maah-maahyo ka bilowda {U, W, X}
maah-maahyo ka bilowda xarafka {U}
1:Ugaadha tii ugu hor boodaa ma badbaado
2:ul aad dameer ku dhufatay aakhiray ku sugaysaa
3:Ul jiiftaa ma jabto
4:Ul qaloocan ma yeelato hadh toosan
5:Ul waa ishii indhoolaha
6:Uli waa qaboowdaa laakin eray xumi ma qaboobo
7:Ushu intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa
8:Ushaada nimaadka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa
9:Usha doqonta agteeda ku dhufo haday garan weydana iyada ku dhufo
10:Uskagba uskag baa saara
maah-maahyo ka bilowda xarafka {W}
1:Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
2:wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela.
3:wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan
4:waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee.
5:waalida ninkii soo baraa laga waraystaa.
6:waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho
7:weel waliba wixii ku jiruu dhididaa.
8:weylasha biree dibigu ha ku quustee.
9:Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
10:waano dhalan baa ka adag.(ka roon)
11:Waari mayside war hakaa hadho.
12:Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
13:waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
14:waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa.
15:Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
16:Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
17:Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan.
18:waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa.
19:waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan
20:Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa
maah-maahyo ka bilowda xarafka {X}
1:Xog mooge xaajo waa dilaa.
2:Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
3:Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
4:Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa.
5:Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
6:xadhko geel ma wada xidhaan.
7:Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
8:Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude.
9:Xarrago dumar xanuun ma leh.
10:Xiiso iyo xoorba way gudhaan
Dhamaad waxa halkaas inoogu soo dhamaaday maah-maahyo ka bilaabanaayey xarfaha {Btjx}

0 Comments