu koluu wan ku helana

32:dayaxa haddi lawaayo xidigaha ayaa lagu socdaa

33:dhagarow ma liibaano

34:dhagax dhunkasho iyo dharbaaxo waa isugu mid

35:dhagax iyo ukun meel mawad galaan


36:dhalasho barbaarinbaa ka horeysa

37:dhaliili waa ninkii leh

38:dhallaanka kolkaad dhoolkaaga tustid dheertooda ayay ku tusaan

39:dhallaan qaylada waa qamuunyada

40:dhallaan dhabarkaaga ogol ayaa dhabarka lagu sitaa


41:dhallaanka libaaxa ah wa alibaax

42:darajo waa laba dalab oo layska dabo sido

43:dhalinyaro waa rajo ku nool waayeelna waa waayo ku nool

44:dhalinyaro waxaa ah ruxaan rafaad arag

45:dagaal waayeel ka dood


46:dhar magaalo waa la xirtaa laakiin dhal magaalo lama noqdo

47:dhaxal goroyo dhibad baa leh

48:dhaxal nin leh lagama dhawro

49:dhayda dhan xoorku hakuu soo dhacee

50:dheg haddi lagooyo daloolkaa hadha


51:deegaanka lama huraanka ah waa kan aakhiro

52:dhagax meel dhawbuu ku dhacaa dhawaaqna meel dheer

53:dhalasho iyo dhabe geel ma guuraan

54:dhegta iyo isha dhegtaa da'a weyn

55:dhegtaada dhalin waa kaa la fac dhegaysina waa ka dheer tahay


56:dherer iyo duq laysku waa

57:dheri buuxa dheri madhan laguma dhufto

58:dheri la kor taagan yahay ma karo

59:dheriga karka kulay baa ka keena

60:dheri ninkii u dhawbaa dheef kala baxaa


61:dhibta dheefbaa kadan baysa abaarna aaran

62:dhib waxaan loo marin dhayal laguma helo

63:dhibaato dhibaato laguma gudo

64:dhibkaad dhawrtaa dhashaaduu sugaa

65:dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtii


66:dhiig bixi doonaa dhafooro kuma jiro

67:dhiigu hadduu yimaado dhirbaaxo lama raadiyo

68:dhabaq-dhabaq badan dhaban hays badan bay leedahay

69:dhul dheg maleh laakiin dhagar qabaa ka buuxa

70:dhul iyo wax la dhalay baa loo martiyaayay


71:dhul jidbaa ka toosan dadna kii qaada

72:dhul nin dhintay iyo nin noolba waa deeqaa

73:deeq wax lagama shhego

74:dhuumasho dhabarku muuqdo dhuumasho maaha

75:dhuxul huraysaa iyo nin sharbadanba hareerahooda ayay shidaan


76:diini waa waano waanan weelkeedu waa calool caloolna hadaysan culnayn waa caabuqdaa

77:diinku ilmihiisa daymo ayuu ku koriyaa

78:diiq qayliyay isgaa dawaco uyeertay

79:diiqba diiqbaa tunka ka rifa

80:duqsi biyo ku dabaal bartay fuudbuu ku bakhtiyaa


81:dadnimo ayaa darajo ka horaysa

82:dirxigu dantiisa ayuu qudhunka ugu jiraa

83:doofaar ficil la'aan baa loo cadaabaa

84:doon laba naakhuude lahi way qarqoontaa

85:doqonbaa la duufsadaa


86:dadku waa isku muuq haddana waa ka la maan

87:doqon faras looga degay ha noqon

88:doqon gari magasho

89:doqon haw gargaarin hana gargaarsan

90:doqon hadak xunbaa ka dhaca dameerna hilif


91:doqon lagama naxo

92:doqon hubkeedaa lagu dilaa

93:doqonay dabkaa ba'a

94:doqon adeerkeed aabaheed ma moodo

95:doqon iyadaa qool is gelisaa


96:doqon calaf maleh

97:doqoni kibir kama dheregto

98:doqoni haddii la xifaaltamayo in lakala tagay bay mooodaa

99:doqon meeshii lagu dagaalamay waa ogayd laakiin meesha lagu heshiiay ma oga

100:doqon qiiqa kama kacdee daamakay meer-meerisaa. 

Post a Comment

0 Comments