7 dan caado haddii aad leedahay waa in aad si dhakhso ah u bedeshsaa (very dangerous)

 


1: adiga oo suga inaad maalin uun aad  wax qaban doonto

Mar walba ma isku aragtaa adiga oo qorshayaashaada dib u dhigaaya tusaale haddii aad doonaysay inaad wax aqrido ama aad xirfad cusub aad barato ama jimcsi aad samayso inaad tidhaahdo maalin uun 

baan hawshaa qabanayaa  iyo wax la mid ah taas oo kugu keenaysa in aadan qorshayaal iyo hadafyo macno leh aanad kaga xaqiijin caadada noocan ahi wax ay burburin kartaa noloshaada .

2:Adiga oo wax kasta si shakhsiyan ah u qaata

Wax kasta oo layidhaahdo iyo ficil kasta oo la sameeyo ma u malaysaa in adiga laguula jeedo oo ay adiga wax kaa qaldan yihiin caadada noocan ahi wax ay kugu kalifi doontaa in aad aaminto waxyaabo aan jirinba sida in aad u malayso in adiga lagu wada necebyahay in waxyaabo la mid ah sida oo kale 

waxa ay sababtaa kalsooni-daro  taas oo laga yaabo in waxyaabahaas badankoodu aanay ku qusaynba haddii aad tahay dadka sidan u fikira iska badal caadadan adiga oo naftaada iyo fikirkaagaba ku beeraaya fikiraka dhanaka wanaagsan (positive thinking) ka digtoonow in aad burburiso kalsoonida naftaada .

3:Adiga oo aan diirada saarin wax ku gaadhsiinaaya hadafyadaada

ka digtoonow in aad waqtigaaga ku lumiso wax aan macno kuugu fadhiyin haddii aad jeceshahay in aad gaadho hadfayadaada nolosha ka fogow waxyaabaha waqtigaaga qaadanaaya kuwaas oo hadafyadaada aan ku gaadhsiinay saar diirada qorshayaashaada kagana xaqiiji guulo waaweyn guushu waa 

waxqabadyo yar-yar oo laysku geeyay kuwaas oo aad maalin walba ku celceliso sidaa awgeed ka taxadir in aad qorshayaashaada ka mooganaato waayo waa mid ka mid ah caadooyinka burburin kara noloshaada 

4:Cadhadaada oo aad kaantarooli weydo

Iska ilaali in aad kaantaroolka weydo marka aad cadhooto waayo wax aad ku dhici kartaa qaladaad waaweyn oo aad ka murugooto marka aad cadhooto waxa aad qaadan kartaa go'aamo aad u qadhaadh kuwaas oo aan u qalmayn in aad fuliso isku day in aad aamusto marka aad cadhooto iskuna day in aad 

naftaada waqti dhowr daqiiqo ah la qaadato isna dajiso wixii intaa ka danbeeya ka fikir waxa aad kaga jawaabi lahayd waxaasi kugu kalifay in aad cadhooto dhab ahaantii waxa aad qaadan doontaa go'aan aad u cajiib ah lagamana yaabo in aad ka murugooto ama aad ka qoomamayso go'aanka aad markan 

qaadato haddii aad aamusto marka aad cadhooto wax aad noqon doontaa qof aad u awood badan ka digtoonow in aad kaantarooli kari weydo cadhadaada waayo waa mid ka mid ah caadooyinka burburin kara noloshaada 

5:Isbarbardhig indho la'aan ah

 ka digtoonow in aad naftaada mar walba barbardhigto dadka kale adiga oo ka eegaaya dhanka ay kaaga wanaagsan yihiin oo keliya haddii uu qofkaas aad naftaada barbardhigaysaa uu dhinac kaaga wanaagsan yahay habar bardhigin dhincaas oo keliya ee eeg meelaha aad iguba kaga wanaagsan tahay 

kuwaas oo uu jeclaan lahaa in uu yeesho ama helo haddii aad isbarbardhig samynayso is barbardhigaaga isku dheelitir iska ilaali in aad samayso Isbarbardhig indho la'aan ah waayo caadadani waa mid ka mid ah caadooyinka buburin kara noloshaada 

6: Mobilkaaga isticmaalkiisa waqti dheer oo belwad kaa noqda

Isticmaalka mobilka iyo tignoolajiyada oo aad waqti badan ku qaadataa waxa ay burburin karaan noloshaada tignoolajiyada waxa loo sameeyay in ay nolosha inoo fududeeyaan ee waxa laga maarmaan 

ah in aad garato sida looga faa'idaysanaayo tignoolajiyada waa seef laba af leh waxa ay leedahay dhinac wanaagsan iyo dhinac xunba haddii aad xirfado barato  bugaag akhriso luuqado barato iwm waxa aad uga faa'idaysatay dhanka wanaagasan haddii aad 7/8/saac iyo wax ka badan oo bilaa faa'ido ah aad 

daawatana waxa aad ka dhaxli doontaa mustaqbal xumo caajisnimo diiqad ka digtoonow in uu Mobilkaaga isticmaalkiisa  belwad kaa noqda waayo waa mid ka mid ah caadooyinka burburin kara noloshaada.

7:Naftaada oo aad aamini weydo ama aad ka shakido.

In aad naftaada iyo awoodahaga aad ka shakido ama aad aamini waydaa waa mid ka mid ah caadooyinka xun ee burburin kara noloshaada in aad dareento in aadan xirfad lahayn ama aanad caqli lahayn ama aanad karti lahayn  iyo wixii la mid ah  waxaa ay kaa hor istaagi karaan fursado badan oo 

cajiib ah oo aad nolosha ka dhaxli karto dhamaan fikradaha caynkaasi waxa kalifi kara caqabadaha nolosha iska saar fikradaha caynkaas ah haddii weligaa lugta ayay ku haysanayaan aamin awoodahaaga oo marka uu kugu soo dhaco fikir kuu sheegaaya in aad hawl fuliso iska saar fikradaha qaldan kuna 

badal in aad hawshaa qaban karto guul aad gaadhi karto in aad hawshaa ku haboon tahay xirdeedana aad leedahay iyo fikirada la midka ah ka digtoonow in aad Naftaada oo aad aamini weydo ama aad ka shakido waayo waa mid ka mid ah caadooyinka burburika noloshaada.



Post a Comment

0 Comments