Qaarada Afrika

Taariikhda africa (History of africa)


 Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn iyo tan labaad ee ugu dadka badan adduunka, oo dhacda waxa ay dhacdaa inteeda badan Hemisphere Bari. Waxa dhanka waqooyi ka xiga badda Mediterranean-ka, galbeedna badweynta Atlaantik, koonfur-bari ee badweynta Hindiya, iyo badda cas oo dhanka waqooyi-bari ka xigta.

Qaaradda Afrika waxa ay caan ku tahay kala duwanaanshiyaha juqraafiyeed ee cajiibka ah, oo ka kooban saxare aad u ballaadhan sida Saxaraha woqooyiga, Savannahs barwaaqada ah, dhul-daaqsimeedka ballaadhan, kaymaha kulaylaha, iyo buuraheeda kala duwan ee faraha badan sida buuraha Atlas iyo buuraleyda Itoobiya. Waxay hoy u tahay noocyo kala duwan oo duurjoog ah, oo ay ku jiraan noocyada caanka ah sida maroodiga, libaaxyada, geriga, wiyisha, iyo zebras. waxaana laga helaa inkabadan lixdan beero qaran ah oo loo dalxiis tago.   

buurta afrika ugu dheeri waa buurta kilimjaaro 5,895m oo kutaal dalka tan saaniya.   

Africa ayaa sidoo kale caan ku ah kala duwananshaheeda dhaqameed, iyadoo in ka badan 2,000 oo qoomiyadood oo kala duwan ay ku nool yihiin iyo ku dhawaad ​​2,000 oo luqadood oo lagaga hadlo qaaradda oo dhan   waxaana ugu waa wayn luuqadaha lagaga hadlo   carabiga ,  sawaaxiliga iyo hawsaha.  Afrika waxa ay sidoo kale qani ku tahay  dhaqameed kala duwan, waxaan ay dhaqamadaas ku xustaa siyaabo badan sida  farshaxano, muusig, qoob ka ciyaar iyo siyaabo kale oo badan.  

harada ugu wayn qaaradana waa harada figtooriya  waana harada labaad ee aduunka ugu wayn waxaana kadhaxaysaa kiinya, tansaaniya, iyo yugaandha

africa waa qaarad mustaqbalka kaalin wayn kuleh , waxa kamid ah khayraadkeeda in ay tahay mida ugu dhalinta yar marka la eego jiilkeedan badan ee soo kacayaa.

Hadaba imisa dal ayay ka koobantahay africa?

si guud Africa waxa ay ka kooban tahay 54 Dal

waxa ayna ururka qaramada midaway u qayabiyaa 5 gobal hoosaad kuwaas oo kala ah waqooyiga afrika bariga afrika , galbeedka africa , africada dhexe iyo koonfurta africa.

1 .aaynu ku bilawno North Africa ama waqooyiga afrika :

waa gobol hoosaad ka kooban lix dal oo kala ah (Algeria , masar , Libyan , Morocco , Tunisia ,  Western Sahara iyo Sudan) ,waqooyiga afrika dadka ku nool waxa lagu qiyasaa 249 m , dalka ugu dadka badana waa Masar oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 113,480,658 dhanka kalana dalka ugu dadka yari waa Libya oo ay ku nool yihiin 6,921,232 oo qof oo kaliya .

dhamaan dalalka dhaca waqooyiga africa waxa ay ka mid yihiin dalalka islaamka ah , si guudna waxa loogu tixgliyaa inay yihiin carab waxa ayna intooda badani ku hadli karaan luuqada carabiga,inkasta oo in badan oo iyaga ka mid ahi ay Aaminsan yihiin inay yihiin  Amazighs ama barbar ka duwan carabta. magaalada ugu dadka badan waqooyiga afrika waa magaalada Qahira ee dalka masar waxaana maanta lagu qiyaasaaa daka ku nool inka badan 20 million oo qof , magaalooyinka kale ee ku soo xiga waxa laga xusi karaa Alexandria oo iyana masar dhacda , iyo magaalada Casablanca oo dhacda dalka Morocco.

2. East Africa ama Bariga afrika :





waa midkan aynu naalno hadii aynu soomaali waa gobol hoosaadka ugu dadka badan waxa uuna ka kooban yahay 18 dal(Burundi ,  Eritrea , Madagascar , Reunion , Somalia , Comoros , Ethiopia , Rwanda , Djibouti , Kenya , Mayotte , Seychelles , Uganda , Mozambique , Zambia , Malawi , Tanzania, Zimbabwe), tirada daka ku noolna waxa lagu shegaa 490,366,409 oo qof  dalka ugu dadka badan bariga africa waa dalka Ethiopia waxaana ku nool 126,527,060 oo qof , dalka cagsiga ku ah ama ugu dadka yari waa Seychelles oo ah dal yar oo jasiirad ah isla markaana dhaca badwaynta hindia waxaana ku nool 107,914 oo ruux , balse waxa uu ku jiraa dalalka ay Africa ku faanto marka la eego dhanka dalxiiska.
bariga africa waxa ka jirta kala duwanaansho badan gaaro ahaan dhanka luuqadaha , qoomiyadaha iyo diimaha , diinta u xoogana waa diinta islaamka iyo Christianity . marka la lilmaamaayo magaalada ugu wayn bariga Africa waa loolan adag waxaana magaalooyinka ugu waawayn ah sida magaalada Nairobi , Addis ababa , Mogadisho , Dares Salaam oo Tanzania ah . mogdisho tiro koob sax ah oo la cuskankaro lagama samayn balse waa magaalo sanadihii danbe aad u soo kobcaysay .ilaha qaar ee populationka qiimeeyaa magaalada ugu wayn bariga africa waxa ay ku tilmaamaan nairobi , halka kuwo kalana ay ku sheegaan addis ababa oo tirada dadka ku nool magaaloyinkan aad ayay isaga ag dhawdahay dad ka badan 5 million ayaana ku nool .

3. West Africa ama Galbeedka africa :


waa gobol hoosaad ka kooban ilaa 16 dal (Benin , Burkina Faso , Cape Verde ,Gambia , Ghana , Guinea , Guinea-Bissau , Liberia , Mali ,Mauritania, Niger , Nigeria , Senegal , Sierra Leone , Togo , Cote D'ivoire) waxaana ku nool 409 million oo ruux , dalka dalka ugu badan ay ku nool yihiina waa Nigeria kaliya galbeedka Africa uguma dad badnaa ee waa dalka qaaradoo edil ugu dadka badan , dunida marka la eegona waa dalka todobaad . 
Tirada dadka ku nool Nigeria waxay sii cago cagaynaysaa 223,804,632 qof xasuusnaw akhriste in Cape Verde ay tahay wadanka ugu dadka yar galbeedka africa waxa ku nool 573,007 ruux oo kaliya waana dal jasiirad ah.
Diinta ugu xoogan galbeedka afrika waa diinta islaamja gaara ahaan waqooyiga galbeed , halka koonfurta galbeedna kirishtaanku ku badanyihiin.Galbeedka africa waxa ka jira dhaqamo iyo luuqado africaanimadu sumad u tahay , waxaan Galbeedka africa sidoo kale lagu yaqaanaa boqortooyooyinkii afrika soo maray sida boqortooyadii Ghana  iyo midee Mali Empire .
magaalada ugu dadka badan galbeedka africa waa magaalada Legos oo mar ahayd caasimada Nigeria waxaana ku nool 15,946,000 oo qof ,magaalooyinka kale ee waa wayn ee galbeedka africa waxa ka mid ah Abidjan oo ah magaalada ugu wayn dalka Cote D'ivoire, magaalada Accra oo ah caasimada dalka Ghana, Kano oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalka Niger .

4. middle africa ama africada dhexe :




waa  gobol hoosaad ka kooban ilaa 9 dal ( Angola , Cameroon , Chad , Republic of the Congo , Democratic Republic of the Congo , Equatorial Guinea , Gabon , São Tomé and Príncipe .)
Dalalka africaada dhex dacana waxa guudo ahaan  ku nool dad gaadhaya 183 million peoples , dalka ugu dadka badana waa Democratic Republic of the Congo "DR Congo" waaxana ku nool 89 million oo qof , si kale hadaynu u nidhaano 183 million ee ku nool africada dhexe 89 million oo ka mid ah waxa ay ku nool yihiin dalka DR Congo , wadanka isaguna ugu dadka yar africada dhexe waa São Tomé and Príncipe hadaba daawade hadaba akhriste  adigu hore ma u maqashay dal magacan sita oo dhaca africa ?!!  waa 231,856  qof  oo kaliya .
Caasimada DR Congo Kinshasa ayaa ah magaalada  ugu wayn africada dhexe waxaana ku nool 16 million oo ruux , sidoo kale xasuusnaw akhriste Kinshasa waa magaalada saddexaad  ee  ugu wayn africa. 
sidoo kale africada dhexe waxa ku taala magaalada afaraad ee africa ugu wayn  waana caasimada dalka Angola ee Luanda sidoo kale waa magaalada labaad ee ugu wayn africada dhexe. 
africada dhexe waxa ka dhacay diwaanka ugu yaala colaado ba'an oo malaayiin africaan ah saameeyey .

South Africa  koonfuta africa :


 waa gobol hoosaad ilaa 5 wadan ah( Botswana , Eswatini , Lesotho , Namibia, South Africa .) Shantan wadan dadwaynaha ku nool waa 68 million oo qof waxayna intooda badani ku nool yihiin dalka South Africa oo ah midka ugu dadka badan gobal hoosaadkan , waxaana ku nool 60,414,495 oo ruux .
dalka ugu dadka yarna waa dalka Eswatini 
waxaana ku nool 1,210,822 oo ruux .
Magaalada ugu wayn South africa  waa Johannesburg ee dalka South Africa waxaana ku nool  6,198,000 oo qof, Magaalooyinka kale ee waawayn ee koonfurta africa waxa ay ku yaalaan iyaguna isla  South Africa sida Durban , Cape Town. 
Marka dib loo rogo bogaga taariikhda arimaha ugu waawayn ee koonfurta africa laga jaleeci karo waxa ka mid ah la dagaalanka nidaamka cunsuriga  ama  (apartheid system)

12. Liiska wadamada africa (List of africacountries)


no

Country

Population
(2023)

Subregion

1

Nigeria

223,804,632

Western Africa

2

Ethiopia

126,527,060

Eastern Africa

3

Egypt

112,716,598

Northern Africa

4

DR Congo

102,262,808

Middle Africa

5

Tanzania

67,438,106

Eastern Africa

6

South Africa

60,414,495

Southern Africa

7

Kenya

55,100,586

Eastern Africa

8

Uganda

48,582,334

Eastern Africa

9

Sudan

48,109,006

Northern Africa

10

Algeria

45,606,480

Northern Africa

11

Morocco

37,840,044

Northern Africa

12

Angola

36,684,202

Middle Africa

13

Ghana

34,121,985

Western Africa

14

Mozambique

33,897,354

Eastern Africa

15

Madagascar

30,325,732

Eastern Africa

16

Côte d'Ivoire

28,873,034

Western Africa

17

Cameroon

28,647,293

Middle Africa

18

Niger

27,202,843

Western Africa

19

Mali

23,293,698

Western Africa

20

Burkina Faso

23,251,485

Western Africa

21

Malawi

20,931,751

Eastern Africa

22

Zambia

20,569,737

Eastern Africa

23

Chad

18,278,568

Middle Africa

24

Somalia

18,143,378

Eastern Africa

25

Senegal

17,763,163

Western Africa

26

Zimbabwe

16,665,409

Eastern Africa

27

Guinea

14,190,612

Western Africa

28

Rwanda

14,094,683

Eastern Africa

29

Benin

13,712,828

Western Africa

30

Burundi

13,238,559

Eastern Africa

31

Tunisia

12,458,223

Northern Africa

32

South Sudan

11,088,796

Eastern Africa

33

Togo

9,053,799

Western Africa

34

Sierra Leone

8,791,092

Western Africa

35

Libya

6,888,388

Northern Africa

36

Congo

6,106,869

Middle Africa

37

Central African Republic

5,742,315

Middle Africa

38

Liberia

5,418,377

Western Africa

39

Mauritania

4,862,989

Western Africa

40

Eritrea

3,748,901

Eastern Africa

41

Gambia

2,773,168

Western Africa

42

Botswana

2,675,352

Southern Africa

43

Namibia

2,604,172

Southern Africa

44

Gabon

2,436,566

Middle Africa

45

Lesotho

2,330,318

Southern Africa

46

Guinea-Bissau

2,150,842

Western Africa

47

Equatorial Guinea

1,714,671

Middle Africa

48

Mauritius

1,300,557

Eastern Africa

49

Eswatini

1,210,822

Southern Africa

50

Djibouti

1,136,455

Eastern Africa

51

Comoros

852,075

Eastern Africa

52

Cabo Verde

598,682

Western Africa

53

Sao Tome & Principe

231,856

Middle Africa

54

Seychelles

107,660

Eastern Africa


Gabagabo (Conclusion)

Afrika waa qaarad leh taariikh qani ah oo kala duwan. Waxa ay hoy u ahayd ilbaxnimadii qadiimiga ahayd, waxa ka jiray boqortooyooyinkii awooda badnaa, waxa soo maray gumaysi ay ka dhaxashay  waayo aragnimo iyo dhaqdhaqaaqyo gobonimo doon ah, waxa ay sii waddaa in ay ka  gudubto caqabadihii ay ku raabeen gumaystayaashii soo maray iyo fursadaha waagii gumaysiga ka habsaamay.waxa kale oo xusid mudan kala  duwanaanshaha juqraafiyeed iyo dhaqameed ee Afrika, oo ay weheliso kheyraadkeeda dabiiciga ah ee badan, ayaa gacan ka geysta muhiimada ay ku leedahay horumarka caalamka maanta. Iyadoo Afrika ay wajaheyso caqabado kala duwan, waxay sidoo kale haysataa awood aad u weyn oo korriin, horumar, iyo isbeddel wanaagsan. Taariikhda qaaradda, dhaqankeeda, iyo dhaqdhaqaaqeeda socda ayaa ka dhigaya qayb soo jiidasho leh oo muhiim ah .

Post a Comment

0 Comments