madaafiicdii iyo banbooyinkii ay israel la dhacaysay falastiiniyiinta intii uu socday dagaalku kuwo ku dhacay badh tilmaamyadoodii laakiin wali aan qarxin , waxa ay bilawday xamaas inay soo aruuriso dhamaan madaxyadii ay yahuudu ku soo rideen, markii ay soo arooriyeen waxa ay bilaabeen inay kala shaan dheeyaan si kastoo ay u ahaayeen madaafiicdani kuwo aan qarxin hadana waxa ay ahaayeen kuwo aan dib loo adeegsan karin.
waxa ay qorsheeyeen inay kala Soo baxaan baaruuda qarxinaysa madaafiicdan, markii ay kala soo baxeena waxa hadana jirtay dhibaato caqabad ku noqonaysa in gobolka qasa go'doonka saarani uu soo dajiyay in aan la soo qalin gobolkan nooc walba oo ay biri leedahay si ayna birahaasi hub uga samaysanin
waxa ay srintani ay caqabad ku noqotay mashruucii ay xamaas ku doonaysay dib u warsadaynta madaafiicdii ay soo heleen lakiin helitaanka xalku ma soo raagin waxa uu la soo gaadhay 2005tii .
waxa jiray dhulal ay yahuudu daganaayen kuwaas oo ku teedsanaa xuduuda qasa lakiin 2005tii waxa ay bilaabeen inay isaga baxaan cabsi ay xamaas ka qabaan awgeed waxaan ay dhulkaasi madaama oo ay dad daganaayeen lahaa tunbooyin dhulka hoos tiisa mari jiray oo ay ku dahaadh naayeen biro xsmaas ayaa bilawday inay la soo baxdo tuunboyinkaas si ay hub ugu badasho, way la soo baxeen kadibna waxa ay uguda galeen fulinta qorshahoodii , bishii shanaad 2019kii xamaas waxa ay ku riday tobanaan madax oo madaafiicdaasi ah magaalada ay yahuudu dagto ee casqalaan , madaafiicda lagu soo riday casqalaan waxa ay ahaayeen madaafiic lagu soo farsameeyay baaruudii iyo birihii ay yahuudu la haayeen .
waxaanay ku laayeen isal ayagii waxanay dhaawac ba'an u geysteen magaaladaasi. waxa aanay noqdeen raadaaryadii horumarsanaa ee yahuudu qaar awood aan u yeelan iska difaacida madaafiicdaas ay injineeradii xamaas sameeyeen , waxa ayna ku noqotay amakaag yahuudii sida magaalo ay cunaqabatayn ku hayaan kuna bixiyaan balaayiin dollar cuno qabataynteeda , una badaleen madaxda wadamo badan sida masaroo kale si ayna hub u helin u yeesheen hub sidan u horumarsan.
dhirbaaxada ay xamaas u geysatay yahuuda intan kuma eegnaa balse waxa ay mar kale heleen ugaadh aad u qiimo badan oo markale siisay awood dheeri ah, waxa dhacday in sanadkii 1917kii intii uu socday dagaalkii koobaad ee aduunku in ingriisu isku dayo inuu yimaado xeebaha qasa , dawladii cusmaaniyiinta ayaa iska caabin ku samaysay isku daygan ingiriiska waxa ayna duqeeyeen laba markab oo ingiriisku lahaa oo waday hub aad u culus. hadaba waxa dhacay in xamaas ay dhacdaas ay heshay boqol sano kadib ay heshay haraadigii maraakiibtaasi ka haray , dabcan ka hadli mayno dhawr madfac balse waxa aynu ka hadlaynaa boqolaal madfac oo ay xambaar sanaayeen laba markab oo waa wayn .
madaafiicdani waxa ay u dahaarnaayen qaab aad u adag oo mudadaasi dheer ee ay ku jireen aysan waxba gaarin .
waxa ay bilaabeen tijaabintooda si ay u ogaadaan in ay shaqaynayaan iyo awooda qaraxooda , balse waxa ay noqotay natiijadu arin filan waa ku noqotay xamaas, madaafiic leh awood burburineed oo aad u saraysa ayaa gacanta u soo galay ururkan godoonka lagu hayay sanado badan waxayna dib u nashqadeeyeen madaafiicdaasi iyagoo ku xardhay sumadoda una diyaarsaday in ay ku jawaab celiyaan hadii ay Israel isku daydo duqaynta gobalkan sidii hore u dhici jirtayba .
ururka xamaas waa urur uga duwaan gashan maraykanka iyo xulafadiisaba ururada argagaxiso ee aduunka ka jira , ma ahaan urur leh xulafo marka laga yimaado Qadar iyo Turkiga . waa urur ka taliya hal deegaan , deegaankaan uu ka arimiyana waxa uu sanado badan ku jiray go'doon waxaana hareerihiisa oo dhana qoryo iyo madaafiic la fadhiya badanaa dalalka aduunka sida masar , maraykanka iyo qaybo ka mid ah yurub , sidaas oo ay tahayna waxa uu ilaa iyo maanta laf dhuun gashay ku yahay yahuuda isagoo u diidan inay ilbidhiqsiyo indhaha isku qabtaan .
Taliyihii hore ee israel ayaa ku yidh falastiiniyiinta ku sugan qasa "ha adeegsanina hubka waanad helaysaan wax walba oo aad tabtaan waad helaysaane waana idiifuraynaa xuduuda "
su'aasha jawaabta u baahan ayaa ah maxay Israel iga baqanaysaa urur ay isla ayagu go'doon ku hayaan , oo aan awood u lahayn helida hub uu kula dagaalamo halka dalal carbeed oo awood iyo cuduudba ku dhaamaa aysan waxaba iskaga tirinahayn yahuudu , Jawaabta waxaay noqonaysaa ina sharafta iyo haybada asan umadna ku yeelan isku dhiibida cadawgeeda .
Ilaahay ayaa hore inoogu sheegay si kasta oo aad u raadiso rali noqoshah yahuuda iyo kiristanka ilaa aad diintooda raacdo.
waxa hubaal ah in markii ay falastiin iyo xamaasba ay dhabarka u jeediyeen kuwii ay dhiiga islaanimo iyo carabnimaba ay wadaagaan uu ilaahay u furay albaabo aysan cidna malaysanayn.
Intaas ayaan ku soo koobaynaa mawduuceena maanta waxa idiin soo diyaariyay anigoo ah SAMIYA CRAXMAAN MAXAMED waxa aan idin ka tagayaa sidaas iyo nabad galiyo .


0 Comments