Maah-maahyo ka bilowda xarafka {H}
1:haad baa haad kiciya
2:habartu curadkeeda cay uma quurto
3:habeenkaaad dharag filanayso gaajo filo
4:hadal aan maah-maah lahayn waa hilib aan mindi lahayn
5:hadal aadan filanayn iyo falaarba waa ku aamusiiyaan
6:hadal waayeel waa guud mar
7:habeen waa inta gacantaadu gaadho,maalina waa inta ishaadu gaadho
8:hadal hee weeye ama haa weeye
9:hadal badan danbaa dhaanta
10:hadal beena dhag beena baa lagu dhagaystaa
11:hadal caruureed iyo haraati baarqab midna lagama kaco
12:hadal badani haamo ma buuxsho
13:hadal intuu uurka ku jiruu qiima leeyahay
14:hurdo iyo geeri waa wada dhasheen
15:hadal lama agjoogsadee geed baa la ag jogsadaa
16:hadal lama wadaagee caana la wadaagaa
17:hadal macaan midhuu dhalaa
18:hadal murti leh iyo hilib mindi leh midna laguma margado
19:hadal nin badiyayna ma wada odhan nin yareeyayna kama wada tagin
20:hadal nina si u yidhi nina si u qaaday
21:hadal-oday been maahan
22:hadal run baa lagu cadeeya ilkana caday
23:hadal sokeeye iyo hilib idaadba waa la qaboojiyaa
24:hadal waa dheh ama dhageyso
25:hadal waa kii gaaban go'aana leh
26:hadal waa margi hadba dhankii loo jiiduu u jiidmaa
27:hadba sidii loo jabaa loo dhutiyaa
28:hadaad dhimanaysid dhareerka waa layska duwaa
29:hadaan lakala roonaan roob ma da'o
30:haday hooyadaa dhimato aabahaa adeer buu kuu noqdaa
31:haday geeri ku dayn lahayd gabow baan kudaynayn
32:haddii ilaahay irid kaa xiro irid kale ayuu kuu furaa
33:haddii tali lagu dhaho laysma taago
34:haddii magacaagu xumaado waa maalqabe waxba kuuma tarto
35:haddii xoog wax taraayo maroodi duur kuma jireen
36:hal aad kuruskeeda hayso kor looma laaco
37:hal aan weli kuu dhalin ilmaheeda ha tirsan
38:hasha labada geel jecel dhexdooda ayaa waraabe ku cunaa
39:hal libaax arkaysaa ma godlato
40:hal maal ah xoolo kuuma noqoto
41:hal nin guran dheelmay dhinacna uma fayooba
42:hal sodon qaday beri kuma dari weydo
43:halaq aan la dilin geed lama saaro
44:halis waxa ku jira nimaan carrabkiisa ka adkayn
45:halkuu cadar xagaa biyo dhigay cir onkaday maxaad moodaa
46:hanqaraarac lug uma dhutiyo
47:hanti aadan lahayn hamuun kaama rogto
48:hanti iyo hanti la'aan ba xabaal waa loo simanyahay
49:harag libaax haadi ma jiido
50:harag sakaaro iga kac mooye iga durug maleh
51:haruub caano ah inta la dhiibo hadana qarqarka laguma dhago
52:hashii hunguri jecel geela hortiisa ayay kacdaa
53:hashu iyada oo geela cunaysa ayay cabaadaa
54:hawadaaduna beenbay kuu sheegtaa hantidaaduna runbay kuu sheegtaa
55:hawo iyo hoos galbeed midna lama gaadho
56:hilib dooro aroos ma gaadho
57:halmaan hadal kuma jiro
58:hodan iyo sabool subax bay wada guuraan
59:hooyo doqon ahi habar yar bay dhaantaa
60:hortaa jir wax weydii aad gadaashaa jire wax u sheegtide
61:hubsiimo hal baa la siistaa
62:habaar hooyo hoog baa ka danbeeya
63:habar fadhida legdan wax uga fudud
64:hal boori ahi nirig xalaala ma dhasho
65:hilib geel waa wada magool
66: Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
67:Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
68: Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
69: Hurdo cagahay ka bilaabataa
70: Hurdo habar ma koriso.
Maah-maahyo ka bilowda xarafka {I}
71: intaa nad falin kafiirso
72: ilin laqubay dayn laguma gudo
73: indho adeeyg aroos keeday kaboodaa
74: ilee naagi tol maaha
75: ili il madhoowr to
76: ili kaa caawo badan
77: ilig bolol ah baa af qur xiya
78: ilko abeenso hoos ka xidhiidh san
79: ilko wada jirbaa wax lagu gooyaa
80: ilmahaagoo kuu eekaada ooridaada looga mahad celiyaa
81: ilmo aabahood kama run badnaa
82: ilmo dameeraad ishuu ka rar qaataa
83: ilmo sha beel lama qaado
84: imaanti danbe maqnaanshaa dhaanta
85: inanta afkeeda ayaa laga meheriyaa
86: indheer garad ragna waa kuyar yahay dumarna kuma jiro
87:indho run bay u ooyaan caruurna hooyadood
88:indho waayeel waa wada garaad
89:inatay nabadu joogataa ninba laba nin leegyahay
90:ilaahayow nimaan waxba ogayn ha cadaabin
91:Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
92:Isla weyn, dooro weyn.
93:isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa.
94:Isma’og aqalkiibay aslaysaa.
95:Isu qabe aan loo qabin
96:ileen doqoni qiiq kama kacdee damankay meermeerisaa
97:inta habar qaadaa hal ma qaado
98:il ibtileysan ayaa balaayo tilmaanta
99:inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana hufkiyo haadiska barataa
100:intii orad jiray kuftina waa jiray
Dhammaad

0 Comments