1:Weligaa ha aaminin inaad cid kasarayso ku ilaali naftaad inaad is dhuldhigto.
2:Haddii aadan waxba ka qaban karin, iskadaa oo faraha kala bax, maxbuus ha u noqon waxyaalaha aadan beddeli karin
3:Maadaama aanan dib ula dagaalamin macnaheedu maaha inaan daciif ahay waxay la macni tahay inaan waayo arkay oo aan ogahay in cadhadu aysan waxba xalin
4:Xikmad ayaa tidhaahda qofka isagoo xanaaqsan kaa tagay waxaa laga yaabaa in uu kugu soo noqdo mar kale laakiin qofka iisga oo dhoola cadaynaaya kaa tagaa dib uma soo noqonaayo
5:Kiniinkii ugu adkaa ee aan sanadkan liqaa wuxuu ahaa barashada, si kastoo aad qof u waanjiso, waxaa laga yabaa in ay dhabarka kuu jeediyaa waxaad samayn kartaa kaliya in aad naftaada qadariso cidii ku qadarisana la dhaqanto,
6:guuldaradu waa qayb nolosha kamid ah haddii aanad guuldaraysan weligaa ma baran doontid haddii aadan barana weligaa isma beddeli doontid
7:Khaldka ugu weyn ee aan galo noloshayda waa inaan u ogolaado dadku inay noloshayda kusii jiraan in ka badan intay mudan yihiin
8:Shanta akhlaaq ee nolosha;
Dhagayso; intaadan hadlin.
Kasbo; inataadan bixin
Ka feker; inta aadan qorin.
Iskuday;intaadan joojin.
Noolow; inta aadan dhiman
9:Dadku way xanaaqaan markaad ula dhaqanto siday kuula dhaqmaan
10:Xushmee dadka waaweyn markaad yartahay, Caawi kuwa daciifka ah markaad xoog badan tahay, qir khaladkaaga marka aad qaldantahay. sababtoo ah maalin maalmaha ka mida waxaad noqon gabow, daciif ama mid laga khaldanyahay
11:Hadday dadku wax xun kaa sheegaan sidii inay ku garanayaan ha dareemin xumaan, kaliya xasuuso "Eeyuhu waxay ku ciyaan qofka aysan garanayn."
12:Haddii aad doonayso inaad wax gadato adigoo eegayn bangigaaga, waa inaad si adag u shaqaysaa adigoon eegayn saacada/ Weligaa ha iloobin ciddii iska kaa indho-13:tirtay markii aad u baahnayd, hana iloobin ciddii ku caawisay ka hor xitaa inta aadan waydiisan
14:Haddii aad welwesho laba jeer ayaad dhibaatoonaysaa ilaahay u daa
15:Qof walbaa wuxuu rabaa inuu kuu sheego waxa adiga kuu roon, ma rabaan inaad adigu hesho jawaabahaaga waxay rabaan inaad tooda keliya rumaysato/
16:Baro inaad tidhaahdid maya laguuma keenin aduunkan inaad qofkasta ka farxiso
17:Ninka caqliga badan go'aankiisa isagaa qaata ninka jaahilkaana ra'yiga dadweynaha ayuu raacaa
18:Weligaa haku dedegin inaad rumaysato waxaad maqashay waayo beentu waxa ay u faaftaa si ka dhakhso badan runta
19:Nolosha markay iigu darnayd waxa keliya aan u baahnaa waa ilaahay, ha u malaynin inaan adiga kuu baahnaa
20:Haka baqin inaad dadka lumiso, ka cabso inaad naftaada lumiso adoo isku dayaya inaad ka farxiso dhamaan dadka kugu xeeran
21:Dambiga ugu weyn ee aynu galno waa in aynu seexano oo aynu soo kacno u jeedo la'aan
22:Dib u qorshee.. Dib u bilow.. Dib u eeg.. in alaale iyo inta aad u baahan tahay keliya marna ha joojin
23:Inaad lacag ka hesho waalidkaa markii aad yarayd waa guul iyo faraxd laakiin markaad weynaato waa guuldaro
24:Haddii aad ogaan lahayd wax ay dhahaan marka aad maqan tahay, waxaad joojin lahayd inaad dad badan u dhoolacadayso
25:Anigu sirta ma ilaaliyo laakiin dadka ayaan ka ilaaliyaa in ay soo galaan noloshayda,
26:Haddii aad diirada saarto oo aad ku mashquusho waxa kaa lumay waxaa laga yaabaa inaad lumiso wax walba
27:Shakigu wuxuu dilaa riyooyinka badan in kabadn inta ay disho guuldaradu
28:Ha quudin ey kasta oo aad aragto oo dhibaatoonaaya qaar ayaa ubaahan xoogaa yar oo awood ah si ay adiga kuu qaniinaan
29: Daacadnimada waxaan ku abaal mariyaa daacadnimo laakiin khiyaamada waxa aan ku abaal mariyaa ka fogaansho
30:Haddii aan halgan jirin horumar ma jiro
31:Noloshu waa u riyo ka caqliga leh, doqonkana waa u ciyaar, taajirkana waa u majaajilo, maskiinkana waa u masiibo
32: Aad ha uga fekerin keliya samee wixii aad ku farxsan tahay
33:Kuwa isku deyaaya keliya ayaa guuleysan doonaa
34:Ma jiraan wax ka khatar badan qofka naftiisa la halgama ee aan cidna wax weydiisan
35:Ha rumaysanin, wax kasta oo aad maqasho, maxaa yelay qiso weliba waxa ay leedahay 3 fasir:
1;(Mid waa sida aad adiga u fasirato)
2; (Misna waa sida dadka kale u fasirtaan)
3; (Midna waa xaqiiqada dhabta ah ee ay qisadu ka hadleyso)
0 Comments