Ku soo dhawoow 50 xikmadood oo noloshaada wax badan ka bedeli doona kuna gaadhi doonta horumar weyn

 


1.Qofna aad ha ugu sii tiirsanaan aduunyadan,sababtoo ah xataa hadhkaaga ayaa kaa hadha markaad mugdi ku jirto

2.Cabsidu kaama celinayso geerida balse waxay kaa celinaysaa nolosha

3.Si aad noloshaada u badasho waxaad u baahan tahay inaad badasho waxayaabaha aad muhiimada siiso

4. Haddii aad laba qof markaliya wada jecashahay,dooro ka dambe,sababtoo ah, haddii aad dhab ahaan u jeclayd ka hore, ka labaad maad jeclaateen

5. Inaanad jawaabin laftarkeeda ayaa ah jawaab ,waana jawaab u awood badan,taa xasuusnow

6. Ma noqon karno waxa aynu ubaahanay in aynu noqono inagoo baaqi kusii ahaanayna sida aynu nahay

7.Maan gaabka ah waxaa lagu gartaa hadalkiisa ninka caqliga leh ahna waxaa lagu gartaa aamusnaantiisa

8.Ka digtoonow cilmiga beenta ah, wuxuu aad uga khatar badan yahay jaahilminada

9.Ha u ogalaan in ay dadka kale go'aamiyaan qofkaad tahay ama noqonayso ku soco mabda'aaga iyo rabitaankaaga ha isu dhiibiin waxay dhahayaan ama ay kugu la dhaqmayaan

10.Ku khalkhali aamusnidaada oo kaga nixi ficiladaada

11.Weligaa qofna haw sheegin dhibaatooyinkaaga, 80% ma danaynayaan,20% way ku farax san yihiin in dhiblaasi ku haysto 60% kalena ma danaynayaan sidaa awgeed way iska yar tahay cida danaynaysa dhibkaaga cidna ha la wadaagin waa iga talo


12.Qaado waxaad haysato oo isticmaal si aad u abuurato waxa aad rabto

13.Haday wax kaa qaldan yihiin hagaaji naftaadana ku tababbar in aanay werwerin, warwarku waxba ma hagaajiyo ee qorshe ayaa wax hagaajiya

14.Weligaa ha qoomamayn maalin noloshaada kamid ah: maalmaha fiicani waxay ku siiyaan farxad, maalmaha xuni waxay ku siiyaan khibrad,maalmaha ugu xuna waxay ku siiyaan casharo maalmaha ugu fiicana waxay ku siiyaan xasuuso

15.Qofka caqliga badan ma yidhaa wax kastaan aqaanaa, doqonka oo kaliya ayaa yidhaa wax kastaan aqaanaa

16.Haka cabanin waxyaabaha aanad rajaynayn inaad wax ka badasho

17.Dabeecada xumi waa sidii taayar banjaray oo kale , meel fog kuma tagi kartid haddii aanad badalin

18.Weligaa saddex nooc oo dadka ah ha iloobin;

    Qofkii ku caawiyay waqtiyadii adkaa,

    Qofkii kaa tagay waqtiyadii adkaa, 

    iyo qofkii sababta u ahaa waqtiyadaadii adkaa.


19.Hadafkagu waa in aanan cidna ka fiicnaan, balse aan ka fiicnaado sidii aan ahaan jiray.

20.Aamin naftaada waxaana aad noqon doontaa qof aan la joojin karin

21.Inaad ka fogaato dadka qaar si aad u ilaaliso dareenkaaga maaha daciifnimo ee waa xikmad

22.Weligaa guulaysan maysida haddii aanad weligaa bilaabin socoshada dariiqa guusha

23.Guulaystayaashu waxa ay diirada saaraan guusha kuwa fashilmaana waxa ay diirada saaraan guulaystayaasha

24.Dadku waxay kuu xantaan saddex sababood;

   Markaanay heerkaaga gaadhi karin, 

   Markaanay haysan waxaad haysato, 

   Markay isku dayaan inay koobiyeeyaan qaab nololeedkaaga balse aanay koobiyayn karin.


25.Waxay rabaan in aad fiicnaato balse marnaba ma rabaan inaad ka fiicnaato, xasuusnow taa

26.Noloshaadu maaha noloshaada haddii aad badanaa danayso waxay dadku kuu maleeyaan.

27.Go,aanada fiicani waxay ka yimaadaan khibrad, khibraduna waxay ka timaadaa samaynta go'aanada xun.

28.Haw u oglaan in waxa aanad qaban karaynin ay kaa joojiyaan waxa aad qaban karayso

29.Haw u sheegin dadka qorshahaaga tus natiijooyinkaaga

30.Saddex sharci oo fudud  oo ay noloshu leedahay:

    haddii aanad daba socon waxa aad rabto weligaa heli maysid,

    Haddii aadan wax weydiin jawaabtu waxa ay markasta ahaan doontaa maya

    Haddii aadan talaabo hore uqaadina waxaad markasta joogi doontaa meel isku mid ah


31.Naxariistu waa luuqada uu dhagoolku wax ku maqli karo indhoolkuna wax ku arki karo

32.Inaad kuftaa waa shil balse inaad sii fadhidaa waa doorasho

33.Indhuhu waa bilaa faa'ido markay maskaxdu indho la'adahay

34.Dadaal yar oo aad maalin kasta samayso ayaa isku darkiisu ku siinayaa natiijo weyn

35.Nolosha hortaada taalaa waxa ay aad uga muhiimsan tahay noloshii aad soo dhaaftay

36.Maantu waa beridii aad ka hadlaysay shalay (wax is bedel ah masamaysay)

37.Dib uma noqon kartid oo ma bedeli kartid bilowgii,balse waxaad ka bilaabi kartaa halka aad joogto,waxaanad badali kartaa dhamaadka

38.Shimbirta geedka ku fadhidaa marnaba kama baqayso in ay laantu jabto sababtoo ah iskumay aaminin laanta ee waxay isku aamintay baalasheedaa markasta aaminsano naftaada.

39.Erayadu waa sida furayaasha oo kale, haddii aad si sax ah u doorato, waxay furi karaan qalbi kasta, waxaanay aamusiin karaan af kasta.


40.Farxadu maaha inaad hesho dhamaan waxa aad rabto, waa inaad ku raaxaysato inta aad haysato

41.Qofkasta oo aad lakulantaa wuxuu ku jiraa dagaal aanad waxba ka ogayn had iyo jeer noqo qof naxariis badan

42.Masaafada u dhaxaysa riyooyinkaaga iyo xaqiiqadaada ay waxa la yidhaahadaa ficil

43.Labada dagaalyahan ee ugu awooda badani waa samirka iyo waqtiga

44.Si kastaba aad u mashquulsanaatide waa in aad waqti u heshaa wax akhris ama waa inaad naftaada u dhiibtaa jaahilnimo aad adigu dooratay

45.Weligaa furaha farxadaada ha kuridin  qofkale jeebkiisa

46.Haddii aad dareento in ay wax kastaa kaa lumayaan xasuuso in geedaha sanad kasta caleentoodu ka lunto, hadana ay sare u taagnaadaan ayna sugaan in maalmo fiicani soo maraan

47.Dadka qaar waxa ay ku fiican yihiin dugsiga dadka qaarna nolosha


48.Inaan dadka qaar ka jaro noloshayda manaheedu maaha in aan iyaga necebahay macnaheedu waa in aan naftayda qadarinaayo

49.Maraakiibtu kuma quusaan biyaha ku hareeraysan awgood ee waxa ay ku quusaan oo ay ku qarqoomaan biyahay guda u gale ee iyaga ku dhex jira  ha u oglaan in waxyaabaha kugu hareeraysani ku dhex galaan hoosna kuu dhigaan

50.Ma jiro qof weligii horumar sameeyay isaga oo lamid ah uun qofkasta oo kale

Horumari noloshaada iskana jooji waqtiga aad macno darada ku luminayso waqtigu wuxuu ka mid yahay waxa ugu qaalisan ee aad haysato qofna kaama qaadi karo mid aad adigu siisay mooyee sidaa awgeed 24hourskaaga waxaad ku bixinayso xisaabi sidaa iyo salaama allah


                          Dhammaad good luck Saaxiibayaal

Post a Comment

0 Comments