1:dhoolacadee maxaa yeelay waxa ay dawakhinaysaa dadka waaney ka fududahay inaad sharaxdo waxa gudaha ka gubaaya
2:haddii aad shay ku fiican tahay bilaash haku qaban
3:way igu qoslaan maxaa yeelay waan ka duwanahay,ana iyagaan ku qoslaa maxaa yeelay dhamaantood way isu wada eegyihiin
4:Qalinku dhab ahaantii wuu ka awood badan yahay kalmadaha
5:waxaan umalayn jiray in ay noloshu tahay masiibo,laakiin imika ayaan ogaaday in ay ahayd maad
6:markay kuu la dhaqmaan si kaftan kaftan ah adna uga dhaqaaji si qosol qosolaa
7:markaad ku bedesho fikradahaaga xun xun ,fikiro wanaagsan waxaad heli doontaa natiijo wacan
8:ku hareere naftaada dadka wanaagsan, waxaad noqon doontaa qof wanaagsane
9:bedel fikradahaaga waxaad bedeli doontaa kalmadahaage
10:beegso dayaxa xataa hadaad seegto,waxad ku degi doontaa xidigaha
11:waxay u samaynaysaa noloshaada farqi aad u weyn markaad ahaato qof wannaagsan
12:bedel caalamka adiga oo ah naftaada
13:ahawo mar walba mid jeclaada naf balse maaha weji
14:qofka ugu khatarsan waa midka aamusan
15:majiro qof kaa qaadi kara xanuunka,haddaba qofna ha u oglaan inuu kaa qaado farxadaada
16:Inta aanad weydiin sabab ma ayuu qofkuu kuu neceb yahay weydii naftaada maxaad udanaynaysaa
17:indhaha ka xanuunso balse wajiga ka dhoolacadee
18:ha ilaawin kii ku caawiyey waqtiyadaada adkaa
19:xanuunku waxa uu qaabeeyaa qofka geesi
20:ma jiro qof ka cabsanaayo in uu ku waayo,haddaba adigu maxaad uga cabsaanaysaa in aad iyaga weydo
21:masax xasuusahood si aad u maxsaxdo historyga-browserkaaga
22:mararka qaar waa in aad dhageystaa maskaxdaada in ka badan qalbigaaga
23:U soco si aad tahay boqor ama aanad danaynayn ka boqorka ah
24:Aamin waxaad dareento maaha waxaad maqasho
25:Quruxdu waa waxa aad ka dareento naftaada maaha waxaad ka aragto muraayada
26:waxa jira laba qaybood oo xanuunka ah: mid wuu ku dhaawacayaa, midna wuu ku bedelayaa
27:markaad is dhiibto waa markaad qof kale u ogalaato in uu guulaysto
28:ma ku necbi balse waxaan waayay ix tiraamkaagii
29:dookhyadaydu waa sida finger printga oo kale waxa ay iga dhigaan mid ka duwan
30:hadhihin laga yaabaa haddii aad doonayso in aad tidhaahdo maya u dheh si cad maya
31:ha dhegaysan kuwa keliyee arka qaladaadkaaga
32:adigu ima fahmi doontid maxaa yeelay heerkaaga ayaa hooseeya
33:u jawaab si degen waayo majiro qof ixtiraama kuwa u jawaaba si deg-deg ah
34:noloshu waa sida bandhig tv oo dheer kasoo aan lahayn remote lagu maamulo
35:dadka qaar waxa ay hadda jilayaan sidii in ay isku dayayaan in ay doonayaan in ay ku caawiyaan
36:albaabkaygu mar walba wuu furanyahay haddaba xoriyad dareen si aad u tagto
37:haday ku cabsi geliso waa calaamada aad uga baahantahay in aad ku qabato
38:haday ku dhaawacaan ama ku khiyaamaan,ha weydiin sababma balse ku dheh nabadeey
39:Qeex dareenkaaga maxaa yeelay noloshu way gaabantahay inaguna ma akhrino maskaxaha
40:mid kastaa wuu tagaa dhammaad midna wuu doortay midna wuu ku qasbanaaday
41:nolasha waxa kabuuxa niyad jab imkana waxaan kuugusoodaray liiska
42:qofkastaa wuudoonayaa in uu gulasto inyarbaa ushaqaysata
43:waxaan leeyahay wajiyo badan laakiin adiga waxaan kutusi kakuu qalma
43:waxaan unoolahay habka aan jecelahay habka aan unoolahay waan jecelahay
44:macno maleh inta jeer ee adag ee aad isku dayda mararka qaar isma bedeli doonaan
45:dadku ma awood badna balse waa adiga ka ku dhawaaqay in ay naftaadu daciif tahay
46:waxaan bartay dadka in ka badan intaan jecelahay aygayga
47:marka u jeedadaaadu cadahay ma weydid dadka balse adiga ayay ku waayaan
48:macno maleh sida ay xaaladu u adag tahay way isbedeli doontaa maxaa yeelay ma jiro shay weligii sii joogaya
49:ha ilaawin laba shay siduu qofku kuu ladhaqmay iyo wuxuu ku yidhi
50:samee waxaad doonayso jooji inaad diyaar unoqoto dadka waqti kasta
51:kama guulaysan kartid cabsida ilaa aad noqoto cabsi
52:markaad aragto qof inbadan kula doodaya ogow inuu ku jecel yahay
53:markaad aragto qof aan cidnaba danaynayn ogow inuu wax badan qalbi jabay
54:markaad aragto qof si deg-deg ah u hadlaaya ogow inuu qarsoon yahay
55:markaad aragto qof wax badan seexanaaya ogow inuu xanuun dareemaayo
56:markaad aragto qof inbadan ku qoslaaya ogow in uu murugaysan yahay
57:hadaad aragto qof markasta u dhoolacadeynaaya si joogto ah ogow in uu yahay qof aan kibir badnayn oo qalbi nadiifa
58:hadaad aragto qof in badan ooyaya ogow in uu yahay qof wanaagsan
59:Qofna naftaad haku qasbin qofna yaanu isku kaa qasbin
60:inaad keli noolaato ayaa ka fiican inaad ku noolaato bedel ahaan
61:hawaayin naftaada adiga oo isku dayaaya in aad ilaaliso qof aan danaynayn waayitaankaaga
62:inaad ku tiirsanaato usha ayaa waxay ka fiicantahay inaad ku tiirsanaato qof aan ku doonayn
63:qofka ku jecel waxa uu kuu samayn doonaa waxa gacantiisa ku jira si uu kaaga farxiyo,balse ka kaadhigay inaad oydo arinkaaga ma danaynayo
64:markaad dhib ku jirto kuma fahmaan ilaa labo mooyee:
1:mid xaaladaada ayuu soo maray
2:midna wuu ku jecelyahay
65:ha quusan markaad weydo qof ku jecel
66:unoolow taada waxaan joognaa caalam aan laga helayn mid wanaagsan
67:ha quusan waxa aynu noqonay caalam uu ka buuxo niyad jabku
68:cidna haku kalsoonaan caalamka heli maysid mid u qalma kalsoonidaada
70:ilaali cida kugu kalsoonaatay adiga oo aan iyaga ku kalsoonaanahayn
71:waxaad tahay qof wanaagsan ugu noolow noloshaada sidaad rabto haka dhigin mid iyadu kugu nool
72:geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee maaha qofka oo ay cabsidu ka guurto
73:saaxibka beenta ahi waa sida harka oo kale had iyo jeer wuu kula socdaa xiliga aad iftiinka ku jirtid laakiin waad waayaysaa markaad mugdiga gashid
74:waligaa kuma noolaanaysid nolo farxad leh hadii aad ka welwelaysid waxa ay dadku kaa aaminsan yihiin
75:waxaan bartay in aysan muhiim ahayn"maxaad hada haysaa" laakiin ay muhiim tahay "xaggee daqiiqadaan ka dib rabtaa inaad gaadhid
76:intii hankaagu jiro ayay dadnimadaadu jirtaa
77:qurux maleh inaad leedahay waji nuuraya laakiin waa inaad leedahay maskax iyo qalbi qurxoon
78:farxadu waxa ay kaa dhigaysa mid qurxoon oo lajeclaysto,isku day inaad abidkaa faraxsanaayid
79:waqtigu waa khayraadka kaliya ee aad haysatid nolosha waxaad go'aan ku gaari kartaa halkaad ku bixinyasid khayraadksi hubi halkaad ku bixinayso iyo sidaad u bixinayso
80:masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yidhaahadaa ficil,hadaba la imo ficil si riyadaadu ay isugu rogto run
81:tuugu waa ka kuxada dilaagu waa ka ku dilaaya laakiin beenaaluhu malaha weji loogu soo hagaago
82:qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan
83:taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaaya qofkaad tahay,laakiin adiga ayaa ka masuula qofkaad noqon doontid mustaqbalka
84:waqtigu wuxuu go'aamiyaa qofkaad lakulmayso nolosha,qalbigaagu wuxuu go'aamiyaa qofkaad rabto nolosha, laakiin dabeecadaada iyo dhaqankaagu waxa ay go'aamiyaan qofka kula joo gaya nolosha
85:dulqaadku waa geed qaraar oo soo saara midho macaan
86:kasbo inta aad awoodid bixi inta aad awoodid kaydso intaad awoodid
87:nasiibku waa markay kulmaan diyaar garowga iyo fursadu
88:balan kastaa waxa ay leedahay qiime
89:lacgtu waxa ay kuu goyn kartaa daawo laakiin kuuma goyso cafimaad
90:dad ayaa waxa ay iska dhigayaan waxay san ahayn markaas waxa ay ilaawayaan waxa ay ahaayeen waxaana luma awoodoodii
91:noloshu waxa ay aadka ugu dhowdahay dhimashada
92:markii aad dhalatay waad ooyday aduunkuna wuu farxay unooloow sidii markaad dhimatid aduunku kuugu ooyo adiguna aad ufaraxsanaatid
93:waqtigu wuu ku gaabiyaa kuwa suga wuu ku dheereeyaa ku wa ka baqa wuu ku dheeryahay kuwa murugooda wuu ku gaabanyahay kuwa faraxsan , laakiin kuwa jecel waqtigu waa daa'in
94:macnaha noloshu waa in nolosha macno loo yeelo
95:qofka aan lahayn hadaf waa sidii markab aan raadaal lahayn
96:maalin kasta waa fursad aad noloshaada wax uga bedeli karto
97:orod,soco,ama guurguuro laakiin isku day inaad gaartid bar tilmaameedkaaga nolosha
98:haddii aanad ahayn qoraa anfaca,dadka noqo akhriste anfaca naftiisa
99:waxaa fiican in aan wax u cuno si aan u noolaano laakiin aynaan u noolaan si aan wax u cuno
100:akhrisku waxa uu jidhka uga dhigan yahay sida uu jimicsigu uu jidhka uga dhigan yahay.
Akhris wacan akhriste lasoco qaybaha kala duwan ee bagekeena isku soo noqod dambe insh'allaah

0 Comments