xikmado dhiirigelin ah oo ku saabsan guusha iyo nolosha {ka faa'idaysi wacan}

 


1:Aamusnaan xoog ugu shaqee guushaaduna ha samayso dhawaaqa.

2:haddii aad rabto inaad heshid wax aanad weligaa hore u helin waa in aad samaysaa wax aanad weligaa hore u samayn.

3:laba shay ayaa ku qeexa samirkaaga markaanad waxba hayn iyo samirkaaga markaad wax kasta haysato.

4:farxada ugu weyn aduunku waa qabashada waxa ay dadku ku yidhaahdaan maqaban kartid.

5:webigu kuma jaro dhagaxa awoodiisa balse waxa uu ku jaraa adkaysigiisa.


6:haddii ay muhiim kuu tahay waxaad heli doontaa dariiq haddii aanay muhiim kuu ahayna waxaad heli doontaa curdaar.

7:riix naftaad sababtoo ah ma jiro qof ku riixaya.

8:socdaalka kumanaanka mayl ah waxa uu ka bilaabmaa hal talaabo.

9:waxaad guuldaraysataa oo keliyaa markaad joojiso isku dayga.

10:aargudashada ugu fiicani waa in aad guul weyn gaadho.


11:caqabaduhu maaha inay ku joojiyaan,haddii uu gidaar ku xanibo dib ha uga noqon oo ha quusan hel si aad ku fuusho haddii aanad fuuli kerin hel si aad uga hoos baxdo

haddii aanad ka hoos bixi karina hel si aad ku agmarto.

12:guulaystuhu waa qof riyooday(fikiray) oo aan weligii quusan.

13:haddii aanad weligaa guuldaraysan weligaa wax cusub iskumaad deyin.

14:haddii aanad horumar usamayn sidii dhakhsaha ahayd ee aad rabtay in aad usamayso macnaheedu maaha inaanad horumar samayn ,hore usoco.

15:markaad u rabtid in aad u guulaysatida si lamidaa sida aad urabtid in aad u neefsatid markaas ayaad guulaysanaysaa.


16:dadka daciifka ahi way aargutaan,dadka xooganina way iska cafiyaan,dadka garashada badana way iska indhotiraan.

17:ugu horeynta waxay ku weydiin doonaan sababta aad u smaynayso marka dambena waxay ku weydiin doonaan sida aad u samaysay.

18:haddii aad riyadaada ku gaarka ah dhisin qofkale ayaa kuu shaqaalay siisanaaya in aad riyadiisa la dhisto.

20:qofka dhinaca xun wax ka eegaa fursado kasta wuxuu arkaa dhibaatooyinkooda qofka dhinaca wanaagsan wax ka eegaana dhibaato kasta waxa uu arkaa fursadaheeda.

21:guulaysatayaashu maaha dadka aan weligood fashilmin balse waa dadka aan weligood quusan.


22:ha joojin markaad daasho jooji markaad si buuxda u qabato.

23:shaqada adag ayaa badisa kartida marka aanay kartidu si xoogan u shaqayn.

24:talaabada ugu horeysa ee aad meel kasta ku gaadhi kartaa waa in aad ugu horeyn go'aansato inaanad sii rajaynayn inaad halkan aad joogto sii joogto.

25:hawlaha aad inta badan aad ka fogaataa waa kuwa ay ku jiraan fursadahaaga ugu waaweyni.

26:ka bilow halkaad joogto ,isticmaal waxaad haysato, oo qabo waxaad qaban karto.


27:haddii aad ku guuldaraysato inaad wax qorshaysato,waxaad qorshaynaysaa inaad guuldaraysato.

28:waligaa ha quusan bilowgu badanaa waa waxa ugu adag.

29:noloshu kuma siiso waxaad rabto ee waxay ku siisaa waxaad shaqaysatay ee aad u qalanto.

30:noloshu xadidaado maleh,marka laga reebo kuwa aad adigu samaysato.

31:waxa ugu fiican ee aad noloshaada samayn kartaa waa in aad naftaada aaminto.


32:ha ka fikirin inaad lacag badan dhigato, ka fikir inaad lacag badan smayso.

33:weligaa qof haw sheegin qorshayaashaada taa badelkeeda tus natiijooyin kaaga.

34:naftaada asxaan usamee oo dadka qaar noloshaada ka tirtir.

35:waxaad hehsaa waa waxaad shaqaysato maaha waxaad rajayso.

36:majiro siro ay guushu leedahay waa natiijo ka dhalata diyaar garow, shaqo adag iyo guuldarooyinkaaga oo aad wax ka barato.


37:haddii ay ku yidhaahdaan suurtogal maaha iyagaanay u ahayn balse adiga maaha.

38:adiga oo keliyaa ayaa bedili kara noloshaada qof kuu bedeli karaa ma jiro.

39:maalin kasta oo cusub waa fursad cusub oo aad ku horumarin akrto noloshaada , ka faa'idee.

40:guushu waa isu geynta dedaalada yar-yar ee aad ku celceliso maalin walba.

41:habka ugu fiican ee aad ku bilaawi karto waa inaad joojiso hadalka bilowdidna qabashada.


42:waxaad wax badan ka barataa guuldarada in ka badan intaad ka baratid guusha,haw ogalaa'n in ay guuldaradu ku joojiso guuuldaradu waxay dhistaa dabeecadaada.

43:ninka naftiisa kalsooni ku qabaa waxa uu helaa kalsoonida dadka kale.

44:guushu kuu iman mayso oo ku soo heli mayso ,waa inaad baxdaa oo aad adigu soo heshaa.

45:maanta qabo waxa naftaadu mustaqbalka kaaga mahad niqi doonto.


46:ha sugin fursado ,adigu abuur fursadaha.

47:dajiso hadafyo waaweyn hana joogsan ilaa aad halkaa ka gaadhaysid.

48:weligaa guulaysan maysid haddii aanad weligaa bilaabin.

49:markasta samee waxa ugu fiican ee aad samayn karto,waxaad hada beerato ayaad hadhow goostaa.

50:bada marnaba kama gudbi karttid haddii inataad biyaha hor istaagtid aad ku dhaygagtid.


51:haddii aanad jeclayn sida ay wax yihiin bedel!ileen geed matihide.

52:wax is bedeleyaa ma jiraan haddii aanad adigu is bedelin.

53:maa;maha adagi waa kuwa kaa dhiga qof xoogan.

54:maanta waa fursad aad ku dhisi lahayd berida aad rabto.

55:waxaad heshaa waa waxaad diirada saarto.


56:haddii aanu qorshuhu kuu shaqaynayn bedel qorshah balse weligaa ha bedelin hadafka.

57:haddii aad daasho,baro inaad nasato balse ha joojin.

59:qodobka ugu xoogan ee guushu waa kalsoonida nafta aamin inaad qaban karto,aamin inaad uqalanto,aamin inaad heli karto.

60:markay noloshu ku siiso  boqolaal sababood oo aad u oydo ,tus nolosha kumanaan sababood oo aad u dhoolacadyso.

61:si aad xaqiiqadaada u bedesho waa in aad bedeshaa hab fikirkaaga.


62:si aad u guulaysato damacaaga guushu waa in uu ka weynaadaa ka cabsashadaada guul darada/

63:dadka qaar wey ku riyoodaan oo keliya guusha kuwa kalena wey kacaan oo wey gaadhaan.

64:haddii aad rumaysatid shakiga ku jira maskaxdaada ,gaadhi maysid riyooyinka ku jira qalbigaaga.

65:dadaal ilaa inta kuwa ku necebi ay ku odhanayaan na shaqaalaysii.

66:guushu kama timaado waxaad mar mar keliya aad qabato,waxay ka timaadaa waxaad si joogto ah u qabatid.


67:guuldaradu maaha cagsiga guusha balse waa qaybka mida ah guusha.

68:ha sugin inta dareenadaadu is bedelayaan si aad ficil u samayso,ficilka samee dareenadaadu way is bedeli doonaan.

69:haddii aad sii wado inaad u fikirto sidii aad badanaa u fikiri jirtay waxaad sii wadi doontaa inaad heshid waxaad badanaa heli jirtay.

70:weligaa ha qaban beri waxaad maanta qaban karto wahsigu waa tuuga waqtiga.

71:qofka keliyaa ee ay tahay inaad ka wanaagsnaataa waa qofkii aad ayahayd shalay.


72:weligaa bedeli maysid noloshaada ilaa aad bedeshid waxaad maalin kasta samayso,sirta guushaadu waxay ku jirtaa hawl maalmeedkaaga.

73:weligaa ha quusan waxyaabaha fiicani waqtibay qaataan samir yeelo.

74:ma tihid natiijada duruufahaaga ee waxaad tahay natiijada go'aanadaada.

75:isku darka horumar yar oo aad maalin walba smayso ayaa keena natiijo weyn.

76:ha isku dayin in wax kastaa kaamil kuu noqdaan iskuday oo keliyaa inaad ka fiicnaato sidii aad shalay ahayd.


77:kuwa guulaysta kadib markay guuldaraysteen waxay wax ka barteen guuldaradoodii.

78:ma garanayo sirta guusha laakiin sirata guul daradu waa inaad isku daydo inaad dadka oo dhan raali geliso. 

79:haddii aad doonayso inaad guulaysato waa inaad raacdaa qaacidada ah weligaa been haw sheegin naftaada.

80:qaacidada ugu muhiimsan noloshu weligaa ha sheegin dhamaan waxaad qorshaysatay .

81:haddii ay guushu kaa dhigayso mid isla weyn adigu maad guulaysna run aahntii,haddii ay guuldaradu kaa dhigayso mid xal badan adigu maad guuldaraysna run aahntii.


82:baro hadalka magaranayo haddii aad dhahdo ma garanayo way ku barayaan ilaa aad ka garabaysid,haddii aad dhahdo waan garanayaana wey ku weydiinayaan ilaa aad ka garan weydo.

83:maaha inaad la saaxiibto tiro badan si aad us ugti shakhsiyadaada ,libaaxuba wax uu socdaa keli haday wax ka dhimayso,wankuna waxa uu la socdaa koox hadday wax u tarayso.

84:qofka aan lahayn geesinimo dhamaysstiran oo uu ugu badheedho khatarta weligiis shayna ma rumeeyo nolosha.

86:haddii aad doonto inaaad dabaasha barato waa inaad biyaha isku tuurtaa.

87:bilow waxa daruurigaa kadibana ugudub waxa macquulka ah,kadibna waxaad naftaada si lama filaana ugu arki doontaa iyada oo samaynaysaa waxaan macquul ahayn.


88:ahow naftaada taasi waa talaabada kowaad ee aad ku noqon kartid mid ka wanaagsan naftaada.

89:kuwa ku taagan figta buuraha kamay soo korin samada halkaas.

90:guushu ma dhamaato,guuldaraduna maaha dhamaadka.

92:waan jecelahay markasta oo ay dadku igu dhahaan ma awoodid,maxaa yeelay markasta oo  kalmadaa la igu yidhaahdaba waxaan usii qabtaa si fiican.

93:ka caqliga badani waxa uu ka faa'idaystaa cadawgiisa doqonkuna saaxiibadiisa.


94:markaad tahay qof ku weyn isha naftiisa cidna kuma niyad jabiso.

95:xanuunka aad maanta dareemaysaa waxa uu noqon karaa awooda aad beri dareemayso.

96:markaad dareento inaad is dhiibayso in yar ka fikir kuwa doonaya inay arkaan guuldaradaada.

97:farxada aad naftaada dareensiin karto kuma dareensiin karto cid kale.


98:marka hore baro qaacidooyinka ciyaarta kadib waxaa laga yaabaa inaad noqoto ciyaaryahanka  ugu fiican goobtaas.

99:ha quusan hadaad hal talaabo dib u qaado ha ilaawin in warankuba uu ubaahan yahay in uu dib ubaxo marka laganayo si uu si awood leh umaro hortiisa.

100:sirta ugu horeysa ee siraha guusha waa inaad aamintaa naftaada.


                                                             Guulaysata dhamaantiin saaxiibayaal 

                                                                           dhammaad.


Post a Comment

0 Comments