Kalsoonida waa shayga ugu muhiimsan ee uu ruuxu u baahan yahay sii uuga tago meel una tago meel kale oo ka qurxoon kalsoonidu waa awood aad dadka ugu sheegi karto asal
ahaan qofka aad tahay kalsoonidu waa furaha aad ku furi karto albaabkasta oo kaa xidhan kalsoonidu waa waxa jaangoynaaya kolba farxadaadu inta ay leeg tahay haddaba raac talaabooyinkan soo socda si aad kalsooni adag u dhisato.
"ASC" dhamaan asxaabta qaaliga ah maanta waxaan rabaa in aan idinla wadaago sida aad kalsooni adaga u dhisan lahayd qoraalkan waxa uu u kala qayb san yahay 3 qaybood oo kala ah:
1:Sidee ku dhisi kartaa kalsoonida naftaada
2:Calaamadaha lagu garto dadka isku kalsoon
3: maxay yihiin wax yaabaha burburin kara kalsoonida naftaada
Sidee ku dhisi kartaa kalsoonida naftaada.
Mid ka mid ah sababaha aanay dad badani awood ugu yeelan in ay dhisaan kalsoonida naftooda waa iyaga oo aan marnaba ogaan sababaha rasmiga ah ee ka danbeeya kalsooni daradooda haddii aad wada hadal la yeelato koox dad ah oo aan isku kalsoonayn waxa aad ogaan doontaa in mid waliba uu sabab gaar ah bilaa kalsooni u yahay taasina waa sababta ay muhiimka u tahay in aad ogaatid sababha kuu gaarka ah ee aanad ikugu kalsoonayn kadibna aad ka shaqayso melaaha aad kalsooni darada ka dareemayso si aad u dhisto kalsoonida naftaada halkan waxa aynu ku eegi doonaa
5 qodob oo aad ku dhisi karto kalsoonida naftaada:
1)Dhibaato kaa haysata muuqaalkaaga;
Maxaad u dareentaa kalsooni badan markaad xidhato dhar cusub ama dharkaaga ugu quruxda badan sababtu waxa ay tahay muuqaalkii aad ka haysatay naftaada ayaa isbedelay bal hadaba ka waran haddii aanu qof ku qanacsanayn muuqaalkiisa staylkiisa ama qaab jidheedkiisa miyaanay taasi saamaynayn kalsoonidiisa haa dabcan way saamaynaysaa taassina waa sababta ay muhiimka utahay in uu dhiso muuqaalka uu ka haysto naftiisa sii uu kalsooni buuxda uu ugu qabo naftiisa
2)Xirfado la'aan;
Haddii aad aaminsanatahay in aanad xirfad kugu filan lahayn si aad u qabato hawl gaar ah tusaale in qof aanad garanayn aad la hadasho waxa aad dareemi doontaa walaac iyo diiqad walaacuna inta badan waxa uu muujiyaa kalsooni daro haddii aad walaac ama diiqada aad dareento marka aad hawl qabanayso waxa aad u baahan tahay in aad xirfada hawshaa si fiican iskaga dhisto haddii ay kugu adag tahay in aad la hadasho qof aanad garanayn waxa aad u baahan tahay in aad iska dhisto xirfada aad u leedahay xidhiidhkaaga bulsheed iyo sidoo kale in aad dhisto xirfadaada dad la sheekaysiga
3)Aragti been ah oo aad aaminto;
Dadka bilaa kalsoonida ahi waxa ay arkaan waxyaabo aan jirin waxa ay si qaldan u turjuntaan ficilada dadka waxaana ay samaystaan mala'awaalo been ah iyaga oo aan xataa wax cadayn ah u hayn sida iyaga oo aamina in uu qof aanu jeclayn ama qof si gaar ah uu u neceb yahay ama qof uu u arko in uu liito ama aanu qiimo lahayn si aad u dhisto kalsoonida naftaada bedel mala'awaalka beenta ah ee aad adigu aad samaysato adiga oo naftaada si fiican oo posative ah ula hadlaaya
4) isbarbardhig aan fiicnayn;
Qofka aan isku kalsoonay wax uu sameeyaa isbarbardhig aan fiicnayn isaga oo eegaya meelaha uu ku liito meelahaas oo kuwa kale aanay ku liidan haddii aad rabto in aad naftaada barbardhigto qof kale habarbardhigin kaliya meelaha aad ku liidato ee is barbardhig buuxa samee oo eeg meelaha aad kaga fiican tahay iyo meelaha uu kaaga liito qofkaasi
5) Kalsoonida nafta iyo dhibaatooyinka nolosha;
Awoodaada aad ku waa jahayso dhibaatooyinka nolosha waxa ay si weyn u saameeyaan guud ahaan kalsoonida naftaada haddii aad badanaa ka cararto oo aad iska indho tirto dhibaatooyinka noloshaada waxa si weyn hoos ugu dhici doona kalsoonida naftaada marka aad bilowda in aad si geesinimo leh aad u waajahdo dhibaatooyinkaaga nolosha kalsoonida naftaadu si aad ah ayay sare ugu kici doontaa
Calaamadaha lagu garto dadka isku kalsoon.
7 Calaamadood oo lagu garto qofka isku kalsoon.
1: Kalsoonidiisa oo ka muuqata jidhkiisa
Halka ugu horaysa ee aad qofka ka dheehan karto kalsoonidiisa kahor inata aanad lahadlinba waa qaababka uu jidhkiisa ka muujiyo qaababka jidhaka ee muujiya in uu qofku isku kalsoon yahay waxaa ka mid ah{qofka oo labadiisa gacmood is dul dhiga marka uu taagan yahay iyo marka uu fadhiyoba qaabkan inta ugu badan waxa isticmaala dadka madaxda ah }
Waxa aad u adag inaad aragto qof madax ah oo gacmihiisa isku laabaaya waayo waxa ay muujinaysaa kalsooni daro haddii aad aragto qofka oo labadiisa gacmood is dul dhigaaya xagiisa danbe ee dhabarkiisa taasina waxa ay muujinaysaa in qofkaasi isku kalsoon yahay sidoo kale qaababka qofka isku kalsoon lagu garto waxa ka mid ah qofka oo dhabarkiisu toosan yahay oo si toosan u taagan faraha hore ee gacmihiisa oo uu istaabsiiyo qofka oo talaabo dheer ku socda dhammaan wax yaabahaasi waxa ay muujinayaan kalsooni
qaabkasta oo jidhkaaga ka muujisaa waxa ay qofka maskaxdiisa ku reebtaa xasuus haddii aad isticmaasho luuqada jidhka ee kalsoonida muujinaysa waxa ay dadku kaa aamini doonaan inaad tahay qof isku kalsoon isticmaal qaababka jidhka ee kalsoonida muujiya kalsoonida
labadaada gacmood oo isdulsaaran oo xagaaga hore soo mari ama isdul saar oo xaga danbe mari si toosana u istaag oo dhabarkaaga toosi ama faraha hore ee gacmahaaga is taabsii Ka fogow qaababka jidhka ee muujiya kalsooni darada iyo walaaca sida inaad gacmahaaga isku laabto ama labadaada gacmoodba aad jeebadaha geliso inaad wejigaaga ama qoortaada taabato markaad qof la hadlayso iyo inaad gargariito markuu qof kula hadlaayo ama qof la hadlayso.
2: Qofka isku kalsooni waa qof degen.
Qofka isku kalsoon waa qof marka uu dadka la hadlayo degan oo xasiloon hadalkiisana lama gargariiro walaacna kama muuqdo marka uu dadka la joogo qofka aan isku kalsoonayn waxa lagu gartaa isaga oo walaac dareema marka uu dadka kale ag joogo siiba haday dadkaasi yihiin kuwo aanu aqoon fiican u lahayn.
3: Dadka isku kalsooni waxa ay u dulqaataan cambaaraynta/dhaleecaynta.
Cambaarayntu waxa ay qofka si toos ah u xasuusisaa ciladihiisa iyo meelaha uu ku liito marka aanu qofku isku kalsoonayn ee la cambaareeyo waxa uu cambaaraynataa uga falceliyaa si dhakhso ah isaga oo weliba xanaaqasan dadka aan isku kalsoonayn
waxa ay neceb yihiin cambaaraynta waayo waxa ay xasuusisaa ciladihii ay lahaayeen dhinaca kale dadka isku kalsooni marka la cambaareeyo waxa ay cambarayntaas kaga jawaabaan dhoolacadayn si dhakhso ahna ugama falceliyaan
waxa ay dhagaystaan in ay cambaarayntaasi ay tahay mid wax dhisaysa iyo in kale haddii ay tahay cambaarayntaasi mid wax dhisaysa wey aqbalaan hadii aanay ahayna ma dhibto cambaarantaasi
tusaale: haddii nin xoog weyn oo jimicsaday aad ku tidhaahdid waxa aad tahay caato maxaad filaysaa in uu sameeyo "dabcan intuu kugu qoslo ayuu iskaga kaa dhaqaaqi doonaa "taasi waxa la mid ah qofka isku kalsoon maxaa yeelay wax uu ogyahay wax uu yahay oo cambaarayntu kama turjumayso cida uu isagu yahay
4:Waxa ay wax dhagaystaan in kabadan inta ay hadlaan.
Dadka aan isku kalsoonayni waxa ay hadlaan in kabadn inta ay wax dhagaystaan si ay dadka ugu cadeeyaan in ay muhiim yihiin halka dadka isku kalsooni ay dhagaystaan in ka badan inta ay hadlaan sababta oo ah baahi uma qabaan in la aqbalo qofka isku kalsooni wax uu si dareen leh u dhageystaa dadka kale si uu wax uga korodhsado haddii uu hadalkaagu bato dabcan qofkii waxba kala korodhsan maysaan waxaana laga yaabaa in uu ku karaahiyeysto aamusnidu waa mid ka mid ah calaamadaha kalsoonida
5: Dadka isku kalsooni sababo uma yeelaan ficiladooda marka ay qalad sameeyaan
Dadka aan isku kalsoonayn waxa ay ka baqaan in ay qalad sameeyaan ceebaanay dareemaan haddii ay taasi ku dhacdo haddii qofka aan isku kalsoonayn uu qalad si kama'a ah uga dhaco waxa uu isku dayaa in uu qaladkiisaa cudurdaaro u sameeyo
tusaale haddii uu koob si qalad ah uga dhaco waxa uu isku dayayaa in uu yidhaahdo si fiican umuu saarnayn miiska iyo wax lamid ah taasi ma bedelayso qofka aad tahay xaq baanad u leedahay in uu qaladkaa dhaco maxaa yeelay bani aadan baad taahay haddii aad qaladaad samaysana maaha inaad cudurdaaro u yeesho qaladaadkaaga isku kalsoonow cidna ha u sahrixin qaladkaaga keliya yaqiinso inaad markan qaldantay.
6: Haye ma yidhaahdaan ilaa ay rabaan mooyee.
Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxa ay sheegtay in dadka ay ku adag tahay in ay maya yidhaahdaan ay la kulmaan dhibaatooyin nafsiyadeed sida "diiqad walaac iyo murugo" dadka isku kalsooni waxa ay ogyihiin in farxadooda iyo caafimaadkoodaba ay ku xidhan yihiin in ay dadka kale si cad u yidhaahdaan maya waxa aanay rabin ama aanay waqti u hayn
7:Kama baqdaan inay qof caawimo waydiistaan.
Dadka isku kalsooni waxa ay og yihiin in haday qof caawimo weydiistaan ayna taasi ka dhigayn daciif ama qof aan waxba kagaranayn waxa ay og yihiin wax yaabaha ay ku xoogan yihiin iyo wax yaabaha ay ku liitaan in qof ka khibrad iyo aqoon fiican ay wax weydiiyaana waxa ay u arkayaan hab fiican oo ayku horumarin karaan naftooda
maxay yihiin wax yaabaha burburin kara kalsoonida naftaada.
5 qalad oo aad smayso oo burburinaaya kalsoonida naftaada;
Qofkastaa wuxuu raabaa inuu isku kalsoonaado xataa kuwa isku kalsoon waxa ay rabaan in ay kalsooni farabadan sii helaan sida xaqiiqada ah haddii aad internetka ka baadho sida aad ku dhisi karto kalsoonida naftaada way adag tahay inaad hesho talaabooyin sida saxda ah kaaga caawinaaya inaad kalsoonidaada dhisto taasina waa sababta aan maanta idiinku soo
gudbiyay qormadan ka hadlaysa kalsoonida nafta halkan waxaan kuugu sheegayaa talaabooyin dhisaaya kalsoonida naftaada kuwaas oo hadaad si dhab ah u fahanto ku anfacaaya sida dhab ahaan loogu dhiso kalsoonida naftaada loogana fogaado qaladaadka burburinaya kalsoonidaada
1:Adiga oo aan dhisin xirfadaha kaa dhiman;
Xirfadaha kaa dhimani waxa ay kugu sababaan walaac(ka noq noqosho) waana markaad dareento inaanad xirfado kugu filan lahayn si aad si guul leh uga gudubto xaaladaas kalsoonida naftuba waa in aad dhisto xirfadaha kaa maqan ee aad ubaahan tahay si aanad diiqad iyo kalsooni daro kuugu abuurin.
2:Adiga oo aan danayn ama aan ka shaqayn muuqaalkaaga iyo style-kaaga;
Xaqiiqo ahaan muuqaalka xun ee uu qofku naftiisa ka haystaa waa mid ka mid ah wax yaabaha ugu waaweyn ee sababa kalsooni darada inaad dhisto kalsoonida aad ka haysato muuqaalkaaga waa talaabo aad ugu muhiim ah dhisida kalsoonida naftaada haddii aanad ku
qanacsanayn muuqaalkaaga isla markaana aanad waxba ka bedelin waxa lagayaabaa in ay kugu abuurto kalsooni daro tan macnaheedu maaha inaad midabkaaga bedesho ama aad qaliin quruxda ah isku samayso balse macnuhu waa in aad shisto muuqaalka aad adigu iska haysato ee maskaxda kuugu jira ka shaqee staylekaaga isla markaana ogow dharka kugu haboon ee staylekaaga saxaaya sidoo kale jimicsi samee si aad jidh qaabaysan u yeelato.
3:Adoo u maleeya in ay tahay inaanad diidmaba la kulmin;
Dadka isku kalsooni maaha dadka aan weligoodba la diidin laakiin waa kuwa aan wax ahmiyad ahba siin diidmada la diidayo isla markaana dhakhso u ilooba dadka bilaa kalsoonida ahi waxa ay diirada saaraan diidmada waxayna ka baqaan in ay qaadaan talaabooyin ay kala kulmi karaan diidmo haddii aan soo koobo {In lagu diido macnaheedu maaha in aad tahay qof xun ama fashilmay}.
4:Adoo u maleeya in ay dadka kale isku kalsoon yihiin;
Dadka aan isku kalsoonayn waxa ay badanaa amisan yihiin in ay dadka kale ka awood badan yihiin ka karti badan yihiin ka sareeyaan waxa cilad ahna ayna lahayn halka xaqiiqo ahaan dadka kale ay ku mashquulsanyihiin ciladhooda ugaarka ah inka badan inta ay ku mashquulaan ciladaha dadka kale
Hal talaabo oo aad u awood badan oo aad ku dhisi karto kalsoonida naftaada: waa in aad naftaada xasuusiso markasta oo aad la kulanto dadka kale in ay iyaguba yihiin bani'aadam oo ay leeyihiin cilado iyo meelo ay ku liitaan oo aanay waxba kaa sarayn.
5: Adigoon xalin karin dhibaatooyinka noloshaada;
Ma ogtahay in heerka kalsoonida naftaadu ay ku xidhantahay awooda aad kula tacaasho dhibaatooyinkaaga gaarka ah waxa aad ahaan doontaa qof isku kalsoon oo faraxsan marka aad aragto adiga oo xalinaaya dhibaatooyinka iyo caqabadaha kusoo waajahaaya taasina
waxa ay sababi doontaa in ay ku dareensiiso kalsooni dhinaca kale marka aad ku fashilanto inaad la tacaasho dhibaatooyinka maskaxdaadu way kaa amin ka bixi doontaa waxaanad noqon doontaa qof bilaa kalsooni ah raadi oo ogow arimaha muhiimka kuu ah ee aadka kuu khuseeya intaa kadibna ka shaqee sidii aad ula tacaali lahayd haddii aad sidaa samayso xaqiiqo ahaan waxa aad noqon doontaa qof isku kalsoon.
Ugu danbayn kalsoonida macnaheedu maaha dhamystirnaan qof walba dhaliilo ayuu leeyahay ma jiro qof dhamaystiran laakiin waxa aad muhiim u ah in aad naftaada kalsooni ku qabto waxaanad ogaataa in aad tahay qof gaar ah oo cid la mid ahi aanay jirin sii naftaada farxad oo isku kalsoonow
Waxa aan rajaynyaa in aad inuun faa'ido kala baxday subscribe gree page ka lana soco Articleska kale ee pageka si aad intaa iyo in ka badan ba aad uga faa'idaysato
DHAMMAAD
good luck to you all

0 Comments