1:KU sare mar mustawaha iyo darajada hadalkaaga ee maaha codkaaga
2:waa roobka kan soo bixiya ubaxa ee maaha codka onkadka kaas oo dhacaya marka uu roobku da'ayo
3:qalbiyada fasahaadsan waa shan:
- way dambaabayaan iyaga oo hadhow toobadkeen is leh
- cilmiga ayay bartaan kumana camal falaan
- arsaaqda alle ayay quutaan kuman shugriyaan
- wixii alle u qaybiyey kuma qancaan
- mid dhintey ayay aasaan kumana waano qaataan. allow shantaa noocba naga badbaadi
4:Saddex xaaladood markaad ku jirto ayay dadku kaa halaan ama wax kaa sheegaan:
- marka aysan haysan wax aad haysato
- marka aysan awoodin in ay adigaa oo kale noqdaan
- iyo marka ay awoodi waayaan in ay ku soo gaadhaan.
5:Arin layaableh markaad qof amaanaysodadka oo dhan way ku dhegaysanayaan laakiin markaad qof caayayso dadka oo dhan way kuu jiibinayaan
6:Hortaada waxaa yaala alwaax iyo dahab alwaaxu wax qiimo ah ma le marka dahabaka loo eegayo laakiin adiga oo ku sugan badda dhexdeeda markaad ku sigato inaad qarqoonto waxa ugu horeeya oo aad cuskataa waa alwaaxa oo dahabku wax qiimo ah maleh haddaba ilaasho cidkasta oo kugu qaali ah
7:waan iska saamax si aan raaxo iyo furfurnaan u dareemo waan iska hilmaama si aan u dhoola cadeeyo waan aamusaa sababta oo ah ma doonayo inaan doodo ama murmo waan is moogaysiiyaa sababta oo ah maba mudna inaan waqti ku bixiyo waan sabraa maxaa yeelay kalsoonida aan alle ku qabo xad maleh nafta wanaagsan mahanto ilaa qof waanaagsan mooyee haddii aad doonayso inaad ku noolaato farxad weligeed ah dadka kale iska saamax
8:Saaxiibka dhabta ah adiga oo aan la hadlin ayuu ku saamaxaa wuu ku rumaystaa adiga oo aan cadayn u keenin wuu kuu naseexeeya oo wuu kula taliyaa isga oo dan gaarana kaa lahayn wanaaga ayuu ku xasuusiya isaga oo wax dan gaara kaa lahayn
9:Suurtagal maaha waxaa laga helaa qaamuuska nacasyada
10:Guusha waxaa iska leh kuwa ugu adkaysiga badan
11:ilaa aad baalasha kala bixisid ma garan kartid intaad duuli karto
12:daawada ugu fiican jidhka waa maskaxda oo degen
13:Waxaa jira hal nooc oo tuuga sharcigu uusan qaban,oo ka xada dadka waxa ugu qaalisan oo ah waqtiga. Tuugtaasi waa kuwa waqtigaaga luminaya.
14:Taariikhda waxaa qora guuleystayaasha
15:siyaasada weligaa dib ha uguran weligaa dib ha u noqon weligaa qalad ha qiran
16:qaniyada kuma jiraan kuwa haysta maalka, laakiin waxay ku jiraan kuwa adeegsada waxa laga sameeyo lacagta
17:Ninka runta ah cidna nacayb uma qaado
18:Kacaan lama samyn karo,lamana joojin karo waxa keliya ee la samyn karaa waa in caruurtisa mid ka mid ah loo sheego jihada loo afuufayo guusha
19:Ma jiro wax ka dhib badan kana qaalisan inaad wax go'aan ka qaadan kartid
20:qaado waqti aad uga fikirto laakiin marka uu yimaado waqtiga ficilku jooji fikirka oo ku dhaqaaq
21:Dadku waxa ay u dagaalamaan dantooda in kabadan xuquuqdooda
22:Aduunku kuma burburo kuwa sharka badan xumaantooda laakiin waxa uu ku burburaa kuwa wanaagsan itaaldaridooda
23:Waa inaan la mamnuucin shayga aan loo hayn awood lagag hortago
24:Waxaad xoogsataa marka aad ka hortagto guuldarada oo aad khasaaraha iyo guuldarada u bedesho guul
25:Waxaa jira laba awoodood oo ragga mideeya waa cabsida iyo maslaxada
26:Weligaa ha ka dhex gelin cadawgaaga marka uu qalad samaynaanyo
27:marar badan hala dagaalamin hal cadow hadii kale waxaad isga baraysaa farasamadaada dagaalka oo dhan
28:saaxiibada waa in had iyo jeer loola dhaqmaa sidii in ay maalin uun cadaw noqon doonaan
29:farshaxnka dagaalka waxa ka mid ah inaad waqti hesho marka awoodaadu liidato
30:markaad wax go'aan sato ku dhegenow ma jiraan wax la yidhaahdo "haddii" ama "laakiin"
31:geeridu waxba ma aha laakiin inaad maalin walba la noolaato guul daro iyo sharaf daro waxay la mid tahay inaad maalin walba dhimato
32:nacasku wuxuu leeyahay mar walba hal faa'ido oo weyn oo uu fariidka dheer yahay nacasku mar walba wuu ku qanacsan yahay naftiisa
33:Afar wergays oo cadow ah ayaa ka cabsi badan kun mindiyood
34:Ruuxii ka baqaya in la qabsado waa hubaal inuu jabayo
35:Dadku wanaagaaga waxa ay xasuustaan waqti yar mar haday iloobaan waa weligood
36:Dadka hamiga sare leh waxay doonayaan farxad laakiin waxa ay helaan caanimo iyo magac
37:Halyeeyadu waa dhimbiilo dab ah oo luugu talagalay in ay gubtaan si ay dhulka u ifiyaan
38:Qabsashada iyo xukumida weligeed waarta ee aan laga qoomamayn waa qabsashada iyo xukumida naftaada
39:Dadka dulmiga neceb waxaa ka mid ah kuwo badan oo jecel in ay wax dulmiyaan
40:si degdeg ah ayaynu u soconaa marka aynu keligeen soconayno
41:waqtigeena cidna fikir kama haysaato waxa muhiimka ah anigay ii taalaa inaan tuso iyaga
42:sida kalya ee aad faqiir ku ahaanayso waa inaad daacad noqotid
43:mela awaalku waa waxa xukuma dunida.
44:hadii aad dhisto ciidan 100 libaax ah oo hogaa miyahoogu yahay ey ,dagaalkasta libaaxyadu waxa ay u dhintaan sida eeyda oo kale, laakiin hadii aad dhistidid 100 ey oo hogaamiyahoodu uu yahay libaax waxay udagaalamayaan sida libaaxyada oo kale.
45:guusha mar waliba maaha inaad dagaal ku guulaysato, mar kastooaad kufto inaad dib kacdowaa guul.
46:sabaabta dadka badankoodu ufashilmaan halkii ay guul gaadhi lahaayeen,waxa aymarakaste ubaayeen waxay ku bedeshaan waxay xilligan ubaahan yihiin.
47:sida kaliya ee lagu hoogaamin karo dadka waa in la tuso mustataqbal, hogaamiyuhu waa ganacsede rajo leh.
48:sida ugu wanaagasan ee qof walba faqri looga dhigi karo waa in lagu adkaysto sinnaanta hantida
49:muhiim maaha in runta la aaso waxaa kaliya oo ku filan in dib loo dhigo ilaa qofna uusan dan ka lahayn
50:Geesinimadu maaha awood aad wax ku sii wadi kartolaakiin waa in aad wax sii wadi karto marka aanad awood lahayn
51:askartu guud ahaan iyagaa ku guulaysta dagaaalada laakiin jeneraalada ayaa sumcad ku hela
52:mar waxaan ahay libaax marna waxaan ahay dawaco sirta dawladnimo oo dhami waxay ku jirtaa ogaanshaha goorta la noqonayo labada midkood
53:waxay u baahan tahay geesinimo dheeraada si aad ugu adkaysato dhibta intii aad dhiman lahayd
54:kartidu waxba ma tarto hadaysan fursad jirin
55:Dadka laga cabsadaa maaha kuwa ku khilaafsan ee waa kuwa ku khilaafsan ee is qarinaaya
Dhammaad waxaan rajaynayaa in ay dhamaantiin idin anfaci doonto lana soco qaybaha kale ee bogayaga

0 Comments