Qaybtii 6aad maah-maahyo ka bilowda xarafka e,f,iyo g


Maah-maahyo ka bilowda xarafka {E "10"}

1:eray hufan baa irid fura

2:ey is cunaysaa waraabe ma kala celiyo

3:ehelkaaga oo ku jaclaada caqligaaga ayaa loogu abaal celiyaa

4:ey ku qaniinay hadaanad ka aar goosan ilka la'aan buu ku moodaa

5:ergo wixii lafarana waa geysaa wixii la siiyana waa cuntaa


6:ereyba eraybuu kugu dhaliyaa

7:eedaysne ruuxii raaca eed kama reebna

8:eyga kan ugu xun baa ugu qaniinyo kulul

9:Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin

10:Eygii oo laf diiday ma noola.

 Maah-maahyo ka bilowda xarafka {F "40"}


11:far buktaa faro dheer

12:faras aadan lahayn fuulmadiisa futo qarar baa laga qaadaa 

13:farihii dufan laa wax duuga

14:fartu meesha bugta iyadaa og


15:fududaa hawl la fiirsanaayo

16:fulay cayriina ma cuno bisaylna ma sugo

17:fulay fiiro badanaa

18:faalaar gilgilasho kaagaama go'ado

19:falaar jecel loo ganay nin walooba filo


20:fataal wax ugu deeg waa wadaan duloosha buuxi

21:faqu fagaaruhu tagaa

22:far hadaad qof ku fiiqdo afarta kalena isku beeg

23:far kaa xumaatay filiq filiq kaagama harto

24:far keliya fool ma dhaqdo


25:faras iyo nin fuushani isma qalbi oga

26:faras waa ku joog ama ka joog

27:faraska xagiisa danbe ninka ka degay wax u dhaama ayuu waayay

28:faras hadyo foolkiisa lama faydo

29:faras fagaare jooga layskuguma faano


30:fardo fuul nin kufay oo kacay baa noqda

31:fari tog dheer bay kula xushaa

32:faro malab leh isku leef mooyee kala leef maleh

33:fariin waa qaan

34:faruhu siday iskugu xigaan baa layskugu xidhaa


35:feejignaanjo fulaynimo maleh

36:fiintu jiirka soo socda ayay ka oydaa

37:finka caloosha ku yaala carrabkaa dila

38:fiqi tolkii kuma jano tago

39:fool-xumo waa fil daro


40:foori doqoniimo lagu bartaa afkay fuurisaa

41:fulay wax ka qoryo badan

42:fulayow guuli kuu dhawaa

43:fulay foolkii kama liibaano

44:fulay xantii ma moogana

45:fulay dhiigiisa lama tuso


46:fulay hooyadii ma goblanto

47:fulay laga aamusay ayaa fulay ku mooda

48:fulay wax ka daymo badan

49:fulay wax ka qoryo badan

50:fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa.

Maah-maahyo ka bilowda xarafka {G "50"}


51:god hadimo ha qodin hadaad qodana ha dheerayn ku dhici doontaana mooye

52:gambada gabadhii xirataa gaadha

53:gambar salka saar mooyee seexasho maleh

54:gar iyad oon gacan lahayn bay geed kugu xirtaa


55:garaadyo laysku keenay bay gari ka dhalataa

56:garab ku guur geel la'aan baa leh

57:garawsiino waa sad waayeel

58:gari laba nin kama wada qosliso

59:geed dheer geed gaaban baa lagu koraa


60:geed laga dhacay gacmo lalama tiigsado

61:gacan gacan bay dhaqdaa wadjirna weji bay dhaqaan

62:gacan garab ayay gadaal u gahsaa

63:gacan baqaysaa geed ma goyso

64:gacan iyo af layslama waayo


65:gacan jabtay gun ayay dhextaal

66:gacani waxay hayso ayay gooysaa

67:gacantaadan goyn karin waa la dhunkadaa

68:gacantii libaax soo qabatay iyadaa furta

69:gacantii wax qaad barata gumudkaa dhaqdhaqaaqa


70:gacan waa la dhawraa lugna waa la dhibaa

71:gacmo geel jire hoosbaa loo dhaqaa

72:gacmo is dhaafay gacal baa ka yimaada

73:gacmo iyagaa is dhaqa

74:gacmo wada jirbay wax ku gooyaan


75:garba garbaa la tusaa

76:gal dad liq ah ul baa layskaga dayaa

77:gabooyo waxtar waa wada jir kelina lib ma keento

78:gar diid waa alle diid

79:gartaada intaanad geedka iman baa la soo akhristaa


80:geed kaa dheer kuma dhaxan tiro

81:geed sal beelay laamuhu ku qalalaa

82:garow iidaankii waa gaajo

83:geed waa madal nin gooyaana waa markhaati

84:geed walba mirihiisuu dhalaa


85:geed joog gartii waa yaqaan

86:geed weyn gudin yar baa goysaa

87:geedkaad gaarto miri ka gooso

88:geedkii si fudud lagu koro si fudud ayaa looga soo dagaa

89:geel aan gaawe loo hayn lama godlo


90:geel aan qawsaar lahayn iyo ari aan qowdiido lahayn midna matarmo

91:geel dhalaan qaaday ma dheera

92:geel diday dooh dooh loogama haro

93:geel jeeni kama go 'o

94:geel maalin buu ceel joogaa


95:geel nabar aanu ogayn buu ka gagabaa

96:geel ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karo

97:geel waa geel wixii gooyaana waa geel

98:geel waa xawr,fardona waa xawli,riyana waa xoox,ragna waa xaajo,gabarna waa xishood

99:geelu wuu is geedo baraa

100:geel duqiisu durdurinaayo aarankiisu muxuu noqonayaa


Post a Comment

0 Comments