Maah-maahyo ka bilowda xarafka{J"10"}
1:jiljileeca looma dhinto ad-adaygna laguma waaro
2:jinni ninkii keenaa saara
3:jir bukaa heelkii leh
4:jilaalka iyo ninku wey lagdamaan kolba kay naagtu raacdaa adag
5:jaallaha ama saaxiibkaa kuma jabiyo
6:jid ma qaloocna ee jidiin baa qaloocan
7:Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan
8:jidh qalaad waa dhul qalaad
9:jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis
10:Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan.
Maah-maahyo ka bilowda xarafka{k"20"}
11:khaayin afkuu kugu dhunkado ayuu hadana kugu qaniinaa
12:kaba-xume ma haree kab-laawe ayaa hara
13:karti laawe dag-dag buu door bidaa
14:kibirka waa lagu kufaa,
15:karis xun iyana ku wax la
16:Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
17:kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
18:korwaayeel waa wada indho
19:kab iyo xaarkeed waa laysla tuuraa
20:kabahaaga iyo tolkaaga lagama dhex baxo
21:kabo-tole kaba la'aan buu socdaa
22:kaftan geel jire dhab buu tagaa
23:kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
24:kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
25:keligii cune keligii buu dhintaa
26:kaa hadal badane kaa adag
27:Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa
28:kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi
29: kala go' iyo kala lulasho kala go' baa laqaatay
30:kufniin jilib waayeel wax uga xun
Maah-maahyo ka bilowda xarafka{L "30"}
31:laba caaqil wey heshiiyaan, laba caaqna wey heshiiyaan,laakiin caaq iyo caaqil ma heshiiyaa,
32:laba ciloowday caano isma siiyaan
33:laba deeq ku heshiin weyday dood kuma heshiiyaa
34:laba kala bariday kala warla'
35:laba qaado af ma wada galaan
36:laba sagaaro didmo mooyee ciidan iskuma taraan
37:laba talaabo dhexdood ayaa talo ka dhalataa
38:labaatan jir aan waran kaa reebin wacad kaama reebo
39:labaatan jir intuu geedka ka boodo ayuu talo ka boodaa
40:lacag lacag bay dhashaa injirna qindhicil bay dhashaa
41:laf jabtay sideedii ma noqoto
42:laf jabtay lafta xigta ayaa lagu kabaa
43:lama huraan waa cawska jiilaal
44:lax dhunkani col iyo abaar moog
45:layligu biyaha calooshiisa ku jira ayuu ka didaa
46:lex jeclo laba nin kama wada qosliso
47:libaax duqoobay daanyeer baa ku ciyaaraa
48:libaax nimaan aqoon baa lax ka dhiga
49:libin ragg kaaga danbeeyaan libin maahan
50:liibaanteed aduunyada ninna laasan maayo
51:lillaahi laguma lumo
52:lixdan jir halkiisa lagama seexdo cadkiisana lagama cuno
53:lo' ul ma aroorisee oon baa arooriya
54:luuq-luuq marow asalka laamiguu yimaadaa
55:Loogow laguu minan fadhiyee
56:lugtii jeeniga dhaaftaa way jabtaa
57:luqun dheeraatay madax ma dhaafto
58:labadii qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido
59:labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan
60:labo bukta ma is baaniyaan.
Maah-maahyo ka bilowda xarafka{M"40"}
61:maahmaahe isu maahmaaha ayaa jira
62:meel lagaa jecelyahay hadaad ka tagto meel lagaa necebyahay ayaad tagtaa
63:ma waxaa isu eg kitaab iyo harag-waxtar mase xaq iyo baadil
64:maal nin leh baa dhaqa
65:maal -yar iimaankaa lagu kaabaa
66:maalintaad dagaal joogto laba nin lalama tashado (Fuley iyo ggesi) ee waxaa lala tashtaa nin caaqil ah
67:maalkaagu hay bixin buu ku dhahaa hadaad i bixisana haygu daba dhiman
68:maan dad waa mudacyo afkood
69:maan-gaab iyo maan-laawe midna maanso lama weydiiyo
70:maba dhalane dhawrsan okaa
71:ma dhinte waa allah
72:magac iyo lacagiba dadka waa dooriyaan
73:maqal sheeg waa been sheeg
74:mar calooshaa laga dhargaa marna maanka
75:markaad kaliil aragto roob filo
76:marna beeni aqal ma dhisto
77:maroodigu takarta ku taagan ma arkee,ta ka kale ku taagan ayuu arkaa
78:meyd iyo martiba waa loo taliyaa
79:mas madaxaa laga dilaa
80:maseer daawo maleh
81:masku intuusan kugu candhuuf tufin baa lagu candhuuf tufaa
82:matagi meeshaad doonayso kuguma simo
83:meel aadan seexanayn laguma luluudo
84:meel dayax joogo xidigo waxba kama taraan
85:meel gacan gaaro gacan ma gaarto
86:meel hoo u baahan hadal waxba kama taro
87:meehsaad joogto waa laga muuqdaa
88:meeshii aabahaa rati uga dheeliyo adna waa kaaga dheeliyaa
90:midaan dhargi jirin markuu dhargo calooshiis la ciyaar buu noqdaa
91:midaamo dhago ma leh hadduu malag dhawaaqaayo
92:midho waxaa ugu qadhaadh kuwaan la gaadhayn
93:miskiinbaa misko la fuulo leh
94:muluca caruurtu ciyaar bay u dishaa isagana waa u qoor gooyn
95:mukulaal hilib-siin la baray hawsheeda ma qabsato
96:mukulaali gurigeed joogtaa miciyo libaax bay leedahay
97:Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta
98:Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo
99:Meeshaad ku qoydid baa laysku qallajiyaa
100:Manfac haddii lagu siiyo, murdiye lama noqdo.

0 Comments