Maansadii " DARAJO " ABWAAN XASAN DHUXUL LAAB SALAAX






 darajiyo karaamooy

marna deeq ilaaheey

marna duubka sharaftaay

guuleey dagaal badan

qof allaa ku daydaya

damac laa ku raadsada

dadaal baa ku soo hela

qolof diin yeeshoo


damqashiyo ax daayaa

dulqaad kugu ilaashee

kuma sido nin dabacsani

libta laysku dacaree

mana waydid dib uride

marka aad ku durugtaba

dabra himiladaadee

noqo ruux daluuntiyo


hadba dabinka hoos yaal

dusha sare ka garan kara

qasab maaha inaad guulaystaa

waxaase qasab ah inaad isku daydo

inaad guulaysato duni aad ka tahay boqor 

haka noqon qof dayraa


dahabaad udhalatee sida maar ha  doorsmain

karaamaad ku dadantee sida duunyo haw lumin

adigoo dal hagi kara aduu ha isla daadagin

dhaqtu way da'wayn tee magacaaga diib mari


taariikh baa danbeysee haka tegin wax lagag dido

waxa uunka kugu dara dar alle gob kaa dhiga nusamaanta weeyee

noqo ruux ka daahira waxa sharafta


kaa dila oo mudan ku dayashana

 mar inaad wax doontiyo

 mar inaad wax diidaa mar in aad wax daysiyo

mar in aad wax damacdaa

kolba waa duruufaha

go'aanada dabraayiyo


waayahaad la daris tahay

docda aad ka joogtee

daliilkaagu yuun noqon 

danigiyo malayn tee

qorshe yeelo kuu danna

qofna dunida muu

dhalan isagoo haldooroo


dadku wada qiraayoo

xidhan duubka sharaftee

waxaa ruux ka dhiga

dayax duni wada

iftiinshaa dadaalkiyo

aqoontee hanku yuu

dib kuu dhigin


qof hadaad is dirirtaan 

isna xoog lagugu diro

hal mar baad ku dagan

tee waxa duubi feedhkii

duulaan ka sii culus

maskaxdoo lagugu dilo

duxda waano maqalkaa 

dar alee xambaartee


marka ruux dantaadiyo

kuu akhriyo duruusaha

dareenkiyo dhagaha furo

 marka ruux ku durayaa

dhaliishaada day-dayo

is difaac xalmaahee

u adkayso deel qaaf

hadii lagula dabo galo


 xumo lagula daydayo

ha qaniinin dibintee

u dulqaado aadmiga

marka wax laguu sheegayo dhagaysiga ku fiicnow

marka lu dhaliilayo dulqaadka badi

marka lagu eedaynayana

samir iyo adkaysi yeelo


marka deeq laguu huray, 

ahay hoo idaba soco

dookhaagu waa dookh

nin ku dilay kiraystee

yaan duunyo xilashadu

kaa ridin daluuntoo

duruufuhu la haystiyo

wax ma diide  kaa dhigan

danlay iyo adoon noqon


baahi ruuxa lagu dago

marna doonis ruux kale

ha u gelin dunuubtoo

dadka ha isku waayina

fusho taada daayacan

qof dunuub la haajiray

dumay oo qubuur galay

mar kaleeto dagalkiyo

iman maayo dunidee

dayashada qof liitiyo


duligu ay tix raacyee

waxaa darajo hoos maray

ka damiirku meyd yahay

dusha qolofku nool yahay

ee xumaan ku daba galay 

yaan dulqaadku kaa dhigin

qof damiirku meyd yahay

fudaydkuna adoo dagan

magacaaga yuun dilin

hayeeshee duntaadiyo

inaad tahay qof daacada


adigoon ku daalayn

dadka kale ka dhaadhici

dabcigaagu kaad tahay

haku sheego dababdaa

dadka waayahaa bara

diihaalkiyo dhibaatada

ka dabaalad koodee

miyaan dani ku seetayn


wakhti daran ku soo marin

intaad duni ku noolayd

dayac maanad soo arag

maxaa duubigaaga iyo

gacmahaaga dib u xidhay

miyaan doorka nololeed

qayb dil ku dacalool

markuu doono qayrkaa


aqoon in uu ku duulo

dayixiyo cirkaa tago

adna maaha daawo

dabar garashadaadee

wax kuu diiday curintee

fahankiyo dareen kii

kaa daboolay ii sheeg

marka daymo raacdada

dihashada wax kugu cusub


durba keeno qayrkaa

adna maaha daba joog

wuxu doorba keenoo

dalbashada ku kaaftoon

marka damaca qayrkaa,

yahay duni dhan maaree

adna maaha dib uguur

oo hankaaga duu-duub

darajada waxa kaa xiga

oon dedaal ahayn sheeg,

Post a Comment

0 Comments