Abwaan Hadraawi | maansadii DabaHuwan

 


Markey dani meeday tidhi

Maxaan talo meel kadayay

Markey dani maaha tidhi

Waydiiyey qof meel ka dayey

Markey dani maaha tidhi

ku laabtay halkaan ka dayey

Markey dani maaha tidhi

Kasii dayey meel la dayey

Maxay doqoniino tidhi

Ruuxaan jirin raad ku doon


Itaan isku duubay been

Ka buuxsaday labada dacal

Maxay runi daadi tidhi

Maxaan arin dawlis dhaw

Ma diido la soo qorqoray

Ku daabacay baal madow

Ku daawaday meel madow

Waxaan duluc sii ridnayn

Indhuhu ku daraandareen

Maxaan dogob beer is idhi


Daruuru usoo sasabay

Daryeelka ku maal is idhi

Biyuhu uga sii dareen

Waxaan deg-deg jeer ku liqay

Maxay shishe ii damqeen

Kashayda dalooshadeen

Muxuu hadba shay dellegan

Dareensigu soo tuf yidhi

Umuuraha duur xulka ah

Duunkayga maxaan qodqoday


Weydiiyey su'aal da'a weyn

Dibnuhu iga aamuseen

Dal xiis maxaan bilqaday

Maxaan farax deeddankii

Maxaan sida daad jirfaday

Maxaan hadba daaf qulqulay

Maxaan hadba deex susumay

Maxaan deli jeer ka dhacay

Maxay jarar soo dedelan


doolaaladu fuul itidhi

Dushooda markaan ubaxay 

Ha soo degin laygu yidhi

Maxaan dihin weel lagalay

ku dayga maxaan ummuur

daboolka ka qaad is idhi

cabsidu iska daa i tidhi

indhuhu dib usoo noqdeen

maxaan dilay doog lingaxan

hal daahan maxaan furfuray


inaan dib u sii xidhxidho

garaadku ku daalay yidhi

maxaan dardaraa habeen

anoo daba jooga raad

dedaalku isoo xidhxidhay

dakaanka anoo jiljilan

muxuu dayax soo mirkacay

degaan kale ii furfuray 

dayaan igu soo gilgilay

maxaan qoday doox sal weyn


maxaan helay deeq mug weyn

wuxuu dad jeclaan lahaa

u waayay wax soo daldaln

waqtigu boqol docsnaa

dersuu kugu beerayaa

durduur kugu siinayaa

dardaaran adoo qabuu d

dedaal kugu beerayaa

dil buu kugu oogayaa

markaad deldelaad gashuu


hadana kugu diidaya 

Doraato siduu ku yidhi

intuu ku diruu haddana

dabbaal kugu shhegayaa

rugaha dunidaa busho ah

indhaha deyayaa xujo ah

docaa laga eegayaaa

deymaa lagu eegayaa

danaa laga eegayaa

u danaa cidbaa taqaan 


ka danaa cidbaa taqaan




ta doorana rabbaa yaqaan

ka dooro adaa yaqaan

dil-dilo rogan baad tihiin

sidaad isu doorisaan

ayaad isku doorataan

markay  dahatay dhul tahay

markay dihatay dhir tahay

markay duhur tiigsi tahay

ayay dalandool caddahay

dufbay ku sarbeeban tahay


dabay ku aloolan tahay

lafbaa diirkeed qodnay

dal iyo magac bay lahayd

dad iyo mudan bay lahayd

duuniyo mahad bay lahayd

diin iyo dhaqan bay lahayd

duug iyo dhaxal bay lahayd


dan iyo tacab bay lahayd

dedaal xejiyay lahayd

xadhkiyo dabar bay lahayd

aqoon durugtay lahayd

xil daacada bay lahayd

duleed jiratay lahayd

duggaal hanatay lahayd

daw iyo marin bay lahayd

dareer taxan bay lahayd

dardaaran cad bay lahayd


dabool adag bay lahayd

digtooni horey lahayd

dabaylo haday ruxaan 

durbaan weriyey lahayd

awaal deyis bay lahayd 

dawiyo kabashay lahayd

xidhiidh dagsan bay lahayd

dagaag sharafay lahayd

ducoiyo nabad bay lahayd

dareen xidid bay lahayd


xurmiyo daris bay lahayd

duliyo magan bay lahayd

caqiibo danbay lahayd

han iyo dugsashay lahayd

deeq iyo hiroshay lahayd

duddiyo gacal bay lahayd

xishood dedan bay lahayd

dux iyo sodoh bay lahayd

dumaashi dhan bay lahay

dad kala guran bay lahayd

rag iyo dumar bay lahayd


nin door taliyey  lahayd

marwiyo degel bay lahayd

duq iyo garashay lahayd

haween darbban bay lahayd

barbaar diiran bay lahayd

habliyo dardaray lahayd

halyeey diriray lahayd

darmaan boqran bay lahayd

duud iyo oday bay lahayd

da'weyn iyo da'dhexay lahayd


da'aad yaryar bay lahayd

is daadihin bay lahayd

daryaale cad bay lahayd

dalaandaliyey lahayd

horweyn dal maray lahayd

irmaan dararay lahay

hal iyo dalawey lahayd

wan dool culus bay lahayd

sal iyo daab bay lahayd

dallaayad sarey lahayd


shiishiiyo duluc bay lahayd

wixii dumey bay lahayd

iskuuladu waa dayeyn

dammiinnimaday dhigaan

dartay uma soo lug go'in

duruustuu falkay tiqiin 

xaq bay garba duubayeen 

diintay gibil saarayeen

waxay dedayeen amuur

dibteedu dib iigu tiil


waxay doc faruurayeen

dadaal abid soo taxnaa

xafiisyadu waa dullayn

dulmay ka horseed yihiin

dikteetaraday dhalaan

direyska wedkay tolaan

dardaaran shishay qabeen

dalkay shil u logayen

dadkay u shidheynayeen

dardaaran werin meel u tiil


xadhkaha doqon kay tolaan 

naftay damac raaciyaan

waxbay daba qaadayaan

qofkii biyo diid yaqaan 

darleefyey ninkay baraan

sagaashan dabeecadood

hadday kol ku soo degaan

dihaal iyo saar gumeed

ma aamino deeq ka weyn

intay laba duul dhintaan


dukaamadu waa nuuxuus

sun iyo dacar bay hayaan

daraandariyey hayaan

dareen xagatay hayaan

dalaaqada tusmay hayaan

waxay demesh soo rogeen

waxay diric raacayaan 

durraaxada u heesayaan

waxa lagu doonayaa

waxa aanan u daafad hayn

waxaan diro lay carree


wax soo degay lay cusbee

ka dooro intaan lahaa

ka sii dar intaan lahaa

ku sii dil ayuu lahaa

ninkii digashada badnaa

daaruhu tayi waa ka gaal

dulmay taran leeyihiin

bar duunyo ah waa ka caydh

waxay ku dul nool yihiin

nin daaqsada xoolo nool

dubaha fakhrigay tumaan


waxay derbi jiifiyaan

barbaarkiyo doobka nool

carwada dibjirkay dhallaan

haday kugu soo durkaan

ducaa laga hoos galaa

maxay damel weyn shiteen

maxay qudhac deebiyeen

waxay dab sudheen dhirtii

dhulkay midab dooriyeen

bal eeg dagalkii hufanaa


bir iyo waxa daasad yaal

bal eeg dalkii xalaa

waxay lafo daadiyeen

shilbaa dunidii ku dhacay

daacuun halisaa ku fiday

duufaan siman baa la tagay

doofaarada aan gudneyn

diinlaawaha gaalku dhalay

maxay dulin faafiyeen

maxay sama duudsiyeen

maxay godob daaqsadeen

maxay denbi xoogsadeen


maxay dabar soo xardheen

maxay dabin soo shaqleen

danbeed maran soo asleen

waxay dumiyeen aqoon 

ilaa dura soo taxneed

waxay demiyeen ilays 

u daaran qof meel lahaa

waxay kala daadiyeen 

daryeel isu dheeli tiran

naf daahira bay legdeen


docdeeda xun bay dhiiriyeen

dan bay canlabeebiyeen

dawgeedu xidhiidhsanaa

waxay iga soo duween

jidkaan isku daawan jiray

waxay dibad yaaliyeen

nin tiisa u door ahaa

in loo dawaray rabeen

da'adiisa nimaan baryeen


waxay ka dhigeen dadkii

af iyo labadiisa daan

dusuud madhan bay dhigeen

halkii beri doobi yiil

waxay dambas toomiyeen

rugtii digo loo yiqiin

duxdii noloshay tireen

waxay debciyeen naftii

waxay dacwadheen hankii


waxay isku soo dareen

dadkii kala caaganaa

intii gabadh diid ahayd

daf iyo kaman baa la tagay

dhulkii darrimaha lahaa

deegaankiyo baadku yiil

dabaylo cas baa kakacay

dorraatiyo guulihii 

dallaallimadii dhisnayd

wixii dalag meersanaa


duul qaxay baa ka hadhay

wixii dulglaa ka nool

dibnuhu dhubbad qaadayeen

dagaalkuu sal buu lahaa

daad soo jabay baan intaa

gacmaha ku dabaal lahaa

anigu dirir maan hanbayn

doodayduna may hinnayn

hubaa lagu diidanaa

waxay igu soo dabreen


halkay ila doonayeen

daleel madhan baan tubnahay

sas iyo dala'aasan qabaa

dareen dhidar baan gashaday

dugaag falan baan qorrahay

daaraantuna way fogtahay

duullaankuna waa sidii

cidlaan dildillaamayaa

hadaad liqday daacadii


adaa damacow yaqaan

sidaad uga dayn baxdee

wixii dumadaad jir

 ku sii dar tu kaa daran

cilmigan dib u heego dhaca

ciligan dul ka xaadiska ah

cilmigan samdawdarka ah

caqligu ka daboolan yahay

bukaankiyo daafka qaba

guumaysigu diin u yahay


ilaah lagu diidan yahay

islaam la dagaalka ah 

danaysigu ka weel ka yahay

dirsoocu u aabe yahay

daandaansigu guul yahay

dabkiyo wada hawsarka ah

dilkiyo wada dhhig cabka ah

duullaankiyo boobka jecel

cilmigan dalandoolka badan

damiirku ka meydka yahay


khansiirka iyo duufka cuna

dilaalkiyo tuuga dhala

daydayga iyo jeelka qaba

wanaagu ka dayro yahay

xumaantu u dooran tahay

dadkiyo simay xoolihii

raggiyo dumarkii furfuray

intuu dumarkii si baday

raggii dumar qaar ka dhigay

af-duubkiyo qoolka taxan


run baa lagu daahayaa

dijaal korayaa qarsoon

dalaal iyo been madow

ninkii run ku doonayow

abuurtu dumaal miyaa

ma duur iska beermay baa

ma baadi iska dibbootey baa

dawliil iyo quus miyaa

ma buur lagu daalayaa


ma boog damaqdaa wadnahaa

ma shay laga daawadaa

garaadka qof daymo dhow

ma daarwiin siduu yidhaa

daan yeer nin kasoo farcamay

ma suu u dareemayaa

miyaanay dastuur lahayn

kitaab iyo diin lahayn

miyaan laga sii danbayn

sidii daraygii miyaa,


midhii daraygii miyaa

duudduub ku liq yaa ku yidhi

nin diiday inaad run tahay

ku dooday inaanad jirin

rabbow dunidaada bilan

dunteeda ma sheegi karo

daayeerka waxaa ka yimi

waxaan ,dad haboon ahayn

innagu dir kalaynu nahay

duudkii nebigaynu nahay


deeqdii rabbe beynu nahay

xil iyo derajaynu nahay

dar loo buriyaynu nahay

ka sii daray baynu nahay

ilaah ka durkanu nahay

islaam dilan baynu nahay

dugaag u dhacnu nahay

ka daadatay muskaynu nahay

ibleys didsadeynu nahay


doofaarada aan gudneyn

u doortay runtaynu nahay

xaqay garbba duubayaan

ku diirsadaynu nahay

diin laawaha gaalku dhalay

ku dayday ayaynu nahay

dayeysan ayaynu nahay

sidee duni loogu lumay

maxaa dad ku soo lig go'ay

maxaa ku hungoobay duul


diihaal kula soo dhex dhacay

maxay nin u deexataa

Iadaan ugu duur xushaa

hadhow xagal daacisaa

maxaa deg-deg wiil ku yimi

dusheeda ku foos burburay

maxay doqon loogataa

maxay laqan dooxataa

maxay danab liicisaa

maxay sado daadisaa


maxay amar duulisaa

maxay dardar loodisaa

maxay diric quusisaa

maxay kibir daalisaa

maxay damac beenisaa

maxay nin dabbaal yaqaan

dalluun ku waaribisaa

maxay daldaloolisaa

deeqdeeda hadhuub lahaa


maxay lur u sii dirtaa

ku sii dar ninkii yaqaan

maxay dab ku sii shiddaa

ninkaanay daawayn karayn

adduunyadu waa daryeel

daryeel wixii ku nool

dad bay magantiisa tahay

dardaaran cad baa ka yaal

daymiyo garoshay rabtaa


hog loo dayo bay rabtaa

runtaada qofkii duwaa

xaquu kaga dayro yahay

dawgeeda haddaan la marin

daliil rabbi looga dhigin

deynkeeda waxaad guddaa...........

















 


Post a Comment

0 Comments