Waxa uu u baahnaa in lacaawiyo oo laga badbaadiyo khatartan balse waxa ku dhacay wax aan xisaabta ugu jirin

 Sida ay baduhu u leeyihiin meelo khataraa oo aysan dadku tagin amase laga warhayn inta ay le'gtahay khatarteeda dhulkuna waxa uu leeyahay meelo khataraa oo aysan bina aadanku degin inta ay khaterteedu leegtahayna la ogayn, dad badan ayaana ku dhintay meelo badan duur-duur iyo kaymo ah oo aana la garanayn sida ay u dhinteen iyo waxa helay ,iyo sababta  keentay, dad ayaa gaajo ugu dhinta ,kuwo kalena bahalo ayaa ku cuna, kuwo kalena ilaa hada waa lala' yahay meel ay galeen. 

Dalka maraykanka waa dalka ugu badan ee leh duur durada aysan cidna joogin ama binu aadam u dhawaan, dad badan ayaana lagu waayay waxa kasoo ogaada inta ay is yidhaahdaan , waxaana ka midaa sheekada wiilka aynu maanta ka hadlayno ilaa hada aan lafasirin ama la ogaan sida ay u dhacday ama sababta keentay . 

declan shalvey wiilyar oo 19 jir kasoo jeeda gobolka oklahoma ee  maraykanka  maruun ayaa wilkan maskaxdiisa ku soo dhacday inuu kaligii shafro oo kaymaha iyo meel binu aadam dagin oo  intanet iyo waxba lahayn soo joogo in bil ah , mushkiladu waxa ay ahayd inuusan waxba ka aqoon nolasha duurka wligiina uu san u safrin , iskama celin karo hadii uu soo weeraro bahal dilaa ah xitaa hada uun ayay maskaxdiisa ku soo dhacday inuu kaligii safro, sababta kaliya oo keentayna waxa ay ahayd inuu daawaday filim layidhaah into wayda oo laga sameeyay sheeko run ah.

filimka sheekadiisu waxa ay ku saabsanayd wiil dhalinyaro ah  oo go'aansaday inuu duurada gobalka ALASKA ku noolaado dadka oo idilna ka fogaado iyo wax noole oo caqli lehba , akhiritaankiina kaligii  ayaa meel cidlo ah ku bakhtiyay markii uu cunay geed uu barandho mooday oo sun ah .  

declan aad iyo aad ayuu usaameyay filimkaasi wuxuuna go'aansaday inuu tabtaas oo kale sameeyo laakiin uu  isku dayo inuu soo badbaado asagoona waligii  meel duurduur ah u safrin , wakhti dheerna socon,

baaritaana xitaa sameeyn , intaa waxa kuu dheer inuu aad u yar yahay. 2013kii BISHII march ayuu declan ehelkiisa u sheegay waxa uu u danleeyahay, si walba ayay isugu dayeen in ay ku qanciyaan inuu ka soonoqdo go'aankiisan,

laakiin declan waa nin la wato ee waxaas dhag uma dhigin akhiritaankii way iska daayeen oo waxa ay ku yidhaahdeen bal  nasoo wac marka aad sii socoto iyo marka aad gaadhaba si aan kaaga war hayno .

meesha uu u safrayo declan gurigooda waxa ay u jirtaa 2800km, gobol aad iyo aad uga fog gobolkiisa oo la yidhaahdo Oregon, gurigii ayuu isaga soo tagay declan isagoo soo qatay gaari xaajiyad ah oo buuraha uu ku kori karo 

gadaashana waxa uu ku soo ritay waxa uu u baahnaa oo dhan ,teendhadii uu guri ahaa u dagilahaa, cuntadii uu cunilahaa, waxii uu wax ku karsanlahaa, wixii uu wax isag celin lahaa , wax kasta .

saacado iyo maalmo ayuu sii socday marwalbana reerkooda ayuu soo wacaayay si uu ugu sheego meeshuu maraayo iyo inuu nabad qabo ilaa laga gaadh markii ugu danbaysay ee uu declan qof soo waco , waxa ay ahayd 6:15 galabnimo 

march 16/2013kii malintaa declan waxa uu soo wacay gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo la odhan jiray Sara Paxton uuna u sheegay war yaab leh.

markaa uu soo wacayo sara waxa ay joogtay eruboodka oo iyada iyo ehelkeedu ay ka safrayeen, intii hore si caadiyaa ayuu ula hadlayay sara sidee tahay, xagee joogtaa, ayuu lahaa , ilaa uu bilaabay

declan inuu war lafahmayn usheego sara oo uu leyahay "5 saacadood ayaan gaadhiga wadaa oo hal tuulo ku dhex jiraa oo aan ka dhex bixi la'ahay sidii aan ukun ku dhex jiro, marka aan is yidhaahdo meel istaag ama dadka waydii

sidii aan uga bixi lahaa waxa aan arkayaa dadka nooca shaydaanka caabuda oo raba inay idilaan gurina magaraaci karo si ay dadkii daganaa ay iga furaan maxaa yeelay dhamaan guryuhu way balaqan yihiin, haa guryuhu waa cidla , Haa . Haa 

tuuladan qaatiliin bas ayaa joogta dhamaan dabada ayaya joogaan, meel walba way joogaan , gees walban way ku dhuumanayaan mar walbana gaadhiga ayay ka soo hor baxayaan"

markii ugu danbaysay ee uu sara la hadlayay inta uu codkiisii isbadalay sidii qof baqanaya oo argagaxsan ayuu ku yidhi sara "wax walba oo halkan joogaa way dhimanayaan xoolihii iyo geedihii way dhinanayaan ana waxa aan isku dayayaa inaan nolosha

ku soo celiyo aadna waan u baqayaa" kadib khadkii waa uu go'ay.

gabdhii inata ay yaab u goday oo warkiisina xabad ka fahmi wayday ayay markiiba ayadoo baqsan ku celisay, mise uu dansan yahay tilifoonkiisu , markiiba waxa ay usheegtay ehelkiisa wixii uu u sheegay isagu , ehelkii waxa ay markiiba waceen iyaguna  wiilkii 

laakiin telifoonkiisu wuu dansan yahay , boliska ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan , booliskii markii ay dabagaleen markii uugu danbaysay ee declan cid soo waco waxa ay soo ogaadeen in uusan meeshaas waligeed cid tagin .

markii ay sara waraysten waxa ay u sheegtay boliska wixii uu declan ku yidhi markii ugu danbaysay ee uu cidba lahadlay , markaa booliskii waxayba ka shakiyeen in inanka yari daraagis qadanjiray ama maskaxiyan u xanuusnaa.

laakiin waxa ay u sheegeen in uu wilkoodu uu yahay mid dhamaan waxyaalahaas ka madhan , isla malin taas Aabihii declan waxa uu u sheegay boliska inuu wiliisu uu u baahan yahay caawin dagdag ah , oo uu tulo ku dhex lumay .

Boolisku markiiba Aabihii ayay ka qaateen sawirka wiilka ,gaadhiga , dharkii uu qabay ,iyo wax walba oo ku saabsan declan iyo waliba meeshii uu u socday . 

meeshii ayay markiiba wajaheen bolisku jidka inta ay sii socdeen meelwalboo shiidaal laga shubto,magaalo walba iyo tuulo walba waxa ay wiidiinayeen wiilka

ilaa ay tegeen kaalin kutaala tuulo yar oo lagu magacaabo fildis oo ku taala gobolka orika , oo uuba ninkii kaalinta joogay u sheegay in uu arkay declan isla maalintii

lawaa yaay sidoo kale waxa uu booliiska usheegay in uu baasiin badan ka shubtay booliskii waxa ay ka baadheen meelihii udhawaa oo dhan balse waa ay waa yeen.


bil kadib nin beeralay ah ayaa soo helay gaadhi tayooto ah oo meel wadada kabaxsan yaala, hadii gaadhigii labaadhayba waxa uu noqda gaadhigii declan waxa uu yaalay meel udhaw buur 

layidhaahdo ISTIIN buurtaastina waa buur udhaweed buurtu usocday declan , marka ay baadheen booliskii waxa la ogaaday in ay meeshu tahaymeel aanu bini aadan aanu kusugnayn

kana ayheleen wax walboo uu watay declan xataa furayaashii gaadhiga , booliskii waxa uu lawadaagay declan ehilkiisii in ay wiilkoodii heleen alaabtii uu watay oo dan xataa gaadhigiisii

balse wiilkii aysan faro ku hayn, balse waxa layaab noqotay in aanay wax cabsi ahi aysan kamuuqan ehelkii declan,waxaanay ku yidhaahdeen booliskii waa iska caadi inta 

uu teendhadii qaatay ayaa uu kasoo dhisanayaa meeshii uu u socday mar dhawna waa wuu soo noqonayaa booliskii meeshii oo dhan ayaa ay baadheen oo xataa diyaarado 

erokobtara keeneen balse waxba waa ay kawaa yeen,7 bishii oct isala sanadkaas 7 bilood kadib markii la waayay declan nin ugaadhsato ah oo ku ugaadhsanayay sakaaro meel u dhaw buur 

lagu magacaabo "pernes"oo kutaala gobolka oregon ayaa inta ay sakaaradii ka oraday meel xoogaa baxsan  ka gashay markaas ayaa isaguna inta uu geeskale ka soo galay oo jid gaaban soo qaaday

isyidi xagaa ka soogaad aad sakaarada halkaas ku dishid, jidku waxa uu ahaa jid geesaha iyo xaga horeba ka xiran , xoogaa markii  uu ayuu arkay dhar qof oo jarjaran xoogaa yarna markii uu

sii socdayna waxaabuu arkay jir binu aadam oo qaawan oo geed dabadii fadhiya oo gadhka iyo gafuurka iskula jira sidii inay dhaxani haysay ama aad uu u baqsanaa oo wax ka cabsanaayay ayuu madaxa qarsaday

ninkii markiiba waxa uu  wacay booliskii oo uu u sheegay waxa uu arkay, booliskii markii ay yimaadeen ninkii ayay waydiiyeen waxa uu ka qabanaayay meeshan khatrta ah iyo sida uu u soo helay jirkan, isaguna waxa uu u

sheegay inay sakaaro la gashay meeshan.

markii ay baareen dharkii waxa ay ka heleen ID uu ku qornyahay magaca qofkii iska lahaa oo ah declan, declan isaga iyo dharkiisaba  waxa laga helay meel u jirta 14.5km meeshii laga helay gaadhigiisa 7 bilood ka hor, 

mobilkiisiina waxa laga soo helay jeebabka dharkiisii, kaliya alaabtii uu wiilkaasi gurigooda kala soo tagay waxa ka maqnaa teendhadii ,maydkii ayay qaadeen booliskii si loo soo baadho sababta uu u dhintay iyo waxa keenay dhimashadiisan argagaxa wadata ,

waxna waa ka waayen  xitaa in bahal sumaysan qaniinay ama daraagis uu cabay waxba lagama helin jidhkiisii si dabiici ah ayuu u dhintay.

waxa yaabka ku dhaliyay waxa ay ahayd waxa keenay inuu dharka iska bixiyo oo uu jarjaro sidii inuu bahal u dhex galay.

Aakhiritaankii dhakhaatiirtii waxa ay ku fasireen sababta uu u dhintay wiilkani in dhaxan aad ah dareemay kadibna maskaxda saameeysay markaas maskaxdii ayaa wareertay waxa ayna iska dhaadhicisay in kulayl aad ah jiro yacnii cakiska deetana maryihii ayuu jeexjeexay 

si uu hawo u helwo , markii uu arkay in uu kulaylkii sii siyaadayna waaba iska digay dharkii sidaas darteed qabaw ayuu u bakhtiyay , waxa ayna dhakhaatiirtii xuseen xalad noocan oo kale ah oo hore u dhacday .

boolisku waxay soo ogaadeen wax kale oo meesha uu declan u socday waxa u dhaw kaniisad dadka soo boqda siisa shaah lagu daray manshum , manshum waa geed ay ku jiraan daraagis  qofka caba maskaxdiisu inta ay tagto istusaysan wax aan jirin , markaasaay waxa ay ku soo afmeereen 

waxa laga yaabaa inta uu kaniisada tagay inanku shaaha soo cabay, waana sababta keentay inuu istuso inay baacsanayaan  dad raba inay dilaan, sheekadii uu sara u sheegay isla maalintii la waayay , waxaas oo dhani waa wax ay boolisku saadaaliyeen in ay tahay sababta dhimashada declan.

Adigu akhriste maxaa sababay baad isleedahay dhimashadan ? aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin Akhrinta sheekanad , waxa aan rajaynayaa inaad la socondoonto maqaalada barteenan ifiye aan ku soo gudbino way ku cajabin doonan .

salaam dhamaan asxaabta qiimaha leh.

  


Post a Comment

0 Comments