Ka faa'iideyso Su'aalo iyo jawaabo Diini ah

Su'aalo iyo jawaabo Diini ah 

1:imisa ayay ahaayeen nebi yuusuf walaalihiis?

j:waxay ahaayeen 11. 


2:sheeg xayawaanka ugu xasuusta wanaagsan? 

j:geela. 


3:intee in leeg ayuu nebi yuusuf{cs}xabsiga iyo ceelka ku jiray? 

j:ceelka 3 cisho ,xabsiga 7 sano. 


4:sanadkee ayuu maraykanku hawada sare ugud bay? 

j: sanadkii 1962kii , 


5:sheeg haweenaydii nebi yuusuf (cs) xumaanta la doontay? 

j:suleekha oo ahed casiiska{oo ahaa ninka guriga iska lahaa} xaaskiisa. 


6:waakee shayga ugu eekaan badan dayaxa jeexiisa? 

j:dabcan waa jeexiisa kale 


7:sheeg nebigii damcay inuu arko rabigiisa? 

j:nebi muuse (cs)


8:sheeg suuradaha lagu dhex sheegay shucayb (cs)?

j: (Al acraaf, huud, shuara,iyo cankabuut)


9:sidee lagu cadaabay nebi shucayb ehelkiisa?

j:gariir, qaylo, iyo kulayl daran.


10:waakee xubnta kamid ah jidhka ee aan ku xidhnayn xubin kale?

j:waa lafta hyoid waxaana laga helaa dhuunta.


11:yuu nebi muuse (cs) cilmi ka dalbaday?

j: nin taqi ahaa oo la odhan jiray "khadar".


12:sidee ayuu ugu soo laabtey nebi yacquub "cs" aragiisu?

j:markii wejigiisa lagu tuuray ama lagu dhuftay qamiiskii nebi yuusuf (cs).


13:sheeg magacyada labadii wiil ee uu rasuulku awoowaha u ahaa?

j:xasan iyo xuseen.


14:sheeg magaca ninkii diley zubeyr ibnu cawaam?

j:cumar binu jarmuus.


15:sheeg imisa maalmood ayuu nebi ibraahim (cs) ku jiray dabkii lagu tuuray?

j:wuxuu ku jiray 7-maalmood ama isbuuc.


16:sheeg magaca nebigii ilaahay u jilciyay birta?

j:nebi daa'uud (cs).


17:sheeg dardaarankii ugu dambeeyay ee nebi muxameda (scw) intuusan dhiman?

j: waxa uu ahaa "salaad,salaada iyo waxay gacmihiinu mulkiyeen"


18:sheeg magaca nebigii jeclaaday dhimashada?

j:nebi yuusuf (cs).


19:sheeg ducadii uu nebigu badin jiray habeenada laylatul qadriga ah?

j:{اللهم انك عفو تحب العفو فاعف عنا}


20:sheeg cida dili doona masiixu dajaal?

j:waa nebi ciise (cs).


21:sheeg sanadkii uu guursaday nebigu (scw) xafsa bintu cumar?

j:wuxuu guursaday sanadkii 4aad ee hijriyada.


22: sheeg saxaabigii loogu yeedhi jiray aabihii masaakiinta?

j:waa jacfar binu abii daalib.


23:sheeg saxaabigii lagu magacaabi jiray sayidul-qura?

j:ubaya binu kacab.


24:sheeg saxaabigii yidhi inaha fulayga marnaba ma hurdaan?

j:waa khaalid binu waliid


25:sheeg qofkii ugu horeeyay ee qur'aanka ku magacaaba musxaf?

j: abuubakar sidiiq.


26:sheeg aayada qur'aanka ugu xukunka badan?

j: waa aayada ah ( ....إن الله يأمر بالعدل والإحسان).


27:sheeg aayada qur'aanka ugu weyn ?

j:  waa aayatul kursi (....ٱللَّهُ لَاۤ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَیُّ ٱلۡقَیُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةࣱ وَلَا نَوۡمࣱۚ ).


28: sheeg aayad qur'aanka ugu cabsida badan?

j: waa aayada ah (أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍۢ).


29: sheeg suurada ay ku jirto aayadan (يَٰحَسْرَةً عَلَى ٱلْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ).

j: waa suuratu yaasiin.


30: sheeg daacigii ugu horeeyay ee islaamka?

j: waa muscab binu cumayr.


31: sheeg saxaabigii malaa'iktu maydhay?

j: waa xandala ibnu abii caamir.


32: sheeg caalimka umada?

j: waa c/laahi binu cabaas.


33: sheeg amiiru shuhadaa?

j: hamsa binu c/mudalib.


34: sheeg magaca abuu jahal?

j: camar binu hishaam.


35: magacii hore ee loo yaqaanay magaalada madiina?

j: yatrib


36: wax dhintay oo la soo noolaysiiyay imasa jeer ayaa lagu sheegay suuratul baqrah?

j: 4 jeer


37: sheeg saxaabigii loo yaqaanay turjumaanul qur'aan?

j: waa ibnu cabaas.


38: ibraahim binu muxamed waxaa dhashay?

j: waa maariya.


39: bismika allaahuma amuutu wa axyaa waxaa la akhristaa marka?

j: la seexanaayo.


40: sheeg tirada nabiyada ilaahay u waxyooday?

j: 124 kun oo nebi.


41: sheeg nebigii uu liqay nibirigu?

j: nebi yoonis (cs).


42: sheeg nebigii u sabray xanuunka?

j: waa nebi ayuub.


43: Haweenayda qur'aanka lagu sheegay waa?

j: maryama.


44:nebi sulaymaan waxaa loo sakhiray

j: dabaysha.


45:musaylamutul kadaab wuxuu ka dhashay?

j: reer banii xaniifa.


46:muscab binu cumayr wuxuu ku shahiiday dagaalkii?

j: wuxuu ku shahiiday dagaalkii uxud.


47:nisaabka geela marka laga bixinaayo sakada waa?

j: 5 geel ah.


48:sheeg saxaabigii uu nebigu u soo diray scw yaman?

j: mucaad binu jabal.


49:meeshii lagu dilay musaylamatul kadaab waxaa looyaqaanaa?

j: waxaa loo yaqaanaa xadiiqatul mawt.


50:sheeg arkaanta weysada?

j: 6 rukni.

Post a Comment

0 Comments