Akhriste waxa dhamaaday sanadkii 2023 waxaan bilaabmaaya 2024 yacni waxa tagay hal sano
oo cumrigaaga ka mid ah waxa laga yaaba in sanadkii 2023 aad dejisay qorshayaal aad u tirabadan adiga oo rabey in aad kaga xaqiijiso maantana aanad waxba ka hayn waxa loo baahan yahay in aad
u diyaar garawdo sanadka 2024ka adiga oo dhigaaya hadafyo wax ku ool ah hadaba si ay taasi kuugu suurtowdo dhamaystiro Qormadan
Maxaad ka faa'idaysaa in aad hadafyo dejiso?
Waxa aad ka faa'idaysaa “aragti cad “ yacni in ay kuu cadyihiin waxa aad qabanyso iyo halka aad doonayso in aad gaadho sida oo kale in aad ku talo gasho caqabadaha kaa hor iman kara inta aad ku jirto hayaankaa dheer.
Hadafyadu imisa ayay u qaybsamaa
Hadafyadu waxa ay u qaybsamaan saddex qaybood oo kala ah sida tan:
Long term goals:Waxa loo yaqaanaa hadfka qaadanaaya mudada dheer sida 3 sano 10 sano iyo wax ka badan.
Medium term goals: waxa loo yaqaanaa hadafka lagu gaadhi karo mudo dhexe sida 6 bilood ilaa 2 sano.
Short-term goals: waxa loo yaqaanaa hadafyada mudo gaaban lagu gaadhi karo sida 2 week ,
2 maalin iyo iwm
Haddaba in aad qorshahaaga 2024 dejisataa waxa ay noqonaysaa qodobka 2aad kaas oo ah medium term goals
5qodob oo kuu fududaynaaya in aad qorshayso hadafyadaada:
1) Ku xidhnow rabigaa: Waa in aad hadaf ka dhigataa ku xidhnaanta rabigaa sida in aad shanta salaadoodba jamac ku tukato in aad sunayaasha tukato in aad tasbiixsato haddii aanad hore ugu xidhnayn rabigaa hada biloow .
2) U jeedo cad: Waa in aad si fiican u garanaysaa hadafyadaada aad kaga xaqiijinayso 2024 si fiican u xadid una kala shaandhee si aad ugu guulaysato 12ka bilood ee soo socda tusaale: haddii aad doonayso in aad luuqado ama xirfado barato waa in aad xadidaa xiliga aad bilaabayso xiliga aad dhamaynayso halka aad ka baranayso waa in uu qorshahaagu kuu cadaadaa.
3) Ha dejin ahdaaf badan: Marka aad ahdaaf doonayso in aad u dejisato sanadkan 2024ka waa in aad dejisaa hadafyo fudud oo aad gaadhi karto sida in aad skill cusub barato in aad luuqad barato in aad quraanka barato in aad master diyaariso iwm waa in aadan hadafyada badin si aanad ugu dhex dawakhin waayo marka aad hadafyada aad doonayso aad badiso waxa kugu adkaanaysa fulintooda (Focus one thing).
4) Qiimayn samee: Waxa aad fadhiisataa meel degan kadibna si dhab ah isu weydii xaalada aad hada ku sugan tahay Ka hor inta aanad wax qorshe ah aanad dejin dib u eegis ku samee naftaada dib u eeg meelaha aad daciifka ku tahay ama ku liidato meelaha aad ku xoogan tahay sida oo kale dib u eeg qorshayaashaadii sanadkii 2023ka kuwii kuu hirgalay iyo kuwa aan kuu hirgelin eeg caqabadihii kaa hor imaaday dhamaan wax yaabihii ku soo maray sanadkii hore wax ka baro update garee naftaada.
5) Qor qorshahaaga: Marka aad doonayso in aad dejiso qorshayaal iyo hadafyo qor dhawrkaaga qorshe ee aad doonayso in aad kaga xaqiijiso waayo marka aad qorto waxa aad awood u yeelanaysaa in aad dib u eegto badanaa qorshayaasha maskaxda oo keliya lagu qabtaa ma hirgalaan sidaa awgeed qor qorshayaashaada kadibna u istaag hirgelintooda.
Gunaanad.
Marka aad doonayso in aad hadaf dhigato kadibna aad kaga xaqiijiso wey adagtahay weyna dhib badan tahay laakiin waxa loo baahan yahay adkaysi dhafar sabir dedaal iyo juhdi badan Dadka guulaha waaweyn kaga xaqiijiyay hal habeen kumay gaadhin ee way u dadaaleen marka aad doonayso in aad hadafyadaada hirgeliso bedal wax yaabaha yar-yar ee aad maalin walba samayso sida:in aad asxaabtaada bedesho haday hadafkaaga kaa fogaynayaan
in aad waqti lumiska faraha badan aad iska dhaafto in aad dedaalka hadda bilowda kuna celceliso ku celcelinta yar-yar waxa ay dhashaa natiijo weyn .
GOOD LUCK TO ALL.

0 Comments