1:Qofka aan shakhsiyadayda garanayn xaq uma laha in uu aniga i xukumo wuxuu rabana igu sheego qofkaan i qadarinayn ixtiraamna ii hayn kama malaysanaayo in uu wanaag dhankayga ka sheegayo karaamadayda iyo sharafta naftayda dhamaan wey ka saraysaa qofna ma mudna inaan naftayda u duleeyo xitaa ilbidhiqsiba alle ha ka dhigee ku jawaab sidaas marka lagu xaqiro isku kalsoonoow marnaba hoos ha isku dhigin muuji inaad tahay qof adag
2:iska indho tir shay walba oo kaa fogaynaayo inaad farxad ku noolaato xorna ahow weligaa
3:Ahow sida aad tahay wax aanad ahayn ha iska dhigin cidii kugu jeclaanaysaa hakugu jeclaato cidii kugu nacaysaana hakugu nacdo
4:Dabeecadaada ha bedelin si aad iyaga u raali geliso,codkaaga ha bedelin si uu iyaga u cajabiyo, mabda'aaga ha khilaafin si aad iyaga u waafaqdo ,ha iska dhigin wax aanad ahayn si aad raali ahaanshahooda u gaadho ,adigu waxaad leedahay shakhsiyad ku noolow oo samee wax raali gelinaaya rabigaaga adna rabigaaga ayaa ku raali gelin doona
5:Qof weliba oo kuu soo dhawaada macnaheedu maaha inuu dhagar kula maagan yahay ama uu ku dhibaataynaayo quluubta qaar ee wanaagsan waxay raadisaa kuwo kale oo la mid ah
6:Dadka guulaysta maaha kuwa keliya xaqiijiya guusha la taaban karo ee waa kuwa marka ay fashilmaan aan is dhiibin ee ku sii adkaysta si ay u xaqiijiyaan guul
7:Hadaad dareento in daruufaha oo dhan lid kugu yihiin dadku kaa hor imaadeen waxaad ogaataa in diyaaraduba u duusho dhinaca hirka dabayshu ka yimaado u dabaalo dhinaca hirku kaaga imanaayo gacantaadana ku jeex wadadii aad mari lahayd
8:Hadaadan ku qanacsanayn meesha aad joogto hada dhaqaaq oo bedel meeshaas aanad ku qanacsanayn ileen ma tihid geed meesha ka baxaye
9:Hadaad doonayso inaad mudo kooban ku noolaato farxad aargooso laakiin haddii aad doonayso inaad ku noolaato farxad weligeed ah dadka iska saamax
10:Saddex waa laga maarmaan inaad maskaxda ku hayso mar walba:
- geerida ka badbaadi maysid
- aduunyadana raaxo dhamaystiran ku heli maysid
- hadalka dadkana ka badbaadi meysid
11:Saddex samee saddex ka hor:
- intaadan hadlin ka hor ka fikir,
- intaadan qof xukumin adigu is dhig booskiisa
- intaadan quusan ka horna iskudayga ku celceli.
12:Shan shay oo muhiim ah ayaad noloshaada u baahan tahay si aad u guulaysatid:
- Naftaada oo aad ku kalsoonaato
- Inaad ku adkaysato inaad fulinayso
- waa inaad maalin walba khayr malaysato
- waa inaanad qofna isla barbardhigin
- Inaanad dhagaysan kuwa ku niyad jabiya
13:Oday xikmad badan ayaa wiilkiisa waxa uu ku yidhi wiilkaygow noloshaada saddex haka tanaasulin:
Cuntada ugu fiican inaad cunto, furaashaka ugu fiicana inaad ku seexato, guriga ugu fiicana inaad degto, wiilkii ayaa ku yidhi oo fuqaro ayaa aynu nahay ee xagee ayaan ka helayaa intaasba odaygii ayaa ugu jawaabay marka aad gaajooto oo aad cunto cuntaa waa cuntada ugu fiican, marka aad daasho furaashka aad ku seexataana waa furaahska ugu fiican dadka oo aad si fiican ula dhaqantaana waxay kuu ogalaanaysaa inaad quluubtooda degto kaasina waa guriga ugu fiican
14:Saddex ayay sameeyaan dadka guuleystaa:
- waxa ay malaystaan hadafyadooda,
- waxay ka sheekeeyaan hadafyadooda ,
- waxayna aaminaan inay ka xaqiijinayaan hadafyadooda
15:Way ku dhibayaan oo wey ku fawdaynayaan weliba sharaftaada meel uga dhacayaan si ay u soo saaraan waxa ugu xun ee gudahaaga ku jira kadibna markay arintaaas arkaan ayaa waxa ay dhahayaan "noocaas ayaad tahay"!! maya walaal anigu noocaa ma ahi ee waa nooca aad adigu doonayso
16:Maamuluhu waa nin yimaada xili danbe kadib markaad adigu soo hormarto xili hore ayuu yimaadaa markaad adigu soo dib dhacdo keliya adigu ilaali qawaaniinta idiin taala
17:Xukunku waa natiijo xikmad ka dhalata,Cilmiguna waa natiijo garasho ka dhalata,qof aan xikmad lahayn xukun ma leh, qof aan garasho lahayna cilmi ma leh haddii aanad intaaba lahayn iska aamus kana korodhso dadka kale cilmi iyo xikmadba adiga oo aamusan waayo markaad aamusantahay lama garanaayo waxaad tahay
18:Marka dadka ehlu xaqa ahi baadilka ka aamusaan kuwa baadilka wadaa waxa ay isku maleeyaan inay xaq ku sugan yihiin
19:Iska ilaali su'aalo aan wacnayn inaad dadka weydiisid labada waalid ha weydiin sidee buu ilmihiinu u dhintay ha weydiin nin shaqo la'aan ah gaar ahaan isaga oo raga dhex fadhiya maxaad ka shaqaysaa, nin xaaladiisu iska meel dhexaad tahay ha odhan intee in leeg ayaad qaadataa, qof faqiir ah ha weydiin ma lacag baad u baahan tahay balse sii adiga oo aan weydiin,taas ayaa deeqsinimo ah martina ha weydiin maxaad ubaahan tahay ma cabitaan mise cuno ayaad u baaha tahay balse sharaf martidaada adiga oo aan wax su'aal ah weydiin
20:Waan jeclahay nafaha noocaas ah ee marka ay ku arkaan adiga oo murugaysan ku dadaala in ay kuu soo sheegaan akhbaar fiican si ay kaaga farxiyaan
21:H a xumayn weligaa qof ku jecel ha ku odhan mashuquul baan ahay qof kuu baahan ha qiyaamin qofka kugu kalsoon ha hilmaamin shaqsiga isagu mar walba ku soo xasuusta
22:Saddex ka digtoonow:
inaad ballan qaado marka aad faraxsan tahay waayo hadhow xaaladaas markaad ka baxdo ma fulin doontid oo sheekaduba way isku kaa rogi doontaa,
Inaad jawaab bixiso markaad cadhaysan tahay sababta oo ah markaa waxa aad bixin doontaa jawaab ad mardanbe ka shalayn doontid,
inaad go'aan qaadato adiga oo murugaysan sababta oo ah xaaladaadu markaas iskuma dheeli tirna oo dhinac ayaad u badan tahay
23:Saddex ka mid ah dadka ka digtoonow:qofka khiyaanoolaha ah, qofka dulmiga badan iyo qofka isku dirka badan
24:Ha noqon mid jilicsan oo dhirbaaxo walba dhulka dhigi karto naxdintu dhabarka ka jabinayso, fashilka isku dhiibaaya, noqo qof karti leh waqtiga aynu hada joognaa ma aqbalaayo qof jilicsan
25:Hawl aad qaban lahayd maanta beri ha u dhigan marka laga reebo shayga aanad rabin inaad qabato inta aad nooshahay kama adkaan kartid qof aan quusanayn
Waxaan rajaynayaa in ay inuun kaa amfaceen ama aad wuxuun kala baxday la soco qaybaha kale ee kala duwan sida taariikhaha,maahmaahyaha,sheekooyinka,aqoon korodhsi
DHAMMAAD

0 Comments