maah-maahyo ka bilowda {R,S,T}
Maah-maahyo ka bilowda xarafka {R}
1: Roob intuu da'aayo ayaa la hoorsadaa
2: rugtaada iyo runtaadaba dadka looma sheego
3: run ilaah baa kugu jecel
4: run iyo beeni kala raad leh
5: runta iyo ilkahaba waa la cadeeyaa
6: run sheeg wax kuu marqaati fura waayi mayside
7: run sheeg waa ruux in la dhaariyo ka badbaaday
8: raad arooryo dib looma raaco
9: rabbi yaqaan waa wad yaqaan
10: rag aan madax lahayn iyo reer aan gaadiid lahayn midna ma reeyo
11: rag gogoshii waa godob la'aan
12: rag haybadii waa hub
13: rag idaa kugu ma daayee aan isdayno ayuu kugu daayaa
14: rag maalin bay isbartaan maalina waa kala tagaan
15: rag dumar baa is dhaafshey
16: rag waa talo raac ama talo keen
17: rag waa kii hore hadalna waa intuu yiri
18: rag waa shaah dumarna waa sheeko
19: rag waxaa u liita calooshiis la ciyaar iyo ciil kama baxe dumarna waxaa u liidata casarkii seexato
20: rag yaraan ma leh,runtu raga kama nixiso,rag la'aani wax kuma yeesho ee rag xumaa wax ku yeesha
21: ragow barasho geeloow rarasho
22: ratiga danbe ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay
23: ragna qawlbaa xidha dumarna meherbaa xidha
24: reer miyi maah-maah ayay wax isugu sheegaan reer magaalna kaftan
25:Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan
26: ri waalan ridaada laguma xidhto
27: riyuhu lugtooday shalan ku doontaan
28: roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan
29: ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola
30: ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa.
Maah-maahyo ka bilowda xarafka {S}
31: sadaqo xoolo mayarayso
32: samaale wadkii ma lumo
33: saqiir dumar sir la'aan ma dhinto
34: shan beri shiikh laguma noqdo
35: shimbir baal laga rifay ma duulo
36: shimbir weliba shimbirkiisuu la duulaa
37: shimbiri codkeeday cidaa
38: shimbiri maaliin bay dab qaaday maalintiina buulka hooyadeed ayay gubtay
39: sixun wax u sheeg sixiroolana waa ka daran yahay
40: sibraar sahay maahan
41: sidaan kuugu lisay iguma aadan hanbayn
42: sidaad doonayaso hadaad weydo sidaad ka badin weydo ayaa la yeelaa
43: sinji ma doorsoomo
44: sohdaa waa lala hadlaa laakiin wax xun lagu yidhaahdo
45: soomaali been waa sheegtaa laakiin been kama maahmaahdo
46: subax iyo sadar subax baa badan
47: suuri waa nin ku jabsi,sagaarana waa laba ninku dubad,sagaal halaadna waa saddex ninku maal
48: suul dhabaale waa hadal hadana waa si gooniya
49: Saaxiibkaa haduu malab yahay hawada leefin
50: Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
51: Sagaaro inteeda waa ku duq
52: Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
53: Sagaaro, mindhaa ima barato
54: Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib
55: Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar
56: Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe
57: Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, cudur geeri oh
58: Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis
59: Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye
60: Saddex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka
61: Saddex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan
62: Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan
63: Sir ma qabe allaw sahana
64: Sir naageed lama sal gaadho
65: Soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa
66: Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa
67: Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
68: Soomalidu waa indho ku garaadle
69: Soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa
70: Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.
Maah-maahyo ka bilowda xarafka {T}
71:Tuug waa kii wax lagu qabto
72:Tuug wax ka tuhun badan
73:Tuug tuug ma xado
74:Tuug tuug buu ku moodaa
75:Tuug laqabtay talo maleh
76:Tuug iyo taajir ma tashadaan
77:Tuug intaadan tuug dhihin ayuu tuug ku dhahaa
78:Tolkaaga iyo kabahaagaba waa lagu dhex jiraa
79:Tolkaa kuma gabee afkaagu yuusan ku gabin
81:Tol xeer lihi cayr maleh
82:Tol waa hal laqalay
83:tog ba taagtii buu rogmadaa
84:timirtii horeba dab loo waa
85:Talo xume tol ma badiyo
86:Talo walaal diide tagoog buu ka jabaa
87:Talo qabeen waa maal qabeen
88:Talo waa maraad gaadhi weydo iyo maraad garan weydo
89:Talo nin kuma filna laba nina kuma heshiiyaan
90:Talo isuma kaa sheegto
91:Talo adigaa ku noole iyadu kuguma noola
92:Talo tan adeer baa ugu adag tirana tobon
93:Taladii xumaata dib baa loogu noqdaa
94:Taladaan laruugin waa lagu rafaadaa
95:Talada dadka qaado taadana ku soco
96:Tagto daayoo timaado u toog hay
97:Tagoog oday waa tub lagu kulmo
98:Tabcadaa ma tuugoobo
99:Tol la’aani waa tows
100:Tuhun waa sed.
Lasoco qaybaha kooban ee inoo hadhay

0 Comments