Waa hordhaca barnaamij uu ka sameeyay TV al jazeera ururka xamaas ee ka dagaalama falastiin kaas oo ay tooshka ku ifinaya qaababka ay ku helaan hubka ay kula dagaalamaan israel .
waxay ku jiraan go'doon waxaana hareeraha kaga hareeraysan hadh iyo habeenba ciidamada israel, kuwaas oo u diidan inay helaan hub ay ku dagaalamaan dalalkii carbeedna waxa ay noqdeen kuwo cidla uga dhaqaaqay una kala tartamaya si ay hishiis ula gali lahayeen guumaystaha israel lakiin wali Falastiiniyiintu gaara ahaan ururka xamaas ee ka dagaalama dalkaas waxay laf dhuun gashay ku yihiin gumaystaha israa'iil go'doonkuna kama hor istaagin hanadshada sawaariikh iyo madaa fiic hormarsan ilaamaantana
ay awood ula'yihiin difaac yada israa'iil iska caabintooda hadaba ururkaka xamaas sidee uhelaa hubka? xaguu usoo maraa? balse umad sanado go'doon ku bad iyo bariba ah ku jiraa sidee u awoodeen iska caabinta guumayste raba in uu duudsiyo dhulkooda?
waxa aan maanta isku dayaynaa inaan jawaab u helno dhamaan su'aalahan oo idil.
falastiin waxa uu ahaa dhulkani mid sanado badan la daala dhacayay guumaysi iyo dagaal, oo ay ku hayeen israelyiintu kuwaas oo doonaya in ay sigabi ahaaba ah uga saaraan falastiiniyiinta dhulka falastiin, badelkeedan ay noqoto falastiin dhul ay leeyihiin yuhuudu dhidibadana u taagaan boqortoyadooda ay Aaminsan yihiin in loo balan qaaday .
falastiin marka laga yimaado goboladeeda iyo deegaanadeeda kale waxa jira gobal la yidhaahdo GAZA oo ah gobal aad u yar waxaan gobolkaas gacanta ku haya urur la yidhaahdo XAMAAS , kaas oo siyaasad ahaan ishayaan ururka fatax ee haya talada maamul ee dalka falastiin.
gobalka qasa waxa uu ku jiraa ilaa 2008dii godoon ay ku soo rideen maraykanka iyo israel ,waxaan laga xiray bad iyo bariba dhamaan xuduudihii ay lahayd, waxaan lagu hareereeyay ciidamo si joogto ah waardiye uga haya ku waasoo yoolkoodu yahay inuusan wax hub ahi galin gudaha qasa, si aysan awood ugu yeelan reer qasa iska caabinta yoolkii ay Israel ku doonaysay ku darsashada qasa dhulkii ay xooga ku haysato .
Hadana iyadoo uu dhulkaasi uu ka jiro go'doon meel walbana ay isha ku hayaan hadana waxa uu ahaa gobalkani mid uu wali soo gali jiray hubku, adeegsan jirayna xeelado dagaal oo marnaba caqliga yahuuda ku soo dhacahayn .
dalka Iran 🇮🇷 ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee hubka siin jiray ururka xamaas. hukan ayaa ka soo shiraacan jiray dakada bandar cabaas ee ku taala dalkaasi Iran waxa aysan ku soo xiran jirtay dakada buurta Sudan ee dalka sudan 🇸🇩 kadibna waxa lagu guri jiray gabaadhi kuwaas oo sii marin jiray xuduuda ay wadaagaan masar iyo sudan , ilaa uu ka sii galo dhulka falastiin.
dabcan gabaadhidani waxa ay ahaayeen kuwo dawlada Cumar Albashir ee ka talin jirtay dawladaasi ay ka war hayn jirtay una ogalaan jirtay in ay maraan dhulkeeda oo lagana soo dajiyo hubkan dhulkeeda .
waana sababta aynu maanta u arkayno in ay Israel dadaal ku bixinayso gacan ku yeelashada nidaamka cusub ee sudan ka yegleelmay si ay gabi ahaanba ay uga soo xidhaan albaabkan uu hubku uga soo galayo falastiiniyiinta .
markii uu la wareegay xilka madaxtinimo ee dalka masar madaxwayne mursi alle ha u naxariistee waxa ay si cad u cadaysay masar in ay garab istaagayso falastiin kuna taageerayso awood wixii ay haysaba , waana arinta keentay in meesha laga saaro Madaxweynihii dalkaasi maxamed mursi badalkiisana waxa ay xooga saartay Israel in ay keento hogaamiye si gabi ahaanba u soo cidhib tira is garab istaag walba oo ay u muujin karto masar dalka falastiin waxa uuna noqday hogaamiyahaasi C fataax Alsiisi , markii uu yimidba waxa uu dusha saartay soo dabar jarida wadooyinkii uu hubku umarijiray falastiin, dabcan waxa joogsamay gabaadhidii xamuulka ahaa ee ka qaadi jiray hubka sudaan gayna jiray falastiin, maxaa yeelay waxa laga xiray xuduudkii waxaana lagu soo rogay ilaalo adag oo u diidaysa in ay si sahlan u galaan dalka masar, taas oo keentay inay xamaas hal abuurto wadooyin kale oo ah inuu hubku u soo maro dhulka hoostiisa wadooyinkan oo u dhisan qab uu sahlaaya in hubka noocyadiisa kala duwani ay soo maraan , halkaas ayay mudo ka soo daad guraysanayeen hubkooda.
markii ay yahuudu fahmeena waxa ay bilaaw masar in dhamaantood ugaadhsato oo ay mid u dumiso ayadoo ku andacoonaysa in ciidamada xamaas ay u adeegsadaan godadkan dilida ciidamada masaarida ah , sidoo kalena waxa ay qodeen dhamaan dhulkii ku hareeraysanaa xadka u dhexeeya labadan dal iyagoo galiyay tiirar aad u mugwaawayn oo ka samaysan shub , sidoo kalena waxa ay ku xidheen xayndaabyo danabaysan oo aan laga soo gudbi karin , si ay meesha uga saaraan iskuday walba oo dib loogu qodikaro godadkaasi , inta ay qodeen dhulkii ku hareeraysnaa magaalada rafa ee dhacda xuduuda masar ayay ku shubeen biyo aad u badan si hadii la qodo dhulka hoostiisa ayagoon dareemin ay biyahaasi u diidaan .
sidookale waxa si joogta ah u waar diyeeyay xuduudka u dhexeeya labadan dal diyaarado helicopter kuwaasoo ilaalo ka haya falastiiniyiinta si aysan ugu ran inay hub soo marsadaan dhulka , waxa ay sidaas ku noqotay qasa gobal dhexda ugu jira seddex cadaw , dhinac waxa ka xiga dhulka ay Israel xooga ku haysato dhinacna masar oo maamulkeedu uu u arko falastiiniyiintu in ay yihiin cadaw, halka ay dhinaca seddexaadna ay ka xigto badu oo iyadana israel iyo maraykanka sidii aynu soo sheegnay ay ilaalo ka hayaan ciidamadooduna ay fariisimo ku leeyihiin dhibaatooyinkan is biirsaday waxa ay ka dhigtay xamaas mid cidlo ku soo dhacda oo garabkeeda ka wayda cid ay taagero ka dhigato laakiin waxa hubaal ah qof uu alle garab taaganyahay inuu san garab kale u baahnayn .
LA SOCO QAYBTA XIGTA


0 Comments