50 Sharci Oo Noloshu Leedahay Oo Ay Tahay Inaad Raacdo Si Aanay Kaaga Burburin | Xikmado Cajiib Ah

 50 Sharci Oo Noloshu Leedahay Oo Ay Tahay Inaad Raacdo Si Aanay Kaaga Burburin | Xikmado Cajiib Ah





1:Qof kasta oo guulaysta waxa uu leeyahay sheeko xanuun badan,sheeko kasta oo xanuun badana waxa ay ku dhammaataaguul,aqbal xanuunka una diyaar garow guush.

2:Adigu diirada isa saar dadku way yimaadaan waanay tagaan.

3:Haddii aanad kaantaroolin maskaxdaada qof kale ayaa ku kaantarooli doona.

4:Mararka qaar ayaa wax yaabaha qalbigaaga jabiya ayaa haddana waxa ay ku danbeeyaan inay hagaajiyaa aragtidaada.

5:Kalinimadu waa qiimaha aad bixiso markaad bilowdo inaad horumariso naftaada.


6:Isku faan waxaad badbaaday maalmo badan oo aanad marnaba ku fikirin inaad badbaadayso.

7:Qof kastaa kuma jeclaan doono taasina waa nolosha.

8:Jooji inaad dadka wax kasta u sheegto ,qaarkood madanaynayaan ,qaarkoodna si sir ah ayay urabaan inaad guul daraysato.

9:Noqo qof naxariis leh balse haw oglaan in ay dadku ku isticmaalaan (kaaga faa'idaystaan).

10:Waxaa fiican in lagugu naco waxaad tahay halkii lagugu jeclaan lahaa waxaanad ahayn.


11:faqiir hanoqon intaad isleedahay taajir u eekow.

12:ka fogow dadka ku dareensiiya kelinimada wehehl la'aan ayaa ka fiican wehel xun.

13:la heshii wixii hore ee ku soo maray si aanu kaaga khalkhalin waqti xaadirkan aad taagan tahay.

14:Ha barbardhigin noloshaada dadka kale sababta oo ah wax fikrad ah kama haysatid,waxa uu socdaalkoodu gebi ahaanba ku saabsan yahay.

15:mararka qaar waad guuleystaa mararka qaarna waxbaad barataa.


16:Haddii aanu qofna ku caawin keligaa qabo.

17:Si dhab ah u tix geli dhaqaalaha noloshaada ,lacagtu waxa ay difaac u tahay caqabado badan.

18:danayste bakhayle ah ku ah waqtigaaga sababta oo ah dad badani uma qalmaan.

19:Waxa ay dadka kale kuu maleeyaan,adiga shaqadaada maaha.

20:Dib uma noqon kartid oo ma bedeli kartid bilowgii,lakiin waxaad ka bilaabi kartaa halkaad joogto waxaanad bedeli kartaa dhamaadka.


21:In aynu keli ahaana waxa ay ina siisaa fursad aynu dib ugula xidhiidhno nafaheena.

22:Mararka qaar waxaad u baahan tahay inaad joojiso wanaaga aad dadka ka dhex arkayso,oo aad bilowda inaad aragto waxa ay sida caadiga ah kuu tusayaan.

23:Noloshu aad bay uga gaaban tahay inaad waqtigaaga ku lumiso inaad cid necbaato.

24:Waqtigaagi kuugu mugdisanaa ee kuugu qotoda dheeraa ,waxaa laga yaabaa inuu ahaa wixii ugu fiicnaa ee abid kugu dhaca.

25:Haddii aanad wax weydiin wax heli maysid.


26:Qof aan lahayn geesinimo ku filan oo uu khatar ku qaadaa waxba ku guulaysan maayo nolosha.

27:Ha aaminin erayada aamin ficilada.

28:Axsaan naftaada u samee oo taajir lacagta ayay noloshu la fududaataa ee waqtiga lama fududaato.

29:Hadaanay ku qadarinayn kuuma qalmaan.

30:Si aad uga fogaato niyad jabka qofna waxba haka rajayn.


31:Qof kastaa wuxuu kuu imanayaa waqtigii ku haboonaa,samir yeelo oo aamin habkay wax u socdaan.

32: Ka fogow xanta wax kasta oo ay kugu qaadataba,waxay sun ku tahay maskaxdaada.

33:Waqtiga ayaa badanaa cadeeya halka uu qofkastaa taagan yahay.

34:Welwelka iyo cadaadisku waa ku meel gaadh,balse casharadaad ka barataa waxay waari karaan noloshaada oo dhan.

35:Haddii uu qof isku dayo inuu hoos kuu dhigo,horaabu qofkaasi kaaga hooseeyaa.


36:Lacagtu maaha wax kasta nolosha balse waxay kaa caawin kartaa inaad dhibaatooyin badan xaliso.

37:Ha qoomamayn inaad qalbi fiican yeelato,dhamaan waxyaabaha fiican dibay kuugu soo noqdaan waanay sii bataan.

38:Dambi haku dareemin qabashada,waxa adiga kuu fiican.

39:U dooro saaxibadaa si caqliyaysan,habka ugu dhakhsaha badan ee lagu fiicnaadaa waa inaad naftaada ku hareerayso dad fiican.

40:Dedaalkaaaga ugu badan samee habka ay wax u socdaana aamin, inta badan ee aad si adag u shaqayso waa inta badan ee nasiibkaagu badanaayo.


41:Weligaa ha odhan waa laga yaaba haddii aad rabto inaad tidhaahdo maya.

42:Xushmada aad naftaada u haysaa haka xooganaato dareenadaada.

43:Habka ugu fiican ee aad naftaada u xushmayn kartaa waa in aad naftaada edbiso.

44:Haddii aad tahay qof wax bixiya,xasuuso inaad barato xadkaaga, sababta oo ah kuwa wax qaata ma leh xad.

45:Waqtigaaga haku bixin sharaxaad,dadka waxa ay maqlaan oo kali ah waxay rabaan inay maqlaan.


46:Aqbal dhaleecaynta balse waligaa ha aqbalin ixtiraam darada.

47:Weligaa haka quusan waxaad dhab u rabto,way adag tahay in lasugaa balse waxaa ka sii adag in la qoomameeyo.

48:Markaad cadhaysan tahay aamus.

49:inta badan ee aad degan tahay waxa ay badinaysaa, in aad si waadax ah u fikirto.

50:Nacaybku waa habaar aan saamayn ku yeelan cida la necebyahay, wuxuu sumeeyaa oo kaliya qofka wax neceb,iska saar calool ku haynta sidii oo ay tahay sun. 


Post a Comment

0 Comments